Arin cusub: Shirkii Istanbul oo lix saac u xayirnaa caro ka dhalatay neenaas loogu yeeray masuul caana.

06 June 2012 Moment Media Group- Dhaqtarad Somalia   (oo ka soo jeeda BEESHA XAWAADLE) oo ka qeybgaleysay Shirkii Istanbul ayaa sabab u noqotay inuu shirka xayirmo lix saacadood kadib markii Ergada beelaha Digil iyo Mirifle ka caroodeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo ay ugu yeertay Shariif Sakiin.

Aqoonyahanada oo ka hadleeysay Shirka ayaa tiri “ Waa nasiib daro in madaxdii Somalia laga maamulo Ethiopia,waxaad arkeeyseen in Shirkii Addis Ababa ay ka qeybgaleen Shariif Ahmed,Shariif Sakiin iyo Cabdiwali Gaas”.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed markii ay sidaas tiri ayey marqura hoolkii Shirka iskaga baxeen dhamaan ergadii beelaha Digil iyo Mirifle.

Diblomaasiyiinta Turkiga iyo Beesha Caalamka oo ka yaabay sababta marqura ergada beelahaas uga baxeen Shirka ayaa ka daba tegay laakiin waxay qancintooda ku qaadatay lix saac.

Hogaamiyeyaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle ayaa ku dooday in neenaasta loogu yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia tahay gef iyo caay loo baraaray .

Ergadii ka qeybgaleeysay Shirka iyo Diblomaasiyiintii maamulayay ayaa madaxa wada qabsaday .

Sheekada qosolka badan waxay tahay haweeneeydii tiri ,oo yaab ka soo haray markii loo sheegay inay ergada ka caroodeen neenaasta ay ku lamaanisay magaca Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Shariif Sakiin.

Dhaqtarada oo dooneysay inay qanciso odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa u tagtay una sheegtay inaysan neenaasta qalad ka fahamsaneyn .

“Aniga Shariif Sakiin unban ku maqli jiray,waxaana u heystay magaciisa ee iga raali noqda” ayey tiri Haweeneeyda laakiin taasi kuma qancin ergada Digil iyo Mirifle.

Lix saacadood kadib waxaa odayaasha Digil iyo Mirifle loo geeyay lacag XAALA,iyadoo dhinaca kalena loo fuliyay sharuudo ay dalbadeen.

Odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle waxay ku doodeen in neenaasta Sakiin uu bixiyay Tifaftiraha Waagacusub,taas oo ay ku sheegeen faduul iyo gef hasse yeeshee Shariif Sakiin iyo Dahir Alasow waa saaxiib,waxaana xusid mudan inuu Shariif Hassan wax dacwada ka moojin neenaasta loo bixiyay.

Posted on June 7, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: