Boliiska & Sirdoonka Nijeria Oo Muqdisho Ku Sugan (Maxaa Keenay)???

image

Ilo xogogaal ah oo ku dhow saraakiisha amaanka dawlada KMG ah ayaa sheegaya in toddobaadkan markii ugu horeysay magaalada Muqdisho soo gaareen Saraakiil ka kala socoda Boliiska & Sirdoonka Nijeria kuwaasoo la sheegay iney u socdaan sidii tababaro iyo xogo isku dhaafsan lahaayeen Ciidamada Amisom iyo Boliiska Muqdisho arrimaha la xiriira xagga amaanka iyo la dagaalanka kooxaha Shababka (Somalia)iyo Boko Haram (Nijeria).

Xogtaan ayaa tilmaamtay Saraakiishan sirdoon iyo kuwa boliska Nigeria ayaa ku sugan xerada ciidamada AMISOM ugu weyn ee Xalane halkaasoo sida wararku tilmaamayaan ay ka bilaabeen seminaaro iyo tababar aqoon kororsi la xiriira dagaalka kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in tirada saraakiishan ay gaareyso ilaa 50 xubnood oo isugu jira sarkiisha baarista Dembiyada Boliiska iyo kuwa sirdoonka oo ka yimid magaalooyinka Kaduna, Lagos caasimada Abuja. Waxaana hawsha ugu weyn ee hadda bilaabeen saraakiishan ay tahay sidii ay u fahmi lahaayeen qaab dagaaleedka kooxaha maleeshiyaadka gaar ahaan ururka Al-Shabaab iyo xiriirka ka dhaxeeya kooxdaan iyo Boko Hara

Shabaab iyo Boko Haram

Saraakiishaan ayaa la sheegay iney si gaar ah u wadaan baaritaan la xiriira xiriirka ka dhaxeeya kooxahani iyo sida loogu guuleysan karo hawlgalka ka dhanka ah ururka Shabaabka oo la aaminsan yahay in ay xiriir dhow la leeyihiin kooxda Boko Haram oo ka dagaalanta waqooyiga dalka Nigeria.

Kooxdan ayaa xerada Xalane tababaro aqoon kororsi ah kaga qaadanaya saraakiisha AMISOM iyagoo sida la sheegayo si gaar ah u darsaya qaabka ugu fudud ee loola dagaalami karo koox maleeshiyo ah oo la mid ah kooxda Boko Haram. Waxaana xogta tababarkaasi ay rajeynayaan in dawlada Nigeria ay u adeegsan karto dagaalka ay kula jirto kooxda Boko Haram.

Saraakiisha AMISOM iyo xubno ka tirsan saraakiisha dhanka amniga ee Midowga Afrika ayaa kacaawiya saraakiisha Nigerian-ka xogta dagaalka kooxha maleeshiyaadka ah, iyadoo looga waramo marxalidihii uu soo maray dagaalkii dheraa ee mudada saddexda sano dawlada Soomaaliya iyo AMISOM kula jireen ururka Al-Shabaab kaasoo ka socday gudaha Muqdisho iyo hareeraheeda.

Wariyaal arkay saraakiisha Nigeria ayaa soo sheegay in kooxdani ay si caadi ah u yimaadaan maalin kasta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo mararka qaarna taga furimaha dagaalka ee ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee duleedyada Muqdisho ku yaalla.

Talaabadani ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii warbixino sirdoon oo dawlada Nigeria ay heshay ay muujiyeen in xiriir dhow oo aad u qoto dheer uu ka dhexeeyo Al-Shabaab iyo Boko Haram oo ka wada tirsan Shabakada Al0Qaacida. Labada kooxood ayaa sidoo kale la sheegayaa inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Qaacida Jasiirada Carabta ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Dawlada Nigeria ayaa hore u balanqaaday inay ciidan ku kordhineyso hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya hase yeeshee waa markii ugu horeysa oo boolis iyo saraakiil sirdoon ay keento Nigeria gudaha Soomaaliya.

Writing is a struggle against silence. Prof. Ibrahim

Posted on June 8, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: