Cali Max’ed Geedi Oo Isku Soo Sharaxay Tartanka Madaxweynenimada Somaliya.

image

Prof. Cali Max’ed Geedi oo horay u ahaa Ra’isal Wasaarihii C/lahi Yusuf ayaa isku soo taagay tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya. Cali Geedi ayaa ka sheegay damaciisa magaalada Nairobi oo uu ku nool yahay tan iyo markii uu ka degay xilka Ra’isal Wasaarenimo sanadkii 2008, isagoo ku nool guri dhowr milyan oo dollar ah oo uu ka gatay halkaas.

Cali Geedi ayaa lagu xasuustaa inuu yahay ninkii kusoo dhaweeyay garoonka Muqdisho Meles Zanawi sannadkii 2007. Waxaa kaloo lagu xasuustaa Geedi inuu yahay ninkii ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka guuraan xaafadaha qaarkood, isagoo ku hanjabay kana dhabeeyay in ciidamada Itoobiya ay duqeyn doonaan xaafadaas.

C/lahi Yusuf iyo Cali Max’ed Geedi ayaa Soomaalidu ku xasuusan doontaa inay ahaayeen nimankii dajiyay ciidamada Itoobiya xaruntii Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliyeed iyo xarunta Villa Soomaaliya.

Posted on June 8, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: