Sidee Looga Gudbi Karaa Madax-Ku-Dhiiglayasha Afduubka Ku Heysta Dalka & Dadka???

image

Hadiiba ay wadaadadii ku sifoobeen kuwo hubeysan oo gamcahooda dhiiga shacbiga Soomalaiyeed ku daadiyay, haddii hogaamiye-kooxedyadii hamigoodu isbaaro dhaafi waayay, haddii aqooyahanadii ay u xuub siibteen kuwo dantooda ka hormariya danta guud iyo iney dalka hoos geeyaan ciidamada Ethiopia si kursiga loogu ilaaliyo, Somalia xiligii galbiskiisii geerida uu gabaabsi yahay, haatana maxaa nala gudboon xiliga kala guurka ah yaa lagu aaminaa oo Madax looga dhigaa dalka Rag Mise Dumar????

Bal Taariikhda aynu dib ugu noqono oo ka soo bilaawno, xiligii Taliska Ciidamada ee Siyaad Barre, wuxuuna darajooyin ku abaal mariyay, xubno xasuuqay shacbi Soomaaliyeed waxaana hormuud ka ahaa Maxamed Saciid Morgan, markuu ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya guud ahaan wuxuu cadaw ka dhigay qayb dalka ka mid ah, wuxuuna ku xukumay dil iyo dacaskooda oo lala wareego wixii kale oo dhib dheeraad ah oo la gaarsiin karo waa baneeyay halaag aan loo kala harin yar iyo wayna wuu saameeyay wuxuuna gaaray darajada (Sareeye Kawaanle) ku dhawaad 60,000 (lixdan kun) oo dadkii inuu difaaco loo dhaariyay ah ayuu god ku shubay aakhirana u xaadiriyay, ogaanta macalinkiisa Maslax oo maanta u ordaya markale madaxtinimo Somaliyeed .

Dagaalada sookeeye markii ay bilowdeen, wuxuu u xuub siibtay inuu noqodo difaaca beeshiisa, iyadoo xiligaasi la gaaray in mirihiisii la gurto, wuxuu madax u noqday maleeshiyada beeshiisa ah (Jirri) ay wada hogaaminayeen Macalinkiisa Geerida Maslax M. Siyaad ka dagaalami jirtay gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, dil dhac iyo dabar jarid shucuub dhan, dhiiguu daadiyay ayaa wali qoyan, iskaba daa wixii uu ka dhigay Waqooyiga Somaliya iyo magaalada Muqdisho, hadana wuxuu ku nastaa Hotelada Nairobi ugu qaalisan waxaana lagu casuumaa xafladaha madaxda maqaar saarka soo dhawaynta iyo sagootinta loogu dhigo.

Qaran-burburay Somaliya waxaa maciin ka raadiyay kuwii la dagay, xiligaan waxaad moodaa in Horjoogayaasha gacmahooda dhiiga ka qoyani ay weli hami ka qabaan iney ka soo dhex muuqdaan masraxyada siyaasada, iyadoo aan laga abaal marin wixii shalay ay geysteen, bal maxaa ka reebay Charles Taylor iyo kii Serbia, madax ku dhiig layaasha Somalia, maxaa ugu wacan ineysan mudan dembiyadii ay shacbiga ka galeen, mise aduunkaa raali ka ahoo la doonaya iney mar kale u biisaan xasuuq kale, mise iyagaa mudan darajo tan ugu saraysa ee dalka, ma adigaa waalan mise cadan baa cod kale ka yeeray?!!!

Horjogayaashani ayaa waxaan si heer Qaran ah loogu galbiyaa hoteelada qaaliga ah ee dalalka shisheeye, waxaa laga tala galiyaa tala kasta oo la doonayo in lagu wiiqo jiritaanta shacabka iyadoo lagu hadaaqayo hal kudhig-yo been ah, hadaba miyaysan ahayn wax laga xumaado kuwii na duleeyay inay wali u ooman yihiin dulaynta Soomaaliya, Maslax iyo Morgan, Geedi iyo Sakiin, Sharif iyo Qaasim, Qeybdiid, Caato, Caalin, Gallayr iyo Gaas, Farmajo, Silaanyo, Rayaale, Faysal Waarabe, Faroole, Cadde Muuse, Adan Madoobe, Sharmake, Xasan Daahir, Xasan Turki,  Godane, Roobow, Madoobe iyo Mahiigahooduba ha dhaafeen iyo ururada diimeed iyo kuwo kale ee loo dhistay iney dhiiga shacbiga dhuuqaan.,

Madax ku dhiiglayaashani waxey dalka dhaxalsiiyeen Qaran jab, Qabiil iyo Qaybin, Quursi iyo Qoqob, Gumaad iyo burbur haniyeed, iyo asaagaa ka har, iyaga iyo in kaloo badan, haddii aadan lahayn damiir dadkaaga ka naxa dullinimo iyo dunida ood ceeb kaga tagtaa kuu taalla.

Muuqaaladaas foosha xun ayaa haatan u muuqda kuwa dib dalka ugu celinaaya xiligii madoobaa, iyadoo haatan ay haatan soo muuqaneyso ifiinta nabada iyo dib u dhiska dalka, si loo gaaro xili ay aqoonta iyo akhlaaqdu shaqayso, Aqoon aan akhlaaq wada waxaa ka wanaagsan aqoon la’aan akhlaaq leh, hadduu damiir wax gartaa jiro marna masoo hunguriyeeyeen xukun ay qabtaan iska daaye inay shacabka Somali oo dhaawicii ay gaysteen uu muuqdo waxaa ku habon inay dhuuntaan inta waaran loo jarayo lagu soo xiro lagu dhaxlo hantiday xadeen.

Hadaba maxaa la gudboon Shacbiga Soomaaliyeed waa iney u istaagaan sidii ay danta dalka iyo dadka loo hormarin lahaa, iyadoo aan dib loo eegeynin wixii shalay dhacay, inkastoo ay haboonaan laheyd in  xisaabiyo xiligaan, hadana waxaana ka sii xun in dib loo noqdo, waxaana ku talin laheyn in talada dalka xiligaan lagu aamino haweenka, inkastoo maalmahaan ay dhagaheenu ku soo dhacaaeen dhiilo xambaarsan haween Soomaaliyeed oo hubeysan????

Posted on June 8, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: