Xog hoose:Waraaq kasoo baxday Hillary Clinton oo si aad ugu Naxeen Siyaasihiin Soomaali Damacsanaa..

June 12, 2012 – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in xubno ka mid ah musharixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya la soo gaarsiiyey farriin ka timid Xoghaya Arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton.

Farriintan oo uu siday Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa lagu sheegay in xubno ay ka mid yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xassan, C/weli Gaas & Faroole aysan isu soo taagi karin doorashada soo socota, lamana oga sababaha looga xayiray doorashada, hasse ahaatee waxaa hadalkani uu daba socdaa hadalo horay kaga soo yeeray Clinton intii uu socday shirkii London oo ay ka sheegtay in marka la gaarayo waqtiga doorashada Soomaaliya in ay muhiim tahay in la helo weji cusub oo horay u soo dhaqaajiya geedi socodka nabadda Soomaaliya.

 ”Ma jirto cid awood u leh in ay u yeeriso madaxda Soomaaliyeed wixii ay yeeli lahaayeen, masiirka ummadda Soomaaliyeedna ma ahan mid wax laga weydiinayo Mareykanka” ayuu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada xafiiska R/wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan, kana mid ah Q/Midoobay, wuxuuna wax aan la qaadan karin ku tilmaamay faragelinta dowladda Mareykanka ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Posted on June 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: