Khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha Somalia iyo wasiirka dastuurka DKMG ah iyo C/raxmaa Faroole oo ku lug yeeshay

Khilaaf ayaa la sheegayaa inuu mar kale soo kala dhax galay madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed iyo kan maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ka dib markii Faroole dastuur uu soo diyaariyey uu farta ka saaray wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh.

Arintaas ayey wararku sheegayaan iney keentay in Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil lagu sheegay in la kala diray labada guddi ee kala ah guddiga Madaxa Banaan ee Dastuur iyo guddiga Qubarada oo uu tilmaamay in uu dhamaaday Waqtigoodii iyo Kaalintii ay ku lahaayeen arrimaha Dastuurka.

Intaa ka dib ayaa waxaa soo baxday Warqad uu ku saxiixnaa Abuukar Xasan Axmed oo ah la taliyaha Sharciga ee Madaxweynaha somalia taasoo lagu sheegay in Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya uusan kaligiis awood u laheyn in uu kala diro Labada guddi ee kala ah guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka iyo guddiga Qubarada, arrintaasina ay tahay mid sharci darro ah waxa kala diri karaa guddigaas uu yahay Madaxweynaha.

Wasiirka dastuurka ayaa talaabadan qaaday ka dib markii 5-tii bishan June loo gudbiyey xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed warqad ka soo baxday Guddiga dastuurka ee madaxa bannaan iyo Guddiga khubarada ee dastuurka taasoo lagu soo bandhigay dacwad ka dhan ah wasiirka dastuurka dowladda KMG C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Warqadaasi ayaa lagu sheegay in wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil uu ku lug lahaa aflagaado, handadaad iyo wada shaqeyn la’aan joogto ah oo uu ku hayey howlaha Guddiga dastuurka ee madaxa bannaan, isla markaasna wasiirku uu had iyo jeer warbaahinta ka sheegayey erayo dadka nacsiinaya dastuurka cusub sida lagu yiri qoraalka.

“Wax badan baan danta qaranka awgeed u soo sabarnay anagoo tixgelineyna qiyamka dastuurku uu leeyahay iyo ahmiyadda ka bixida marxalada ku meel gaarnimada ee dalka, dadweynaha iyo hogaankooduba ku sugan yihiin, wasiirkan uma aragno qof haba yaraatee dalka, diin iyo ummadda midna u daneynaya, midowgooduna dhib ayuu ku yahay, isla markaasna waxa uu ku howlanyahay si sharci darro ah inuu u soo saaro dastuur cusub” ayaa lagu yiri qoraalka dacwadda ah ee loo diray xafiiska madaxweynaha.

Warqadda waxaa Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta sare ee dowlada looga codsaday in tallaabo laga qaado wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo sida ay guddiga warqadan qoray ku eedeeyeen inuu cabaqad ku yahay sameynta iyo meelmarinta dastuurka cusub, illaa iyo haddana ma jirto wax jawaab ah oo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh ka yiri eedaynta isaga ka dhanka ah ee ay soo jeediyeen Guddiga dastuurka ee madaxa bannaan iyo Guddiga khubarada ee dastuurka.

Arintan ayaa waxay noqoneysaa khilaafkii ugu adkaa ee ka dhex aloosma wasiirka wasaaradda dastuurka iyo Guddiga dastuurka oo ah labo hay’adood ee hadda gacanta ku haya howlaha dastuurka qabyo qoraalka ah, kaasoo xubno ka tirsan Guddigu ay sheegeen in 20-ka bishan ugu dambeyn ay dadweyaha u soo gudbinayaan nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka.

Khiilaafka xiligaan soo Ifbaxaya ayaa u muuqda mid xaga awooda ah taa oo shaki galineysa in ay hirgalaan heshiiyadii u danbeeyey ee lagu kala saxiiday Dalka Itoobiya ka oo dhigaayo in wadajir loo sameeyo dastuurka dalkana looga saaro wax la yiraahdo KMG.

Faroole iyo Shariif Xasan ayaa wadaan qorshe kale oo ah in Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka la dooranaayo laga dhiga shaqsi Madaxweyne Shariif ku beel ah halka madaxweynaha la doonaayo in laga dhiga Shariif Xasan oo ah hadda gudoomiyaha Barlamanaka taa uu ku fahmay Madaxweynaha.

Moment Media Group

Posted on June 14, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: