Maxaa Xiligaan Mr.Faroole Geeyay Jigjiga????

Wararka laga helaayo magaalada Addis abeba ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Madaxa Maamul-goboleedka Puntland, oo maalmahaan geed fadhi u ahaa magaalada Addis abeba, ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Jigjiga ee Ethiopia, kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay isaga Hogaanka sare ee Dowlada KMG ah.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Mr. Faroole uu ku gacan seyray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Qabyo-qoraalka, ergada wada hadalka ee Konfurta & Waqooyiga oo laga reebay ergadii Puntland iyo xulista Ergooyinka ee shirka Muqdisho, isla markaasna dhaaawqyadiisa diidmo ay dhegaha ka fureysteen wakiilada beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Somaliya, ayaa haatan wada olole uu ku doonaayo inuu ku kiciyo Beelaha Daarood, wuxuuna heshiis hoose la gaaray in Mr.Maxamed Cabdulaahi Farmaajo (Ra’iisul wasaarihii hore), inuu tago degaanada Puntland oo todobaadka soo socda si xisbiga tayo xafiisyo looga furo. 

Dhanka kale waxaa la filayaa in Mr.Faroole iyo Ergo beeshiisa ah ay gaaraan magaalada Jigjiga, si wada hadalo ku saleysan sidii loo carqaladeyn lahaa Kulamada Konfurta & Waqooyiga oo dhowaan lagu qaban doono magaalada London ula yeeshaan madaxda dawlada degaanka somalia ee kilinka shanaad ee Ethiopia.

Warar aan ka helnay qaar kamid Ergada Mr. faroole ayaa sheegaya iney martiqaad rasmi ah ka heleen madaxda degaankaasi kuwaas isla soo qaadi doonan sidii loo samayn lahaa iskaashi ganacsi iyo xiriir sokeeye maadama beelaha degan degaanka somalida Ethiopia iyo kuwa Puntland ay yahiin dad isku isir ah oo xiriir walaatinimo oo qota dheer ka dhaxeeya.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta xiligaan ku riixay Mr. inuu maciin bido inuu wax ku raadiyo qaab beeleed,hurin colaado degaanada Soomaalida ee dhulka waqooyiga, mase yahay Hogaamiye u qalma inuu hanto xilalka qaranka.

Halkeese lagu tiriyaa Madaxa Maamulka Galmudug Mr. Caalin oo xiliyadii ugu dambeeyay ka gaabiyay inuu guto waajibaadka ay dadkiisa u igmadeen inuu hormariyo maamulka degaanka, isagoo ka door biday inuu fadhi ku dirir ka wado Hoteelada magaalada Addis abeba.

Posted on June 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: