Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbaka Somaliland u diray 52-guuraddii kasoo wareegtay 26-june, 1960, Caalamkana baaq u diray

Talaado, June 26, 2012 (Moment Media Group) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan ku hambalyeeyey Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo dadweynaha uu madaxweynuhu ugu hambalyeynayo munaasibadan awgeed.

“Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Somaliland iyo Shacbiga Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.”ayaa lagu yidhi dhambaalkaasi hambalyadda ah

“Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,”ayuu raaciyey afhayeenku, isagoo intaas ku daray ” Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay la masuugin aqoonsiga ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan dawladnimo, dimuqraadiya oo si wacan u hanaqaaday sidaana la wada ogyahay loona qirsanyahay”.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.

Inkastoo dabaaldegyo waaweyn loo samayn maalinta xornimadda laga qaatay ingiriiska, haseyeeshee, waxa dhamaan la fasaxaa shaqaalaha dawladda iyo Ardayda dugsiyadda, isla markaana waxa habeenkan oo kale munaasibad weyn oo loogu dabaaldegayo maalintan lagu qabtaa xarunta madaxtooyadda, waxaana ka soo qaybgalla madaxweynaha, xisbiyadda qaranka iyo dadweyne kale, waxaana lagu soo bandhigaa Riwaayaddo, suugaan iyo madadaalooyin kale.

Posted on June 26, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: