QM & Dowlada Federalka KMG oo dalka Talyaaniga ku saxiixday Heshiis ah in aan la Askareyn Caruurta (Sawirro).

Xarunta Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Talyaaniga waxaa maanta heshiis ku gaaray dowladda federaalka KMG Soomaaliya & Qaramada Midoobay, waxaana heshiikaasi uu ku saabsanaa in mamnuuc laga dhigo askareynta caruurta yaryar, iyadoo dhinaca dowladda heshiiskaasi uu u saxiixay wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, waxaana munaasabada heshiiskaasi lagu saxiixayey goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Raiisul Wasaaraha Dowlada FKMG C/weli Maxamed Cali, Wasiiro, Xildhibaano, iyo Xubno ka socday Maamulada Ahlu Sunna, Galmudug iyo Puntland.

Laga billaabo maanta dowladd Soomaaliya waxey ka mid noqoneysaa dalalka qaatay in ay ku dhaqmaan in la diido askareynta caruurta – ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka, wuxuuna intaa ku daray in caruurta Soomaalida ay caruur ahaantooda u noolaan doonaan.

Caruurta Soomaaliyeed kama mid noqon doonaan askarta, waxeyna noqon doonaan kuwa mar walba laga difaaco qataraha ku imaan kara, xeyndaabkooduna wuxuu noqon doono mid ku teedsan caruurnimadooda ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga.

Heshiiskaan waxaa u saxiixay dhinaca UN ka wakiilka xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahiga, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto dalalka ay mamnuuc ka tahay askareynta caruurta.

Posted on July 3, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: