Beelaha Shanaad oo soo Saaray War Murtiyeed ku Aaddan Dastuurka Qabya Qoraalka.

image

Annagoo ah oday dhaqameedyada iyo waxgaradka Beesha shanaad waxaan  soo jeedinaynnaa Bayaanka hoos ku qoran: 

1.Annagoo tixgelinaynna xaaladda Somalia ay maanta marayso iyo baahida loo qabo inay dhalato Dawlad rasmi ah oo ummadda Somaliyeed ka gudbisa marxaladdan adag oo  hadda lagu jiro ayaaan go’aansannay:       

2.Inaan laga hor iman soo jeedinta Dasturka, loona gudbiyo Ergooyinka si ay u ansixiyaan Inaan soo gudbinno xubno tayo aqooneed iyo waaya aragnimo leh oo ka mid   noqda Baarlamaanka marxaladdan cusub la kowsanaya.

  • 1. Sida qof walba oo Somali ahi agyahay, Umadda loo yaqaan BEESHA SHANAAD kama tira yara Beelaha kale ee Somaliyeed. Hase ahaatee waxay degganyihiin degaamada Somalia oo dhan, mana jiro gobol ay iyagu aqlabiyadda yihiin. Waxaa nalagu magacaabaa inaan nahay Beesha Shanaad, haddana markii wax qaybsi yimaado waxaa naloo raacaa nidaamka 4.5. Taasi waa xaqdarro bareer ah oo loo geysanayo Beel ka mid ah beelaha Somaliyeed. Sidaas darteed waxaa Beeshu soo jeedinaysaa: 
  • 2. In, si aan loogu xad gudbin xuquuqdayada, Beesha Shanaad loo qoondeeyo qaab ay ku hesho xuquuqdeeda laguna caddeeyo Dastuurka hadda la qorayo. Haddii aan sidaas la yeelinna, Siyaasad Beesha Shanaad ka qayb qaadato waxaa ugu dambaynaysa muddada uu shaqaynayo Dastuurka Kumeel gaarka ah. Taasina waxay meel ka dhac ku tahay xuquuqdayada baniaadamnimo.
  • 3. Umadda loo yaqaan Beesha Shanaad waxay soo martay taariikh dheer oo caddaalad darro, duudsi iyo dhibaatooyin kale oo badan leh. Taasina waxay dhaxal siisay inayna helin xuquuqdooda dhinac kasta, gaar ahaan waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda. Sidaas darteed waxaan soo jeedinaynna: 
  • 4. In Beesha Shanaad loo sameeyo barnaamij cawil celin ah si wax looga saxo caddaalad darradii muddada dheer lagu samaynayey gaar ahaan tan iyo intii aan xorriyadda aan qaadannay il gaar ahna lagu eego dhinacyada waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda.

Ugu dambayntii, waxaan ummadda Somaliyeed iyo Beesha Caalamka ka codsanaynna in aan  lagu gabood falin xuquuqda Beesha Shanaad oo aan laga dhigin ka qaybgalkayaga siyaasadda  mid HAL MAR AH oo ku eg markii marxaladda Dastuurka Kumeel gaarku dhamaato.

Waxaan ku raja waynnahay in codsigayaga wax laga qabandoono.

Moment Media Group

The best time for planning a book is while you’re doing the dishes.Agatha Christie

Posted on July 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: