Nabadoon Xaad “Dastuurka ay dowladu keentay waxaan ku aragnay qodobo badan oo shareecada Islaamka ka hor imaanaya”

Guddoomiyaha odayaasha beelaha Hawiye nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah duqeyda dhaqanka beelaha Soomaaliyed ee shirku uga socdo magaalada Muqdisho ayaa dhaliilo badan u soo jeediyey dastuurka cusub ee dalka loo sameeyey gaar ahaan kii ay u qeybisay dowlada.

Nabadoon Xaad ayaa inta ku daray in dastuurkaas markii ay aqriyeen ay ku arkeen qodobo badan oo aan u cuntameynin umada Soomaaliyed una baahan in wax laga bedelo isagoo xusay in haddii aan wax laga bedelin qodobadaas aysan odayaashu aqbali doonin.

“Dastuurka ay dowladu noo keentay waxaa ka buuxa qodobo badan oo shareecada Islaamka ka hor imaanaya, kuwaasoo aan aragnay markii aan aqrinay, sidoo kale qodobo wax u dhimaya wadaniyada ayaa ku jira, waxaana isleenahay haddii aan qodobadaas wax laga bedelin dastuur shaqeeya ma noqon doono” ayuu intaa ku dara Nabadoon Xaad.

“Gudoomiyaha odayaasha beelaha Hawiye nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in khaladaadka ay ku arkeen dastuurka ay gudbiyeen madaxweynaha Somalia si wax looga bedelo, isagoo xusay iney u cadaatay odayaasha dhaqanka ineysan jirin door muuqda oo ay leeyihiin ka talo bixinta iyo wax ka bedelka dastuurka.

“Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in dastuurka aysan jirin cid wax ka bedeli karta marka laga reebo ergooyinka 850-ka ah ee ka doodaya ansixintiisa, wuxuu kaloo noo sheegay in wixii cabasho ah ee dastuurka ku saabsan aanu u gudbino ergooyinka” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Posted on July 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: