Xog Hoose:- Madaxweyne Shariif Iyo Ra’iisal Wasaare Gaas Oo Isku Khilaafay Soo Gudbinta Ergada Ansixinaysa Dastuurka

Khilaaf aad u xoogan ayaa hadhiiyey Madaxda ugu sar saraysa Dowladda KMG Soomaaliya kadib markii ay isku khilaafeen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Iyo Ra’iisal Wasaare  C/weli Maxamed Cali Gaas soo gudbinta ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee dalka soomaaliya.

Hadaba ila xog ogaal ah oo aanu ka helnay Madax tooyada Dowladda KMG soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf aad u xoogan oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta sar sare ee Mr Gaas Iyo Sh. Shariif, kaas oo salka ku haya soo gudbinta gudida ansixinaysa dastuurka cusub ee dalka soomaaliya oo isagu uu ka taagan yahay muran xoogan iyo walaac aad u badan.

Labadan Mas’uul ayaa la sheegay in ay isku af dhaafeen soo gudbinta ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee dalka soomaaliya iyadoona la sheegay in uu mid kasta uu haysto garab raacsan oo la mawfiq ah.

Mr gaas ayaa la sheegay in ay isku hadaf yihiin Wasiirka Arimaha Dastuurka Ee Dowladda KMG soomaaliya iyagoona ku midaysan inay gacantooda soo galaan  liiska ergada ansixinaysa dastuurka cusub.

Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisal Wasaare Gaas ayaa kala taagan laba mowqif oo kala gaar ah isagoona mid kasta uu ku doodayo inay waajib tahay in gacantiisa ay soo galo liiska ergada ansixinaysa dastuurka cusub, khilaafkan ayaa sababay in ay Labadan Mas’uuli ay wada qaataan shir gaar u ah kaas oo la sheegay inuu noqday mid ay isku fahmi waayeen.

Khilaafkan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay isla mar ahaan taana baajiyey shir lagu waday maalinta bari ah inuu u wada furmo Mas’uuliyiinta Dowladda Iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo la rajaynayey in la isla afgarto ergada ansixinaysa dastuurka cusub iyo soo gudbintioodaba.

Hadaba lagama war hayo halka uu ka dambeyn doono  khilaafkani iyo waxa uu sababi doono in kastoo ay caado u tahay dhanka Mas’uuliyiinta Dowladda KMG Soomaaliya in ay iska dhacaan khilaafyo noocan oo kale, kuwaas oo iyagu inta badan aan ku salaysnayn wax bulshada Soomaaliyeed u dan ah.

Hadii aanu nahay Bahda Horufadhi Online waxaa naga go’an in aan idiin soo gudbino Masawirka dhabta ah iyo Xaqiiqada jirta Hadaba ha moogan ee la soco markasta Wararka, Barnaajimyada, Iyo Waraysiyada ka baxa Shabakadda Horufadhi Online.

Xafiiska Wararka Moment Media Group Online

The art of writing is the art of discovering what you believe.  MMG

Posted on July 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: