IGAD Oo Digniin U Jeedisay Saxiixyaasha Soomaalida

image

War saxaafadeed laga soo saaray kulan ay magaaladda Addis-Ababa ku yeesheen wasiiradda arrimaha dibbadda wadamada ku jira urur goboleedka IGAD ayaa waxay ugu baaqeen saxiixayaasha Road-Map,ka ee Soomaaliya inay joojiyaan hadalada kul kul ee ay warbaahinta isku mariyaan iyo shirararka gooni goonida ah ee ka dhanka ah qorshaha Road-Map,ka inta lagu guda jiro marxaladda kala guurka ah ee wadanku hadda ku jiro.

Sida war saxaafadeedka ku qoran madaxda Soomaalida ee saxiixay qorshaha Q,Mgar wadeenka ka tahay ee Tubta Nabada loogu magic daray waxaa loo jeediyay inaysan kas soo hor jeesan qiorshaha socda ee ladoonayo in wadanka looga saaro xaaladda KMG ah looguna gubayo dawlad dhexe ee wadanku yeesho.

IGAD waxaa ay war saxaafadeedkeeda ku sheegtay in cid kasta oo loo arko inay carqaladaynayso hanaanka Soomaaliya looga saarao ku meel gaarnimada laga qaadi tilaabo adag oo la cuna qabatayn doono.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida inay joojiyaan hadalada kul kul ee ay hawada isku mariyaan waayo waxay dhibaato ku tahay qorshaha looga baxayo ku meel gaarnimada” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ay soo saareen wasiiradda arrimaha dibbada wadamada ku jira urur goboleedka IGAD, warkaan ayaa soo baxay kadib markii uu dhowaan Hanjabaado iyo aflagaadeynuu jeediyay Horjoogaha Puntland Mr. Faroole.

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustina Mahiga ayaa ayaa dhawaan digniin u diray cid kasta oo carqalad ku noqota in Soomaaliya ku meel gaarnimada ka baxdo.

There is creative reading as well as creative writing. Moment Media Group

Posted on July 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: