Maamulka Gal Mudug Oo Eedeymo Uga Yimid Dhinaca Pontaland.

image

Iyadoo dhawaan Shaqaale u Shaqaynayay  Hay’ad Sama Fal ah oo magaceeda loo soo gaabiyo IAS laga af duubtay Degaano hoos yimaada maamulka Pontland ayaa waxaa arrintaa si kulul uga hadlay Mas’uuliyiin u hadlay Maamulka gal Mudug State.

Taliyaha Ciidamada ammaanka ee Maamulka gal Mudug Maxamed Axmed oo arrintaa ka hadlayay ayaa iska riixay hadalada ka soo yeeray Saraakiisha ammaanka ee Maamulka Pontland kuwaasoo sheegayay in Shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee laga soo af duubay Degaanada Pontland loola gudbay Degaano hoos taga Maamulka Gal Mudug.

Sarkaalka u hadlay Gal mudug ayaa sheegay in aysan ogoleyn marnaba in degaanada ay ka arrimiyaan  Maamulkoda in loola soo tallaabo Dad la soo af duubay arrinta ka soo yeedhay Pontland ay si aad ah u beeninayaan.

Hadalkan ka soo yeeray dhinaca Maamulka Gal Mudug ayaa imaanaya xilli dhawaan Saraakiil u hadashay maamulka Pontland ay sheegeen in Shaqaalihii Hay’addaas u shaqaynayay oo  u dhashay Dalka kiinya lagana af duubay meel ka fogeyn degaanka Bacaad weyn ee maamulka pontland ay af duubteen Rag Bur Cad Badeed ah isla markaana loo gudbiyay Magaalada Hobyo oo hoos timaada Maamulka  Gal Mudug.

Saraakiisha Pontland ayaa sheegtay in ay ku raad joogaan Raggaas Bur Cad Badeedda ah ee shaqaalahaas af duubtay isla markaana ay qirayaan in xiligaas ay ku sugaan yihiin Hobyo ugana hari doonin sidii ay uga soo furan lahaayeen Ciidamada Pontland Ragga la af duubtay iyagoo la kaashan doona Maamulka Gal Mudug.

Arrinta soo gelitaanka Raggaas af duubka ku soo qabsaday Shaqaalihii u shaqaynayay Hay’addaas sama falka ee dhinaca Gal Mudug ayaa waxaa si weyn ugu gacan seeyrey iskana fogeeyay jiritaankeeda Maamulka Gal Mudug State.

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxo Hubaysan ay jid gooyo u dhigteen Gaari ay wateen Shaqaalahaas Hay’adda IAS oo dhalashadoodu ahayd Laba Kiinyaan ah iyo mid Soomaali ah halkaasna lagu af duubtay iyadoona arrintaa lagu macneeyay Bur Cad Badeedii oo hawl galadooda dhinaca berriga u soo leexisey.

To send a letter is a good way to go somewhere without moving anything but your heart.

Posted on July 13, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: