Nabadoon Xaad “Marka Hore Ha La Saxo Khaladaadka Qabyo Qoraalka”

image

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaal dhaqameedyada ka qeyb galaya shirka Odayaasha dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan qaladaad ku dhex jira Dastuurka, kaasoo ay dalbadeen in la saxo.

Xaad ayaa sheegay arrinta kale ee la isku haayo ay tahay mid aan badneyn, isagoo xusay in marka hor ay soo jeediyeen in qaladaadka la hor mariyo, isagoo xusay inay jiraan aragtiyo kala duwan.

“Kaliya waxaa jirta wax aan badneyd, odayaasha waxay dalbadeen in la saxo qaladaad ka jira Dastuurka, ka hor inta aan Ergada la soo xulin”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Waxaa uu ku baaqay in aan la fududeysan talooyinka Odayaasha, isla markaana aan laga hor imaan, soo jeedinta iyo baaqyada.

“In la helo Dastuur la aamini karo, Umada ay ku qanci karto, ma ahan in Odayaasha taladooda la fududeysto, in la yiraahdo waxaas talo kuma leedihiin, ee waxaan sameeya, in Dastuurka la saxo, ergadana la soo xulo, shaqana ay socoto, sidaas ayay caafimaadka ku jirtaa”ayuu mar kale yiri.

Dib u dhaca ku yimid shirkii Ansixinta Dastuurka iyo soo xulista ergooyinka ayaa noqday mid bilow u noqday inuu dhaqan geli waayo, mid ka mid ah qodobadii hanaanka nabada Soomaaliya ee xilliga KMG looga bixi lahaa.

———————

I have made this letter longer, because I have not had the time to make it shorter.

Posted on July 13, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: