Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Faroole & Saraakiisha Dowlada KMG ah

image

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay Saraakiisha hageysa Maamulka Shirka Ergada soo xuleysa Xildhibaanada, iyo Maamulka Faroole ee Puntland, xiisadani ayaa sheegay iney marka hore ka dhalatay kadib markii laba liis ay soo qorteen Odyaaasha Dhaqanka beesh Daarood iyo Mr. Faroole oo Liis u gacanta u geliyay Mr. Mahiiga, taasoo gaartay in ilaa haatan aan laga gaarin natiijooyin, iyadoo lagu wado inuu shirka berito ka furmo magaalada Muqdisho.

Warar naga soo gaaraya Garowe ayaa sheegaya in xunrta Faroole ee Garowe ay ku sugan yihiin in ka badan 100 ergay oo u soo xulay inay uga qeybgalaan shirka ansixinta dastuurka kuwaasoo la filayey in saaka ay u dhoofaan magaalada Muqdisho, hase yeeshee DKMG ah ay ka diiday tiradaasi inuu Faroole soo dirsado.

Nabadoonada iyo isimada beelaha gobolada Mudug, Bari iyo Sool oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho ayaa iyagu gudbistay liiska ergooyinka beelahooda iyagoo sheegayin liiska uu soo qoray Mr. Faroole uusan metelin beelahooda islamarkaana beel kasta uu ka masuul yahay isinkeeda taasoo madaxweyne Faroole uu ku gacanseyray.

Magaalada Garowe waxaa galabta soo gaaray wasiirka dastuurka ee xukuumadda KMG C/raxmaan Xoosh Jibriil, si uu u dhex dhexaadiyo khilaafka cusub ee ka oogmay DKMG ah iyo maamulka madaxweyne Faroole oo kamid ah lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka loo yaqaano.

War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya inwasiir C/raxmaan Xoosh uu hadal kooban warbaahinta siiyey markii uu gaaray Garowe uuna sheegay inuu wadahadal la yeelanayo Mr.Faroole.

Ergada Garowe oo 30 laga rabo

Xogtaan ayaa tilmaameysa in diyaarad loogu talagalay inay qaado ergada Garowe ka soo ambabaxaysa ay haatan taagan tahay garoonka magaalada Garowe, isla markaana DKMG ah ay u sheegtay Mr.Faroole inuu diyaarada soo saaro 30 xubnood oo uga qeybgala shirka ansixinta dastuurka, maadaama beelaha gobolada Sool, Mudug iyo Bari ay gaar u soo xusheen ergadooda.

Lama oga in dalabkaasi madaxweyne Faroole uu yeeli doono, waxaana maanta kulamo xiriir ah ay ka dheceen madaxtooyada Garowe iyadoo laga dooday arintan ka dhex taagan DKMG ah iyo madaxweynaha Puntland oo illaa hadda ku adkeysanaya in ergada Muqdisho joogta aysan metelin beelaha Puntland.

———————-

A metaphor is like a simile

Posted on July 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: