XAAD Iyo Ku Xigeenkiisii Oo Isaga Baxay Shirka Odoyaasha Dhaqanka Muqdisha

image

23 July, 2012 – Guddoomiyaha Odoyaasha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Maxamed xasan Xaad iyo ku Xigeenkiisii ayaa maanta iska casilay Shirka odoyaasha isla markaana isaga baxay Shirka.

Xaad oo markii uu ka baxay Shirkaas Saxaafadda la hadlay ayaa ka war bixiyay sababaha keenay in xiligan uu isaga baxo Shirka odoyaasha dhaqanku ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa cabasho ka muujiyay in Dastuurku ayan ku xusneyn in caasimadda Soomaaliya ay tahay Magaalada Muqdish iyo qodobo kale oo uu sheegay inaysan u cuntamin Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed xasan xaad ayaa sheegey in maadaama ay dastuurku ka muuqanayaan qodobo aan u cuntamayn Umadda Soomaaliyeed in ay ceeb ku tahay inuu u qaado Shacabka Soomaaliyeed wax aan u cuntamayn intii uu taas yeeli lahaana uu ka door biday in shirkaba uu isaga baxo.

Guddoomiyaha ayaa ugu yeeray odoyaasha kale ee haatan ka qayb galaya shirkaas in ay qaataan iyaguna mowqifka ay qaateen isaga iy ku xigeenkiisa shirkana ay isaga baxaan.

Xaad ayaa sheegay inuusan shirkaas dib danbe ugu soo laabanayn illaa wax laga qabanayo qodobada  Dastuurka  ku jira oo ay ka biya diideen.

Arrintan ayaa waxa ay dhabar  jab ku noqonaysaa dadaalkii maalmahanba lagu doonayay ansixinta dastuurka qaranka Soomaaliyeed oo muddo dheer la isaga soo daba jiitamayay dhaqan gelintiisa

Si kastaba hadalkan ka soo yeeray guddoomiyaha odoyaasha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye ayaa waxaa uu imanayaa xilli la ogoladay Talo ay hore u soo jeediyeen Odoyaasha dhaqanka oo ahayd in Xubnaha barkamanka cusub laga dhigo laba Boqol iyo Todobaatan  Shan Xubnood fikirkaas oo markii hore lagu diiday.

—————

Proofread carefully to see if you any words out.

Posted on July 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: