Hardan loogu jiro cida ku fariisineysa kuraasta Baarlamanka cusub ee Somalia oo taagan magaalada Muqdisho

30.07.2012 – Iyadoo uu bilowday qorista Xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee soo socda ee ay yeelaneyso dowladda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya shuruudo lagu xirayo qofka ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub, kuwaasoo ay horay ugu soo heshiiyeen saxiixayaasha Road Map-ka iyo kooxda xiriirka Soomaaliya ee loo yaqaano ICG.

Shuruudahan ayaa waxaa ka mid ah in qofka noqonaya Xildhihaanka cusub uu heysto ugu yaraan shahaado dugsi sare, sidoo kalema uusan wax dembi ah dalka ka gellin, iyadoo dadiisu laga doonayo inay u dhaxeyso 25 illaa 75-sano jir, wixii intaas ka yar ama ka weynna aan la aqbali doonin.

Sidoo kale waxaa jira qodob aan la soo bandhigin weli kana mid ahaa heshiiskii ay ICG-da iyo saxiixayaasha Road Map-ku ay isku afgarteen kaas oo ahaa in Xildhibaanada hadda jooga ee ka mid ah dowladda KMG uusan midna ka soo noqon, inkastoo qodobkaasi la isku afgaran waayey, haddana waxaa la sheegay in tiro yar oo kooban laga soo celiyo Baarlamaankaasi haddiiba laga maarmi-waayo.

Qodobka ah waa inuusan dembi ka gellin dalka ayaa la sheegay inuu salfan doono xubno badan oo caan ka ah dalka Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin dembiyada looga reebayo kuwa ay yihiin, waxaana jira warar sheegaya in raggaasi ay ka mid yihiin hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ka tallinayey 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale iyadoo qeybo ka mid ah ay beelaha qaarkood gudbiyeen Xildhibaanada cusub ayaa warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in xubno badan oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ay iska waayeen liiska cusub, waxaana la sheegay in mid ka mid ah beelaha oo heshay Xildhibaano ka badan 10-xildhibaan sadex keliya ay ka soo noqdeen raggii hore.

Dhanka kale dowladda KMG ayaa ka hadashay xildhibaanada la xulayo, waxayna sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in xildhibaanadaasi laga helo aqoon iyo karti, waxaana arrinkaasi si gaar ah uga hadlay wasiiradda haweenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo sheegtay in xubnaha cusub ee Baarlamaanka dalka soo geli doona lagu xulan doono karti iyo aqoon oo aanay jiri doonin in qof kasta meesha la iska keeno, waxayna intaasi ku dartay in rag iyo haweenba shuruudahaasi laga rabo.

Waxaa dhinaca kale, waxaa sii xoogeysanaya isqabqabsi iyo muran u dhexeeya beelaha qaarkood oo salka ku haya qofka xildhibaanimada ay u qori lahaayeen, waxaana taas barbar socda rag qurba joog ah oo boorsooyin waaweyn oo lacag ah la yimid magaalada Muqdisho kuwasoo doonaya iney xildhibaanada beelahooda wax ka helaan.

Odayaasha qaarkood ayaa la sheegay iney lacag fara badan ka qaateen rag ay xildhibaanada cusub ku dareen, waxaana magaalada Muqdisho ka socda kulamo gaar gaar ah oo yeelanayaan odayaasha dhaqanka iyo raga boolahooda ka tirsan ee xildhibaanimada doonaya.

Wakiilka QM ee Somalia Agustino Mahiga ayaa sheegay dhowaan in odayaasha beelaha laga doonayo iney soo gudbiyaan liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamanka ugu dambeyn 31-ka Bishan Jully oo ku began maalinta beri ah lamana oga in arintaas uu dib u dhac ku iman doono iyo in kale.

———————

Writing, to me, is simply thinking through my fingers.

Posted on July 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: