Mid Ka Mid ah Ergada Ansixinta Dastuurka Oo Soo Jeediyey In La Tirtiro Nidaamka 4.5

 

Muqdisho (Moment Media Group) Yuusuf Aadan Cismaan oo kamid ah ergada ansixinta dastuurka cusub oo waraysi siiyay warbaahinta Moment Media Group ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in meesha laga saaro dhidaamka 4.5.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay xooga saari doonaan sidii meesha looga saari lahaa nidaamka awood qaybsiga Soomaalida oo uu sheegay in uusan xaq ahayn.

Yuusuf Aadan Cismaan waxa uu tilmaamay in Dastuurka aysan ku qornayn wax la yiraahdo 4.5, hase yeeshee uu yahay nidaamkaasi mid ay Soomaalida caado ka dhigatay.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Soomaaliya in gabi ahaanba arintaasi ay ka soo horjeesato oo aanan loo baahnayn dad Soomaaliyeed in wax loo dhimo oo laga dhigo bar.

Yuusuf Aadan Cismaan ayaa wuxuu intaasi uu ku daray in gabi ahaanba beesha shanaad ay ka soo horjeedo qodobkaasi loona baahanyahay in dadka Soomaaliyeed laga dhigo shan beelood.

Dastuurka cusub ee haatan loo fadhiyo ansixintiisa ayaa ayaa waxa aanan ku qornayn nidaamka 4.5 laakiin waxaa lagu balamay in baarlamaanka cusub lagu soo dhiso dhidaamkaan.

Moment Media Group

Posted on July 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: