Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Galay Maalintii Lixaad

July 30, 2012 – Muqdisho (Moment Media Group) Shirkii ansixinta dastuurka qabyada ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah galay maalintii lixaad iyadoo ergooyinka shirka ay isu qeybiyeen guddiyo ka kooban illaa 10 guddi.

Madasha shirka ayaa waxaa ka socda doodo ku saabsan cutubyada dastuurka oo ay ergooyinka isugu qeybiyeen waxaana guddi kasta ay doodaha ku sameynayaan qol u gaar ah oo ka mid ah xarunta Gen Kaahiye [Ex Iskuul Boolisiya] halkaasoo shirka uu ka socdo beryahan.
Wariyaasha ku sugan madasha shirka ayaa soo sheegaya in shirka uu gudoominayo wasiirka dastuurka DKMG C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Waxaa lagu wadaa in ugu dambeyn dhamaadka usbuucan lasoo afmeero shirka ansixinta dastuurka oo furmay Arbacadii lasoo dhaafay, sida ay horey u sheegtay xukuumada KMG ah laguna dhawaaqo in dastuurkii qabyada ahaa la ansixyey.
Dhanka kale qaar ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka iyo odayaal ku sugan madasha ayaa Raxanreeb u sheegay in lagu wargeliyey in mudo saddex maalmood ah lagu soo gudbiyo magacyada ka dhiman liiska xildhibaanada baarlamaanka oo beelaha qaarkood weli aysan gudbin.

Warar kale: Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu ku gacan seeray Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo iyagu sheegay inaysan muddo sagaal cisho ah ku meel marin kareyn Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, oo galinkii dambe ee shalay Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka kulan kula qaatay Dugsigii Tababarka ee School Polizio, ayaa waxay ka dalbadeen in muddo kordhin loo-sameeyo.

Ergayda ayaa waxay ku dooday in nuqulada uu Dastuurku ka kooban yahay uu yahay mid tiro badan, isla-markaana waxay ku cawdeen in waqtiga u harsan uu yahay afar cisho oo kaliya, sidaasi daraadeedna ay doonayaan in muddo kordhin loo-sameeyo, maadaama afarta cisho ka harsan aysan ku meel marin kareyn, sida ay sheegeen.

Kahor inta aysan Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka Raa’isal Wasaaraha ka dalban muddo kordhin, ayaa waxay isu qeybiyeen ilaa toban qeybood, si’ay u soo dedejiyaan Ansaxinta Dastuurka, maadaama uu waqtiga uu ku yar yahay, kadib waxay garteen inuusan waqtigu ku filneyn oo ay doonayaan in muddo kordhin loo-sameeyo, waana taa midda ka dambeysay inay muddo kordhin dalbadaan.

Hase yeeshee Raa’isal Wasaare Gaas ayaa wuxuu sheegay inaysan arin suura-gal ah ahayn, in xilligaan muddo kordhin loo-sameeyo Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, waayo buu yiri xilliga Doorashada waa ay dhaw-dahay.

Madaxda Dowladda ayaa waxaa muuqaneysa in shacabka Soomaaliyeed ay ku cadaadinayaan Dastuurkaan, xilli Culima’udiinka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan walaac xoog leh, maxaa yeelay waxaa ku jira nuqulo si cad uga horimaanaaya Shareecada Islaamka.

——————–

The best way to become acquainted with a subject is to write a book about it.

Posted on July 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: