Cabdi Qayb Diid Oo Maanta Ku Guulaystay Madaxtinimada Gal Mudug State

image

Cabdi qaybdiid oo ka mid ahaa Musharixiinta u taagan qabashad Xilka madaxtinida Gal Mudug ayaa maanta ku guulasytay tartanka doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi.

Doorashooyinkii maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo oo ay ku tartameen madaxweyne ku Xigeenkii hore ee maamulkaas cabdisamad Nuur Guuleed iyo Cawaale ayaa waxaa labaatan Cod ku helay Qaybdiid.

Munaasibaddaas oo ay ka soo qayb galeen Barlamaankii hore, Golihii wasiiradii hore ee Xukuumaddii Caalin wax garad iyo  siyaasiin kale ayaa waxaa lagu qabtay doorasho ay ku tartamayeen labada  Hoggaamiye.

Prof.Maxamed Shirwac  oo ahaa guddomiyaha Guddiga Doorashada oo doorashadaas kaddib Khudbad halkaa ka jeediyay ayaa sheegay in Madaxweynaha Gal Mudug oo ay ku wada tartameen labadaas Musharax in ugu danbayntii uu ku guuleystay Cabdi xasan cawaale isla markaana uu Musharixii la tartamayay uu kaga guulaystay   Doorashadaas.

Guddoomiyaha Doorashada Porf. Shirwac  oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray  in marka maanta laga bilaabo  Gal Mudug State uu Madaxweyne ka yahay cabdi xasan cawaale cabdisamadna loo doortay Madaxweyne ku Xigeen.

Cabdi xasan cawaale oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ugu horeyntii u mahad celiyay Xubnihii u doortay  ama u codeeyay iyo kuwii aan u codeynba isagoona ballan qaaday  in maamulkiisa uu gaarsiin doono Bartamaha Gobolada dhxe ee soomaaliya.

 Qaybdiid ayaa ka codsaday Bulshada Gal Mudug inay gacanb ku siiyaan gudashada waajibaadkiisa isla markaana  ay ku gacan siiyaan sidii uu Maamulkisa dalka ugu hoggaamin lahaa horumar.

Ugu danbayntii ayaa Cabdi xasan  Cawaale Qaybdiid waxa uu ballan qaaday inuu Dalka ku hoggaamin doono caddaalad iyo horumar.

Si kastaba Madaxweyne caalin ayaa xiligiisii waxaa uu ku dhaamanayay Bisha ogos horaanteeda sidii  Barlamanka maamulkaasi uu hore u ansixiyay.

Posted on August 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: