Caalin oo doorashadii Jen. Qeybdiid ku tilmaamay mid sharci daro ah oo lagu carqaldeynayo fulinta qorshaha road-mapka

image

Maxamed Axmed Caalin oo sheegay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Galmudug ayaa ka soo horjeestay doorashado isaga lagu bedelay oo shalay ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasoo madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug loogu doortay Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Mr. Caalin oo isagoo Nairobi jooga la hadlayey idaacadda VOA-da ayaa ku tilmaaamy doorashadaas mid sharci daro ah oo aan ku imaan dariiqii sharciga ahaa iyo rabitaanka shacabka galmudug, isagoo sheegay inuu horey uga digay qaabka ay hadda u wax u dhaceen hase ahaatee warkiisa la iska dhega mariyey.

Madaxweyne Caalin ayaa intaa ku daray inay jireen musharaxiin badan oo doonayey iney u tartamaan xilka madaxweynaha Galmudug hase ahaatee ay ka joogsadeen arintaas ka dib markii ay arkeen in qaabka ay wax u socdaan aysan sax aheyn, isagoo xusay inuu u hogaansamayo rabitaanka shacabka Galmudug.

“Madaxweynaha ayaa xaq u leh inuu magacaaabo guddiga doorashada sida xeerkeenu qorayo hase ahaatee guddigii aan magacaabay waa laga weecday, waxaana doorashada hadda dhacday qabanqaabiyey guddi kale aanan garaneyn meel uu sharciga uga yaalo” ayuu intaa ku daray madaxweyne Caalin.

Mr. Caalin ayaa sheegay in doorasahadan lagu soo beegay xili dalku uu ku jiro waqti kala guur ah, lana joogo xiligii ugu darnaa ee qorshaha road mabka lagu fulinayey, shirar badana ay ka dhici doonaan gudaha iyo dibeda, iyadoo Galmudugna ay qeyb ka tahay saxiixeyaasha, wuxuuna sheegay in ujeedada laga lahaa doorashadan ay tahay in lagu carqaladeeyo isbedelada socda.

Golaha wakiilada maamulka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ugu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ka dib tartan doorasho oo dhexmaray isaga iyo C/samad Nuur Guuleed oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulkaas, taasoo ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Iyadoo maalinimadii shalay Guddiga Doorashada maamulka gal Mudug State ay  shaaciyeen  in Doorasho halkaa ka dhacday uu Madaxnimada Gal Mudug State uu ku Guulasytay Cabdi Xasan Cawaale ayaa waxaa arrintaa markii u horeeyay ka hadlay Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin.

Madaxweyne Caalin oo muddooyinkii u danbeeyayba ku sugnaa magaalada nayroobi ee Dalka Kiinya ayaa ka hadlay Doorashada la sheegey in shalay ka dhacday Koofurta Magaalada gaalkacyo ee maamulka gal mudug State.

Col. Caalin ayaa arrintaa ku sheegay mid Fowda ah oo ay wadaan Dad uu ku tilmaamay in ay weligoodba ka shaqayn jireen Khilaafaadka Gal Mudug State.

 Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegey in isagu uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee la aqoonsan  yahay  Doorashada la sheegay in la qabtayna ay tahay mid wax kama jiraan ah.

Hadalkan Mr Caalin ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Tartan u dhaxeeyay Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka gal Mudug State Cabdisamad Nuur Guuleed iyo Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ay ku Tartameen Madaxtinimada Maamulka Gal Mudu State taasoo Guddoomiyaha Guddiga doorashada  Por. Shirwac uu sheegay in Doorashadaasi uu ku guulaystay Cabdi Xasan Cawaalw.

Cawaale oo Doorashadaas kaddib isaguna war baahinta la hadlay ayaa aqbalay Doorashada loo doortay Madaxweynaha gal Mudug State isagoona ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono dhinaca ammaanka iyo horumarka Gal Mudug oo uu sheegay in dib u dhac weyn uu ka jiray.

Si kastaba waxaan shaki ku jirin in khilaafkii muddooyinkii u danbeeyay u dhaxeeyay Maamulka Gal Mudug State  uu mar kale soo shaac baxayo isla markaana u muuqanayo mid lugaha la sii galaya  Siyaasado iska soo hor jeeda.

Posted on August 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: