Mudane Formaajo “Boqolle” buug uu qoray wuxuu ku weeraray beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed. Miyeysan kula gudboonayn inaad qormadaa ka cudurdaaratid?

Maanta ayuu ku soo laabtay, oo yiri Anigu qabiillada wax kama sheego, sheeko caruureed, miyeysan kula gudboonayn inaad qormadaa ka cudurdaaratid?

Mar wax laga weeydiiyay Formaajo in isagu Beesha caalamka ayan jecleyn ayuu sheegay in Dalkan ayan lahayn beesha caalamka ee ay leedahay Soomaaliya Shacabka Soomaaliyeed haddii uu soo doortana uu ugu shaqayn doono si karti iyo hufnaan leh.

  • Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaysa Jagada Madaxwynaha Soomaaliya ayaa taagerayaashiis u sharaxay Sababa xiligan ku kalifay inuu Jagadaas isu soo taago. Hantidii aan ku Lahaa Maraykan Dad badan baa Og ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha isagoona intaa raaciyay in xilka Madaxtimada Soomaaliya uusan ku dooneyn inuu Kharash ama Lacago ku helo.

Halkan ka eeg warbixinta Monitoring Group

19 April, 2012 (MMG) – Maalmahan waxaa saxaafadda qabsaday mudane Mahige oo aan u baxshay “Ma Hinge” oo dhinac ah, madaxweyne Shariif “Haye”+ Aala Sheekh oo dhinac ah iyo Ra’isul wasaarihii hore Mudane Formaajo “Boqolle”, oo dhinac ah, waxaa hawada la isu mariyey eedaymo iyo erayo kulkulul, ay gun u tahay in biya hoosteed la iska arkay, qaabka, sida, hannaanka iyo ujeedka ma cadda, waase aan maanin karnaa, illeen Eebbaa caqli iyo garasho nagu mannaystee.

Mudane Formaajo “Boqolle” wuxuu siyaasaddan silloon ku soo biiray sanaddii 2010-kii ka dib markii xilka laga qaadayCumar C/rashiid Sharmarke, maalintii xilka loo magacaabay ayaan marar badan dul joogsaday meelo ay ku qoran tahay,in xilka loo dhiibay dadkii mudnaa, ama aan sii qurxiyeexaqa u lahaa, ee aan labaatankii sano ee burburka ku jirnay xil sare aan qaban.

Hadalkaa haruufkiisuu lahaa, haddaanse weydiin dhigo halkan, miyey jiraan beelo si gaar ah xaq u leh xilka iyo kuwa aan xaq u lahayn? Weydiintu waxay ka dhalanaysaa sida hadalka loo dhigay, waliba tani waxay sii xoojinaysaa hadalka laga soo xigtay Formaajo “Boqolle” ama taageerayaashiisa, uuse gadaal ka beeniyey, ee ahaa xilka dawladda ugu sarreeya, looma igman laba beel kaliya inuu ku meero, marka laga soo tago inuu dhahay in kale, hubaal hadal meesha ku jira inuu yahay, una baahan in si fiican loo milicsado, oo sadbursiga salka loo jaro.

Mudane formaajo “Boqolle” maalintuu yimid ayaa waxaa naloo sawiray badbaadiye qaran maamul yaqaan ah, isagoo soo dhisay gole wasiirro oo la yiri aqoon iyo tayo ayaa lagu soo xulay, wasaarado kooban gadaalse ka barakoobay, ma Bariis ama Ganlay dab la saaraa? Eraga “Tayo” waan u soo noqon doonaa.

Halkan ka eeg Warbixinta Monitoring Group  

Waxaa la yiri wuxuu ku caan yahay hawl hufan iyo hannaan dabacsan, waxaanse rabaa inaan halkaan xasuusiyo kuwa dhahaya waa maamul yaqaan, ma wada xusuusataan socdaalkiisii New York, ninkii summad la’aan iska hadaafay ee astaamo dawlado kale iyo ururo marti u noqday, miyaa maanta nalaga dhaadhicinayaa waa halyey! Geel jiruhu Geeliisa waa u sumadan yahay HALYEYNIMOOY XAAL QAADO.

Mudane Formaajo “Boqolle” maalintuu xilka qabtay ilaa maalintii laga tatajiyey, mayee, tanaasulay, sida uu na leeyahay, waxaa halhays u hayd boqol ayaan wax walba ku qabanaynaa, hadday ka dhammaadaanna waa kororsan jiray, wax qabadka dawladda boqol maalin ayaan ku soo gudbinaynaa, Alshabaab boqol maalin ayaan uga saaraynaa dalka, UN-ku boqol maalin gudaheed ha u soo guuraan wadanka gudihiisa, waana midda aan ugu baxshay “Boqolle” aqriste bal Adigu boqol dhammee?.

Soomaalidaa tiraa: “Gaal dil gartiisana siiye” Mudane Formaajo “Boqolle” wuxuu ku guulaystay arrimahan kala ah:

Mushaarka ciidanka wuxuu ciidanka dawladda si joogta ah ugu qoray mushuur bille ah, oo ah runtii mid maalintuu meesha ka baxay aan ka dambayn, mudane Gaas oo Prof lagu sheegayna uu dhammays tiri waayey.

Codsigii ku aadanaa in xafiisyada UN-ka Muqsisho loo soo raro, middani way dhaqan gashay.

Golahiisii wasiirrada oo uu gacanta ku qabtay, macnaha koontoroolay, oo ay isku dhinac wax u wada wadeen, dabcan qaladaad way dheceen, ee aqriste waxaad eegtaa Mudane Gaas oo Prof lagu sheego, sida wasiirradiisu u dhaqmaan? Maya, waxaadba eegtaa sida uu isagu u dhaqmayo, maalin walba waxaa la soo saaraa wareegto, maalinta ku xigtana waa laga laabtaa, nin miyir qabaa sidaa uma dhaqmo ayey ila tahay.

Nolosha qof walba waxaa daba socda saddax dhib, oo kala ah:

-Eray uu dhigay “qoray”

-Eray uu dhahay

-Addin uu dhibay.

Mudane Formaajo “Boqolle” buug uu qoray wuxuu ku weeraray beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, erayada ninba si u faham, balse, dhibka dhacay, siduu u dhacay, dhabbaa la taagan yahay, miyey beel kaliya eed ku yeelan kartaa? Saw ma ahan wax ay Soomaali oo dhami ku fashilantay? Mise waa laab la keceennii iyo qoonsiga qabiileedkiiye, mudane Formaajo “Boqolle” isma lahayn miyaa markuu qorayey erayadan xil ayaad Soomaali u qabanee? Mise wuxuu is lahaa ku ciil bax?. Halkaan ka Akhri Buugisa :IYO Halkan ka eeg warbixinta Monitoting Group

Kaliya ma ahane wuxuu kaloo weeraray labadii madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya, Aadan Cadde iyo C/rashiid Sharmarke “AUN”, waxaase hubaal ah in erayaduu dhigay ay hoos u noqon doonaan, meel walba uu istaago, ogaal iyo ogaal la’aanba, haddana waxaa la doonayaa in nala yiraa waa halyey! Aqriste bal liilkan hoose ka dhugo xog qormadaa ku saabsan.

http://somalitalk.com/2010/10/22/farmajo/

Maanta ayuu ku soo laabtay, oo yiri Anigu qabiillada wax kama sheego, sheeko caruureed, miyeysan kula gudboonayn inaad qormadaa ka cudurdaaratid? Si aad nooga gaddo inaadan qabiilaynta ku qaabin, waxaanse la yaabaa dadku waxay isaga indha tirayaan arimahan oo kale, iima dhadhamin.

Waa Salaad Cali Jeelle oo kale, oo saddax sano ka hor wuxuu lahaa la wada dhagaystay, ee maanta qareen u ah sharciga iyo tixgalintiisa! Waa Caato oo Cakaaro wuxuu madfac ka soo riday la ogaa, oo maanta qaanuun u qaylinaya! Waa Gacmadheere oo hadalladuu shalay lahaa la wada xusuusto, oo maanta xeer ilaaliye iska dhigaya! Waa Maxamed Cabdi Yuusuf oo Kismaayo kula jaal ahaa Moorgan, ee manta isu haystay nabaddoon! Magacyadu ma dhammaanayaan ee aan ka soo haro.

Dad ayaa ku xiiqay inay dhahaan wuxuu ahaa mudanihii ugu tayada fiicnaa ee qabta maamul waayadan burburka, malaha waa waxa ururka “Tayo” magacaa loogu baxshay, waxaa jirta su’aalo badan oo ku saabsan magacan, sida: tayada lagu tilmaamay waa mid caynkee ah? Yuuse tayo dheeraa? Tayadu ma tusmadaa? Ma tilmaantaa? Ma tabtaa? Ma tallaabtaa? Ma tawaawacaa? Ma tiiraanyadaa? Ma tatajiskaa? Ma tanaasulkaa siduu isagu hadalka u dhigay? Ma … Ma…. Weydiimuhu badan.

Mudane Formaajo “Boqolle”, Sheekh Shariif “Haye” iyo Mahige “Ma Hinge” isku dhacoodii koowaad waxay ahayd sanaddii 2010-kii, waxaa lagu guda jiray xilli kala guur ah, ku meel gaarkiina gabaabsi sii yahay, mudane Mahige “Ma Hinge” wuxuu magaalada Nairobi kaga dhawaaqay shir dhici doona 12-ka April ee 2010-kii. Haramkii ugu sarreeyey wadanka guudkiisa, waa dawladda ku meel gaarka ahe, baaqa Mahiga waxay kala hortimid diidmo qayaxan, iyadoo adeegsatay codka fuuntada, labada masuul ee kala ah madaxweyne Sheekh Shariif “Haye”iyo ra’isul wasaare Farmaajo “Boqolle”.

Diidmada qaxayan ee labadaa masuul ku diideen shirka Nairobi, waxay dhaxalsiisay in magacyo horay loogu daalay laguna hungoobay mar labaad lagu sunto, waxaa isla markiiba is qabsaday sawaxanka ku salaysan halyey, aanse kala qaadnee labadooda keebaa halyey ah? Mise magaca way isla wataan? Aragti ahaan waa la dhihi karaa fikradda midkood ayaa soo jeediyey, hadday isla soo wada jeediyeen kuma darin, sidaa darteed waa in midkood guusha la siiyaa, mise waa sheekadii ahayd guushu waa Aabayaal badan tahay.

Midse aan halkan ku caddeeyo, waa tii la yiri: “Gaal dil Gartiisana Siiye”, Anoon taageero xuurtaysan iyo mid laga fiirsaday midna u hayn labadooda, yaan haddana leeyahay go’aankii ay qaateen wuxuu ahaa tallaabo ugub ku ah siyaasadda Soomaalida.

Hadday halyeynimadan ku muteen qaadacaaddii shirka, maxaa qabqablayaashii qaadacay shirkii Carta iyana loo siinwaayey billadda halyeynimada? Hadday ku muteen halyeynimada qaadacaad shir! Maxaa kooxdii ku hartay Asmara loo siin waayey billadda halyeynimada? Hadday halyeynimada ku muteen qaadacaad shir! Maxaa loo siin waayey billadda halyeynimada mudane Cali Mahdi oo qaadacay shirkii Kenya ee 2004-tii? Weydiimuhu dhammaan maayaan ee aan ka soo haro, waxaanse ugu celcelinayaa inaan indha ku garaadleey la noqon, maalin walba waxa taagan kaliya aan wax lagu qaadan.

Wareeggaa hadduu dhammaaday, waxaa la galay wareeggii labaad, shirkii “Kampala Accord” waxaa ku baxay mudane Formaajo “Boqolle” oo noqday neef Udxiya ah oo kale, micnaha waa la isku furtay, yaa isku furtay? Jawaabta aqriste Adigaan kuu deynayaa, sida la isugu furtay? Aniga wali waa iga maqan tahay, ninkii wax igu dhaama ha noo faa’iideeyo, waxaanse la qaadan karin goobtii Hoos guntiga lagaaga furtay inaad dalxiis u aaddo! Middaasi waa damiir la’aan, waxaan uga jeedaa socdaalkii dambe ee mudane Formaajo “Boqolle” ku tagay Uganda.

Midse aan Formaajo “Boqolle” dhoho, mudane haddii Gedo, Cabudwaaq, Balanbal iyo Muqdisha lagaaga mudaharaaday, laguuna muujiyey taageero, waliba dhiig ku daatay, dhalliyaro ku qur bexday, saxafiyiinna xabsiga loo dhaadhiciyey, dadkaasi kaama mudnayn inaad been laba daanlayso, ee aad ku tiraa: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY” Allahayle, aan Sheekh Shariif “Haye” ka soo bawsadee halkaa “Marada ayaa kaaga dhacday”.

Mudane Mahiga “Ma Hinge” ayaa ku soo laabtay, weerarna ku qaaday mudane Fornaajo “Boqolle” yirina wuxuu kala geeyey baarlamaankii, lacag xoogganna ku baxshay, Mudane Mahige “Ma Hinge” waxaan dhihi ahaa Formaajo “Boqolle” waa wiil Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu garab siyaasadeedkuu doono taageero, ololana u sameeyo, dhaqaalana ku baxsho, illeen sharciga ayaa u bannaynaya iyo Soomaalinimadiise.

Waxaase ayaan darro ah Adigu “Ma Hinge” inaad ka soo gudubtay hawshaadii, ee aad faraha kula jirto arrimo aan shaqadaada ka mid ahayn, waa iska caadday inaad caloodin gaara waddo, balse, miyeysan kugu habboonayn inaadan guuxaaga ka dheerayn? Hubaal inaanad wiil Soomaaliyeed afkaaga ku jareexayn karin.

Haddii halkaa xaal marayo ayaa waxa qadka soo galay Mudane Shiikh Shariif “Haye” isagoo weerar dusha uga tuuray mudane Formaajo “Boqolle” kuna tilmaamay inuu isagu soo gacan qabtay, kana dhigay waxa uu maanta yahay, Alla wadaadku fududaa, balse, Formaajo “Boqolle” wuu iska fogeeyey in hadalka ka caraysiiyey Mudane Shariif “Haye” uu yiri, waxaanse la yaabanay wadaadka waxa qaaday. Dhageyso Riix

Waa ta Soomaalidu tiraa: “Lagaa baray ee lagaa badiye” aan u adeegsado eray bixinta siyaasadda ku soo korortay ee ah: “Marada ayaa ka dhacday” halkan ka dhagayso Wallee Sheekh Shariif “Hayemahaan marada ayaa uga dhacday, waaba su’aale: haddii Formaajo “Boqolle” ka shaqeeyey safaaraddii Soomaalidu ku lahayd Ney York, Sheekh Shariif “Haye”xagge ka soo shaqeeyey?.

Midda madaxa daalinaysaahi waa haddaad Sheekh Shariif “Haye” Adigu ku soo caan baxday habaabinta dhallinyrada, haddana dhabbaha aad uga leexatay, mudane Formaajo “Boqolle” dhallaan ma dagaal galin, diin dacaraysanna uma sheegin! Aan ka ahayn inuu dadkii u bannaan baxay dan seejiyey, midda kale Mudane Shariif “Haye” markuu imaanayey muxuu watay? Oo uu dheeraa mudane Formaajo “Boqolle”? Waa maxay sidii rag waaweyn looma hadlayee!

Ugu dambayn, wareerkan iyo weerarkan oo dhan waxaa u sababa, inay gababo tahay xilliga kala guurka, mudane walbana uu sii boos bannaysanayo, ninkuu u arko inuu miisaan leeyahay ayuu iska riixayaa, wuxuuna isku dayayaa inuu dacareeyo.

Mudane Mahige “Ma Hinge” waxaa lagu eedeeyey inuu diinta wax ka sheegay, mid ayaan ka leeyahay, dhaqan ahaan, marka dagaal la galayo,carruurta, cirroolahayaasha, marrasta iyo haweenka gadaal ayaa la iska mariyaa, haddaan Soomaaliyeey Annagu culimo ku sheeg iska soo hor marinnay, urur diimeed ku daaban, ee urur diimeed ayaa madaxtooyada deggan la yiraa, beenna aan ahayn, ma waxaan leenahay diinta ayaa wax laga sheegay?! Aan la shir tango siyaasi sadar qarsoon ku dagaaalamaya, haddii kale waligeen waxaan ku jiraynnaa waxbaa nalaga sheegay.

Moment Media Group

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dhar magaalo sida lagu qaato dhowaa !! dhal magaalo sida lagu noqdo dheera !!.

Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Culumaaudiinka iyo Waxgaradka Koonfurta Soomaaliya waxay si weyn ugu doodeen ka dib markii ay arkeen buugii uu qoray Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu soomaalidu uu ku qeybinaayey qaar uu ku tilmaamay xoolo dhaqato reer guuraa ah, kuwa yar yar oo beeraley ah iyo kuwo reer xeebeed ah oo noloshoodu ku saleysantahay kaluumeysi iyo tacbato beero sidoo kalena isu raacsiyey sida tan Dir, Daarood, Isaaq iyo Hawiye in uu shacabkoodu soomaali ka yahay 70% Digilmirifle ama Raxweyn 20% Reer Xeebeedka oo uu raacsiiyey beeralayda 10% isagoo ujeedadiisu ay tahay in uu xaqiro beeraleyda iyo kaluumeysatada marka laysu geeyey 30% ay isku noqonayaan isla markaana uu sare u qaado reer baadiyaha reer guuraaga ahaa oo aan lahayn nolol deganaansho iyo xasilooni qof kastaana waxaa xukumaaya bey’adiisa ninkii abihiisa geel dhacaayey awowgiisa asagoo geel dhacaaya la diley iyagoo sidaa isu daba taxan ka awoowe ka awoowe noloshoodu ay ku salaysneyd mar uu geel dhacaayo mar uu soo dhicinayo iyo mar uu difaacaayo waxaa intaa u dheer dagaalo aan dhamaaneynin oo ah dagaalka daaqa iyo biyaha oo maalin kasta laysku laayo cadceed soo baxdaaba aan kala go` lahayn.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dhar magaalo sida lagu qaato dhowaa !! dhal magaalo sida lagu noqdo dheera !!.

Hadaba 20 sano ayaan mareykan ku noolaa iyo jaamacad baan ka soo baxay ilbaxnimo iyo aqoon kuuma kordhinayso (kullu sheey yarjac ilaa aslihii).

Qofku waa ilbax goormee la dhihi karaa? Waa inuu magaalo ku dhashaa ugu yaraan 5 fac isaga, abahiisa, awoowgiisa, awoowgiisa kale kan ka sii dambeeya.

Magaalo waxaa dhista dad aan guur guurin oo leh nolol ku dhisan deganaansho iyo xasilooni kuwaasina waa beeralayda iyo kaluumeysatada iyo lo’leyda oo aan ka dheereyn waxaa ku dhex jira ganacsatada kuwaas oo ka dhex abuurma isdhexgal bulsho, is aamin, iskaashi iyo iskaashatooyin.

Shirakado ka shaqeeya horumarinta ijtimaaciga ah wax kala amaahsiga iyo wax iska sugidda, dulqaad waana dadkii keenay gobanimada iyo dowladnimada maanta lagu tumanaayo.

Sharafta iyo karaamada heybadda ay lehaydna bahdiley waa reer baadiyihii reer guraaga ah oo saaxadda siyaasadda iyo kursiga Madaxtooyada iyo Dowladaba la soo fuulay habkii isu xoog sheegashada, boobka, dilka, dhaca, sharci la’aanta qof walba qumanihiisa qoorta u suran.

Waxaa marag ma doonta ah qof kasto Soomaali u dhashay uu og yahay in aan jirin tira koob la sameeyey oo la yiri reer hebel idinka tiradiinu waa intaas xitaa soomaali tira koobkeedu waa intaa lama oran.

Shucuubta ku dhaqan inta u dhaxeysa labada webi ilaa laga gaaro xeebta badweynta hindiya waa dadka ugu badan Soomaaliya madaama degaankooda uu yahay barwaaqo roobabkuna ay ku badan yihiin abaaruhuna ay ku yar yihiin burburkaan ka horna colaaduhu ay ku yaraayeen.

Dadkani waxay isugu jiraan beeraley, xoolaley oo u badan lo’ dhaqato, kaluumeysato iyo ganacsato meesha ay barwaaqada, nabadda iyo xasiloonida ku badan tahay dadkuna waa ku badan yihiin tarankooduna aad ayuu u sareeyaa.

Marka laysma bar bardhigi karo meesha ay ku badan yihiin coladaha, abaaraha iyo roob la’aanta noloshuna ay ku adagtahay.

Sidaasi awgeed, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (farmaajo) waa nin aan aqoon dalka iyo dadka Soomaaliya aaminsan in soomaalidu ay kala sareyso ku tala galkiisana uu yahay in uu duudsiyo Qowmiyaad jira xuquuqdooda.

Talo soo jeedin

Waxaan soo jeedinaynaa in qofka doonaayo Shaqo Qaran waa in uu aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leyahay dalka iyo dadka soomaaliyeed rug cadaa ah, isku kalsoon kuna kalsoon dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa islamarkaasna aan jiidaneynin caadifad qabiil.

Ka madax banana cunsuriyadda, hanti aruursiga, kala yaqaan waxa gaarka loo leeyahay iyo waxa ummaddu leedahay iyo Qarankaba, dhowra shuruucda iyo qawaaniinta, xisaabtama kala saari kara waxa uu xaq leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay xil kasna ah.

Qofku waa ilbax goormee la dhihi karaa? Waa inuu magaalo ku dhashaa ugu yaraan 5 fac isaga, abahiisa, awoowgiisa, awoowgiisa kale kan ka sii dambeeya.

Haddii aan wax ka xuso taariikhda faca weyn ee ay leedahay Magaladda Madaxda soomaaliya ee Mogadisho, oo ka mid ah gobolka Banaadir . Runtii ma ha mid qoraalkaani lagu soo koobi karo balse waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso oo aan wax ugu tilmaamo taariikhdda haddii Alla idmo.

Haddba guud ahaan gobolka banaadir waa degaan aad u baalaran oo ilaahay ku maneystay khayraad fara badan oo dhul iyo bad ba leh. Dadka degaankani benaadir degenaa waxaa ilaaahay hibo u siiyeye ilbaxnimo iyo is qadarin oo ay ku dheehan tahay xadaarad fac weyn.

Taasoo ay caddeeyen qorayaashii badmareenadda ahaa ee dalkeena imaan jiray iyaga oo had iyo jeer ku soo xiran jiray xeebaha Banaadir sida Xamar (Mogadishu), Warshiikh, Marka Baraawe iyo Kismaayo iwm.

Culumadaasi waxay qoraladooda ay ku xuseen in xeebaha soomaaliya ay degenaayeen qowmiyada meel sare ka gaaray xadaaradda, muddo qarniyaal badan laga joogo sida ay tilmaameen badmareenadaasi caanka ahaa oo ay ka mid yihiin “Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo , Cheng Ho, Fei Hsin iyo Hslao Kolan iyo kuwa kale “

Waxaan tusaale gaaban u soo qadanayaa caalimkii Ibna batuuta oo ku sheegay buugiisa oo uu qoray qaranigii 13aad inuu ku arkay xeebaha Soomaaliyeed dad nabada jaceel isla markaasina ku dhaqma nidaam iyo kala dambeyn kuna barbaariya dhalaankoodda barashadda diinta islaamka wuxuuna sheegay inuu ku arkay dad ganacsiga ku xeel dheer, kuwaaso lahaa xirfaddo kala duwan, wuxuuna dadkaasi ku tilmaamay dad ku fiican soo dhaweynta.

Waxaa oo kale uu Ibna Batuuta sheegay in magaalada Mogadish – Xamar ay ka dhisnaayeen dhismooyin aad iyo aad u qurux badan oo la tartami kara dhismooyinka waa weyn ee markaasi dunidda ka jiray. Haddii aan tusaale kale u soo qaato qoraagii Emrico Cerculli, qoraaladiisa wuxuu ku xusay in magaaladda Mogadishu (Xamar) ay ka jireen laba xafadood oo waa weyn oo caan ahaa kuwaasi oo kala ahaa Xamar weyne iyo Shangaani oo lahaan jireen goobo muujinaya taariikhda soo jireenka ah sida dhismaha masaajiddada kala ah Jaamacadda Xamar weyne, Masjidka Fakhrudiin, Misjidka Arbaca Rukun iyo MasjidkaCabdulcasiis iwm.

Dhismayaashaasi oo idil waxay muujinayaan xaraaddada dadkii degenaa magalada Mogadishu (Xamar). Waxaa xusid mudan sannadkii 1986 dii oo dib loo dhisay masjidka Shariif Ahmed kuna yaalay degmadda shingaani, waxaa laga helay dhismo aad u fac weyn oo lagu qiyaasay 1200 sannaddood ka hore in la dhisay, taasina waxay marqaati cad u tahay in magaaladda xamar ay tahay magaalo aad iyo aad u faca weyn.

Sannadkii 1892dii, Mogadishu waxaa ka talinaayey Suldaankii Sansibaar, wuxuuna heshiis la galay Talyaaniga oo ka kireeyey Mogadisho muddo 25 sano ah, kiradaasi waxaa lagu qiyaasay lacag gaareysa ilaa 144,000 sterliini ah sanadkiiba inuu bixiyo, hase yeeshee Talyaaniga oo ahaa gumeysi wuxuu markii ba bilaabay xeelad iyo makri oo si tartiib tartiib ah uu ugu fiday goboladda konfureed asiga oo isticmaalaya awood military ah, hase yeeshee dadka soomaaliyeed si xoog leh ayay uga hor yimaadeen, dagaal qaraar na wuxuu ka dhacay Afgooye( Lafoole) oo la magac baxay dagaalkii Lafoole iyo Dhanaane oo dad badan isticmaarka kaga dhinteen isla markaasina jab weyn ay ka soo gaartay Talyaaniga, ka dibna isticmaarka talyaaniga wuxuu ku fiday dhamaan goboladda soomaaliyeed oo uu ka talinaayey muddo 70 sannadood ah. Dagaalkii labaad oo Ingriiska oo guul weyn ka soo hooyey, gumeysigii talyaaniga na oo halkaasi lagu jibijey, sidaasi darteed goboladda soomaaliyeed oo idil waxay mar kale ay gacanta u gashay ingriiska.

Markii Talyaaniga laga guuleystay waxaa magaaladda muqdisho soo galay maamulkii militariga ingriiska oo magaalo madax ka dhigtay muqdisho, isla markaasina ka sameeyey maamul hoose oo dhallinyaradda soomaaliyeed hogaanka u qabtay.

Sannadkii 1948dii magaaladda muqdisho waxaa yimid wafdi ka socda dawladihii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka oo uu ka mid ahaa Mareykanka, Ruushka , Ingriiska iyo Fransiiska, waxayna muqdisho ay u yimaadeen in ay afti ka qaadaan dadka soomaaliyeed ama ay ogaadaan rayiga dadweynaha soomaaliyeed in ay rabaan gobanimo iyo kale. Ka dib markii ay warbixintii ay u gubiyeen UN ka sidaasi darteed 5tii Oktoober 1949 waxaa UN ka go’aan ku gaartay in Talyaaniga uu maamulo muddo 10 sannadood ah iyadood 4 dawladoodna kor ka ilaaliya, 4taasi dawladdood oo kala ahaa Masar, Filippino, Liberia iyo Colombia.

Sannadkii 1960kii oo ahaa sannadkii ay soomaliya xornimaddeeda ka qaadateen Ingriiska iyo Talyaaniga, sidaasi darteed magaaladda Mogadisho waxay noqotay meel ay ku soo qul qulaan shacabka soomaaliyeed iyaga oo doonaya in ay helaan shaqo iyo waxbarasho, waxayna Mogadisho noqotay magaalo aad iyo aad u weyn. Si tartiiib ah ay u soo kordheen dadkii deganaa isla markaasi na si xad dhaaf ah ayay u fiday, waan magaaladda ugu weyn ee soomaaliya oo ay degen yihiin dad lagu qiyaasay waqtigan xaadir ah ilaa laba milyan qafood.

Dagaalkii sokeeye ee soomaaliya ka dhacay waxay dhaawac weyn gaarsiisay bilicdii magaaladda mogadisho oo maanta ay ka muuqato dhibaatooyinkaasi, waxayna u baahan tahay dayac tir weyn, si loo soo celiyo haybadii iyo sharaftii ay lahayd magaalada Mogadisho.

Wuxuu shacabka soomaaliyeed ka filayaa DFKM in ay wax weyn ka qabto sidii loo soo celin lahaa bilcidii ay magaaladda faca weyne ee Mogadisho – Xamar ay lahaan jirtay, maxaa yeelay waxaa magaalo oo aan si na looga sabri karin (marna la ilaabi karin) magaaladda Muqdisho in ay tahay magaalo madaxda dalka soomaaliya taasi muran kama taagan hase yeeshee magaalada Mogadisho waxaa salidhig Eebbe uga dhigay dad wax ma garato ah oo si xad dhaaf ah u bur buriyey, ujeeddooyinka ka dambeysana ay tahay in la tirtiro goobaha taariikhi ah oo ay Mogadisho – Xamar xamabrsan tahay.

Sida runta ah qof waliba maanta waa uu ka dheregsan yahay meel kasta uu ku sugan yahay (dibadda ma guddaba) in uusan heli karin magaalo u dhigan ta “East and West Home is the best “ Qofna dalkiisi hooyo ee soomaaliya meel u dhaanta heli maayo haddii uu bar bar dhigo meesha uu maanta dunida uu kaga nool yahay.

Mogadisho waxay kulan satay jawi aan laga heli karin adduunka intiisa kale, hase yeeshee waxaa maanta u ehel noqday dad aan damiirba lahayn oo dan iyo xaajaba aan ka lahayn burburka magaladda . Haddaba waxaa is weydiin muddan, maxaa keenay inuu muran fara badan uu ka dhasho ka dhigidd caasimada soomaaliyeed in ay noqoto Mogadisho ee DFKM degto iyo in kale, runtii waxaa filayaa in aan la heli karin magaalo maanta u dhigan ta in ay caasimad noqoto maxaa yeelay waxaan mar na indhaha laga qarsan karin in Mogadisho ay buuxisay wax alla wixii looga baahnaa caasimad in kastoo ay la kulantay burbur aad iyo aad u balaaran haddan wax iyada dhaanta ma jiraan ileyn dagaalka wuxuu aafeeyey dhamaan soomaaliya oo idil, sidaasi darteed waxaan kula talin lahaa DFKM in aysan ka shakin in ay tahay Mogadushu magaalo madaxda ee Soomaaliya. Waa in la sugaa aamaanka isla markaasina uu dawladda gacanteeda ay ku soo noqdaan hubka fara badan ee maanta ku baahsan guud ahaan dalka soomaaliyeed gaar ahaan magaalada Mogadisho oo aan filaayo in ay yaalaan hub aad iyo aad u fara badan oo u baahan in gacan aamaan ah loo soo celiyo.

Ma filaayo in ay jiraan qof diidan in caasimadda soomaaliya in ay noqoto magaalada Mogadisho – Xamar, haddii ay jiraan waxaan filayaa in ay yihiin dad aad iyo aad u yar marka la bar bardhigo dadweynaha soomaaliyeed.

Waxaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Mogadisho aan kula talin lahaa in ay dib u soo celiyaan bilcidii iyo wanaagii lagu yaqiinay magaaladda mogadisho isla markaasina ay dhigaan hubka sharciddaradda ah oo lagu laayay shacab aan waxba galabsan si loo badbaadiyo jiilka maanta soo koraya.

Halkaan ka akhri Buuga oo dhan Mohamed-Mohamed.pdf

Posted on August 9, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: