Cabdifitaax “Xafiiska C/weli waxaa ka shaqeeya 93 qofood 81 waa Majeerteen sooc ah, 76 ka mid ah waa Cumar Max’uud, dadkaas waxaa ku jira xildhibaano la shaqaaleysiiyey”

15.08.2012 – Cabdifitaax Sabriye oo ka mid ahaa howl-wadeenada xafiiska R/wasaare C/weli Gaas ayaa xiriir uu nala soo sameeyey wuxuu sheegay in shaqada xafiiska R/wasaaraha uu si shaqsi ah uga ruqseystay, kadib markuu u adkeysan waayey wax uu ku tilmaamay hab dhaqanka qabyaaladda huwan ee R/wasaare C/weli uu ku dhaqmo, wuxuuna xusay in ay hubaal tahay haddii C/weli uu jagada madaxweynenimada ku guuleysto uu sii laba-jibaari doono ku dhaqanka qabyaaladda

C/fitaax wuxuu sheegay inuu la soo shaqeeyey R/wasaarayaashii isaga ka horreeyey laga soo billaabo Nuur Cadde, Cumar C/rashiid ilaa Farmaajo, wuxuuna xusay in C/weli uu kaga duwan yahay madaxdaasi in ku dhaqanka qabyaaladda ay ku weyn tahay.

“Nin kasta oo madax u noqdo Soomaaliya waxey noqotay wax iska caadi ah inuu qabiilkiisa isku gadaamo, balse C/weli tiisa qabyaalad waa ka gudubtay, Soomaaliya hadduu madax ka noqdana waxaan hubaa in ay isaga qaldami doonto Puntland & Soomaali inteeda kale, nin kasta oo Soomaaliya madax ka noqdo waa kaga dheereeyaa ku dhaqanka qabyaaladda” ayuu yiri C/fitaax, wuxuuna intaa ku daray ;Xafiiskiisa waxaa ka shaqeeya 93 qofood 81 waa Majeerteen sooc ah, 76 ka mid ah waa jufada Cumar Max’uud, dadkaas waxaa ku jira xildhibaano la shaqaaleysiiyey oo xafiiska shaqeeya”

C/fitaax wuxuu sheegay in waxyaabaha soo dedejinaya fashilka C/weli ay ugu horreyso in aysan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya wasiirada halbowlaha u ah xukuumadiisa.

“Inaba hala ekaatee wax wada-shaqeyn ah kalama dhexeeyso wasiiradda muhiimka ah sida wasiirka gaashaandhiga, maaliyadda, arrimaha gudaha & taliyeyaasha ciidamada milateriga, booliska, nabadgsugida, & garsoorka” ayuu yiri C/fitaax.

——————–

There are three rules for writing a novel. Unfortunately, no one knows what they are.

Posted on August 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: