C/weli dooro waa Faroole dooro.II

15.08.2012 – Somalia waxaa ka dhisan xiligaan seddex dowladood oo aanan wada socon,midi waa tan Somaliland oo sheegatay in eey ka go´day Somalidii xorta aheeyd ee la dhihi jiray jamhuurida somali,tan xigtaa waa mida Puntland oo xaqiiqdii u dhaqmeeysa sidii dowlad ka xor ah Somalida inteeda kale, labadaa waxeey leeyihiin calamo u gooni ah oo aanan la mid aheeyn calankii baluuga ahaa ee xiddigta dhexda ugu tiil,sidaa oo kale waxeey leeyihiin dastuur iyo nidaam dowladnimo sida gole wasiir,gole baarlamaan iyo madaxweeyne halka somalida inteeda kale aay ku hoos noolyihiin calanka madow ee Al-shabaab iyo midkii baluuga ahaa oo ka dul-babanaaya Muqdisho, hadaba sidee dalkaani u noqon karaa qaran mid ah,maxaase ku soo kordhaya haddii C/weli oo ka soo jeeda Puntland iyo nin reer Somaliland ahi aay noqdaan madaxweeyne ??????? xaqiiqdii waxba, significa un cane che si gira la sua stessa coda.

Ugu horeeyn waxaa la dooranayaa gudoomiye baarlamaan ninka ku soo baxaa gudoomiye waxaa uu salfanayaa rag badan oo madaxweeyne isku soo taagay,Shariif Sheekh Xassan waxaa uu taagan yahay reer Bay & Bakool sanadkaani waa in aay helaan madaxweeyne unu ma fadaano gudoomiye baarlamaan??? waxaa uu ku wargeliyay reerkiisa in cidna aayan isku soo taagin musharxnimo gudoomiyaha baarlamaanka,haddii gudoomiye loo doorto nin reer Muqdisho ah waxaa daadku qaadayaa dhamaan inta reer Muqdisho ee isku soo sharaxday madaxweeynenimada sannadkaan,sida oo kale haddii nin reer Puntland ahi isku soo sharxo gudoomiyaha baarlamaanka waxaa daadku qaadayaa rag badan oo isku soo sharxay madaxweeynenimo ,suaashu waxaa aay tahay yaa noqonaya gudoomiye baarlamaan ?? waxaa soo if-baxeeysa in jufo reer Muqdisho ahi aay ololo ugu jirto sidii aay u hanan laheeyn jagadaa iyaga oo ku mucaaradaaya kuwa kale oo reer Muqdisho ah,sida oo kale reer Bay & Bakool raga ah ayaa olole ugu jira noqoshada gudoomiyaha baarlamaanka iyada oo la ogyahay in ololahaasi ay qeeyb ka yihiin rag reer Muqdisho iyo rag reer Puntland ah si aanan loo lumin taariikhdii soo jireenka aheeyd ee wax qeeybsiga beelaha somalia,waxaa iyana laga baqayaa haddii shaxda socotaa aanan wax laga bedelin reero badani aay geli doonaan Al-shabab,reer Muqdisho iyo reer Bay iyo Bakool haddii aayan noqon kuwa ku guuleeysta madaxweeynenimo iyo r/waasre waxaa aay u badan tahay in aay dib ugu noqdaan Al shabab halka reer Puntland iyo Somaliland aayan qatar ugu jirin ku biirida Al-shabab sabbabta oo ah ma jiro dagaal xoog leh oo kala dhaxeeyo labadaa..

Al shabab in aay burburto ama in aay sii xoogeeysto waxaa uu eey ku xiran tahay hadba cida noqotaa madaxweeyne iyo r/wasaare oo dagaalka socdaa sii dhameystirta,Alow sahar umuuraha.

————————-

Easy reading is damn hard writing.

Posted on August 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: