HAWEENKA IYO QAADKA

Dumarku waa qurux, kuma habboona caafimaad ahaan ; qurux ahaan iyo diin ahaanba in ay cunaan qaadka ama cabaan sigaar, buuriga, khamri iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waa in aaney iska qaadan dawooyin aan si taxadar leh dakhtar ugu qorin, gaar ahaan xiliga uurka amaba ay nuujineyso ilmo yar.

 Haweenka soomaliyeed berigii hore ma qayili jirin, naag qaad cuntaa ceeb bey ahayd waxayna la kowsatay markii fanka muusiga wataa dalka soo galay gaar ahaan gobolada waqooyi galbeed – Heesihii qaraamiga ee la subxin jiray afartameeyadii ayaa belada fidiyey. Marka qaadku dalka ku sii fidana waxaa badanayey tirade haweenka cuna, waxaa xaaladan sii caawiyey iyada oo ganacsigiisu gacanta u galay haweenka, guryaha iyo fadhiyada lagu cunana badanaa maamula. Arimahan waxaa ku biiray xaaladaha nololeed oo aad ugu adkaatay bulshada ; shaqo la’an ,sicir barar iyo dagaalo sokeeye. arimahan oo is biirsaday waxay dhaliyeen in dumarkii guriga dibadda uga boodaan si ay nolol u helaan iyaga iyo carruurtooduba, waxa keliya ee laga shaqeyn karaana wuxuu noqday in ay qaad gadaan amaba raga qayilaya u goglaan shah sigaar iyo biyana u diyaariyaan si ay xoogaa faaiido ah uga helaan, arintan waxaa ku kalifay iyaga oon farsamo kale ama aqoon ay wax kale ku qabtaan  lahayn iyo badankooda oo dhaqaale xumo u diiday in fikrado kale hirgeliyaan  ama keenaan.

            Runtii haweenku wey ka duwan yihiin ragga, qaab dhismeed ahaan , taas oo ka muuqata dhismaha jidhkooda iyo shaqadiisaba (Anatomy and Physiology). Ilaahayga awooda leh wuxuu haweenka u abuuray in ay ubad qaadaan , nuujiyaana, taas oo muhiim ka dhigesa in aan dumarkeen ka dheereyno wixii caafimaad darro ugu sugan iyaga iyo ubadkoodaba, gaar ahaan xiliga uurka amaba nuujinta waxaa qasab ama lagama maarmaan ku ah raggooda iyo eheladuba in ay dumarka uurka leh iska xilsaaraan, xanaaneeyaan, kana dhawraan wixii caafimaad darro u keenaya iyada iyo ubadkeedaba, sidoo kale waxaa waajib ku ah hooyadu in ay ka reebtoonaato ama iska deyso cunidda ama cabidda wax allaale wixii khatar u keeni kara iyada iyo ilmaha uurkeeda ku jira ama ka ay nuujineyso.

XAAMILADA

            Raadka qaadku ku yeelanayo xaamilada ama haweeneyda uurka leh, gaar ahaan xiliyada dambe ee uurka, waxay ka muuqaneysaa cilmi baadhisyo lagu sameeyey khansiir-badeedyo waxaana soo baxay arimahan:-

                        Markii khaansiir-badeeyada la siiyey qaad iyaga oo ku jira xiliyada bambe ee uurka, waxaa muuqatay in madada”Pseudoephedrine” ee qaadka ku jirtaa ay raad ku yeelatay dulalka xididada mandheerta kuwaas oo isku rooray ama dhumucda dulkoodu yaraaday, arintan waxay raad ku yelatay xadiga dhiiga ilmaha uga gudbaya mandheerta waxayna ku keentay ilmahaa uurka ku jirey nafaqo darro iyo miisaanka uu ku dhashay oo yaraaday.

            Waxa kale ee hubaal ah in hooyadu la kulmeyso nafaqo darro ka imaaneysa cunno xumada qaadku u keenayo, waxana dhacda in marar badan ay  uurka iyo ummushaba kala kulanto dhibaatooyin, marar badanna arimahaas oo isbiirsaday waxaabey keenaan umul raac amaba ilmaha oo noqda- hooyadii oo nafaqo darro iyo dhiig la’ani hayso iyo xadiga dhiiga ilmaha uga gubayey mandheerta oo aad u yaraaday awgeed ilmuhuna nafaqo darro ku dhasho.

            Haweenka qaar uurkey ku sumoobaan badanaa todobaadka dambe ee uurka, arintanna waxay caan ku tahay  cadaadiska dhiiga oo kaca ama kordhaba oo dhaafa xadkii caadiga ahaa iyo lugaha oo barara kaadidana brotiin soo raaco, kelyaha oo shaqo xumeeyey awgeed haddaneyba gabin. Xaladahani Markey dhacaan waxa yimaada in hooyadu miyir beesho nafteeduna halis gasho. Haddaba waa in la ogaada in qaadku xaaladaha sidaas ah  sii xumeynayo siina adkeynayo wax ka qabadkeeda, tirade haweenka xaaladan la kulmayana uu sii fara badin doono waa haddii haweenku caadeystaan in ay qaadka cunaan.

DHIBAATOOYINKA KALE

            Dagaalada sokeeye ka hor dhibaatada qaadku ku hayo hooyada ama haweenkaba waxay ku koobneyd oo keliya isaga oo biilkii yara la qaybsada rerka, iyo isaga oo u kordhiya hawl guri, gurigii oy gogosho, shah ay kariso markii ay ka nasan lahay howsha caruurta iyo gurigaba, iyo marka goor dambe qaadka laga kaco in ay nadiifin u dhaqaaqdo si ay u diyaariso goobtii caawa loo hoyan lahaa, inta habeenka ka hadhay.

            Dagaalkii sokeeye markuu qarxay waxaa hal mar dumey qaab nololeedkii qoysaska iyo qaab nololeedkii nadaamka dhaqan dhaqaale ee dalka oo dhan, raggii waa shaqo belay, keydna awelba hare looma haysan, wixiiyaraa ee dadku haystena waxay raaceen dagaaladii, wax la dhaco, wax burbura iyo wax lumaba. Caruurtu awelba hooyo ayey  ugu barteen in ay cunno siiso markey baahi dareemaan, arimahani markey dhaceena iyaduun bey faraqa ku dhegeen kuna ooyeen, odaygu badana xaladaha sidan ah wuu ka fogyahay oo ama dagaal buu hurinaya, ama fadhi ku dirir buu ka doodayaa, haddii kale wax aanu helayn buu reerka u raadinayaa buuqoodana wuu ka dheeraanaya. Hooyadii waxaa ku soo fool yeeshay in ay iyadu shaqo raadiso, shah iibiso, yanyo gaddo amaba qaadka laftiisa wax ka raadiso si ay ubadkeeda u quudiso, ogow makaa badanaa odeygii weliba qaad buu ka rabaa qoftaas.

            Arimahan kore marar badan waxaa ka dhasha dhibaatooyin qoys oo aad u qalafsan waxaana halkaa ku dhuma reerkii, badanaana caruurta xilkeedii wuxuu dhammaan korka ka fuulaa hoyadii, iyada oo looga cararo caruurta, iyadaa la kacaa kufta noloshooda, cafimaadkooda iyo waxbarashadooda, hadba intii ay awoodo.

            Marar badan hooyada iyo carruurtuba waxay noqdaan kuwo lagu tuugsado lana hafro, raga qaadku diloodey ee  ku mamay marar badan waxay ku baryootamaan si ay qaad u helaan reekii dabkii baa ka damsan  ama reerkii beryahan dab ma shidan caruutiina baahi bey u bakhtiyeysaa. Wixii arintaa lagu siiyo badanaa qaad ayey siistaan, reerka iyo caruurtaba qaadkaa ka mudan.

            Waxaad halkan ka garan kartaa dareenka  rabitaan ee qaadku dadka qaarkood gelinayo iyo sida uu wax walba uga hormarinayo.

————————

I loved words. I love to sing them and speak them and even now, I must admit, I have fallen into the joy of writing them.

Posted on August 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: