Aan Ooyee Albaabka ii Xira: Sh. Sharif, Qanyare, Xaaf…

image

16 August, 2012  (Moment Media Group) -Waxaa caaway baroor-diiq u fadhiya Muqdisho dhamaan hogaamiye-kooxeedyadii beesha Hawiye iyo xubnihii Aala Shiikh, waxaana baroor-diiqdaas hormuud ka ah madaxweynaha aan ka faa’iidaysan mudadiisii 3da sanno aheyd. Dhacdadan naxdinta leh ee haysata hogaamiyeyashii beri Muqdisho ku amarkutaagleyn jiray ayaa timid kadib markii xalay ay amar kama dambeys ah bixiyeen xubnihii beesha caalamka ee kakoobnaa Yurub, Maraykan, iyo UN kuwaasoo shir dheer xalay la qaatay wakiilkooda Mahiiga iyo labada sarkaal ee ugu sareysay AMISOM, waxaana amar lagu bixiyay inaysan soo gali doonin baarlamanka dhamaan qabqablayashi dagaalka iyo xubnihii Maxaakimta ee taageersan Sh Shariif.

3da sarkaal ayaa maanta u yeeray Sh Shariif iyo tarjumaankiisa, waxayna la galeen shir albaabadu u xiran yihiin oo qaatay muddo 5 saac ah, waxaana lagu qasbay Sh Shariif inuu aqbalo go’aan ka madaxdiisa beesha caalamka, uuna u sheego tageerayaashiisa iyo hogamiye-kooxedyada kala ah Qanyare, Xaaf, Muse Sudi, Maxamed Farax Jimcaale, Gen. Cerfiid, Lugadheere, Maxamud Cumar Cadaan, Cqadir Cali Cumar, Xaraankunaax, iyo tageerayaal badan oo lasoo diiday inaysan gali doonin baarlamanka cusub. Madaxweynihii hore Sh Shariif ayaa ku dooday in culeys gooni ah la saaray xubnaha Hawiye oo kaliya, waxaana loo sheegay in go’aan kaan uu wada sameynayo beelaha Soomaliyeed oo dhan, waxaana la xasuusiyay in sidaan oo kale loo diiday xubno badan oo kasoo kala jeeda Raxanweyn iyo Dir, beesha Daroodna laga diidi lahaa haddii ay keeni lahaayeen Faroole, Bare Hiiraale, Moorgan, iwm. Sh Shariif ayaa cabasho ka muujiyay Ra’isal Wasaarihisi hore Cwali Gaas, waxana lagu qanciyay in arinkiisa dib loo eegi doono marka la gaaro xiliga Doorashada madaxweynenimo.

Shiikha oo madluunsan ayaa kasoo baxay shirka Garoonka Diyaaradaha lagula yeeshay, wuxuna toos u aaday hoygiisa, isagoo galabta waqti badan loo xayirnaa inuu kasoo qeyb galo xafladda dhaarinta xildhibaanada cusub. Waxa dad badan ay isweydiinayaan sababta uu Shiikhu ugu doodayo hogaamiye-kooxeedyadii uu gaalnimada ku xukumay, kana saaray Muqdisho sanadkii 2006dii.

Beesha Darood ayaa ilaa iyo hada ku gacan sareysa tartanka siyaasada cusub ee Soomaaliya, kadib markii ay soo xusheen xubno rug-cadaa ah oo ka tirsanaan jiray dowladdii Kacaanka, sida Janaraal Muuse Xasan oo u dhashay Ogadeen galabtana noqday ninka ugu da’da weyn xildhibaanada, sidaas darteena loogu doortay gudoomiyaha KMG ah ee baarlamanka.

Sh Shariif iyo hogaamiyeyashii Hawiye ayaa laga soo sheegayaa inay ku cataabayaan “markaan tabarta heynay talo maheyn, hadoo aan talo heynana tabar ma hayno” inkastoo sida dhabta ah aysan hada xataa talo heyn, waayo iyagaa ugu badan musharixiinta booska isku garbinaysa.

—————————–

Easy reading is damn hard writing.Prof.Ibrahim

Posted on August 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: