Muqdisho Maxaan ka dhowraa?

Agoosto 27 2012 – Dadka Soomaaliyeed waa kuwo muddo rubuc qarni ah ku jira qas iyo qalalaase waxaa meesha ka baxay ka dib marki jabahaddo qabyaaladaysani xakunki XKHS ee shuuciga ahaa rideen kala dambaynti iyo dawladnimaddi waxaan dhigeeda qaadnay dariiqa burburinta iyo barakicinta , mudadaas waxaan xili kasta u baahnayn in aan hello dawladnimadi aan duminay haddaan nahay dadka Soomaaliyeed ee ay ku adeegteen shakhsiyaadka damaca xil doonitaan leh ee u maraayay dhabaha dhibaatada badan ee lagu kiciyo dadka, ahaydna arin ka baxsan diinta islaamka iyo mabaadiida nololeed ee bini aadamku ku noolaado ee ku salaysan ka fakarida nolol aduuneedka ,ee ah qabyaalad.

Waxaa Soomaalida tashan wayday loogu qabtay banaanka shirar kala gadisan intooda badan waxba kama soo bixin, Balse shirki ka furmay dalka jabuuti gaar ahaan tuulada Carta May 2, 2000 ayaa lagu soo dhisay dawlad loogu magac daray DKMG wakhtigeeduna ahaa 3-sanno , dhismaha dawladaas ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku soo siyaaday hab lagu sheegay in Soomaalidu wax ku qaybsanayso xalkuna ku dhex jiro waa habka 4.5 [Afar kood odayeed oo dhamaystiran iyo koox odayeed dhiman ] .


Carta- 4.5

Waxaan oran karaa Shirki Carta ka furmay waxa kaliya ee uu ahaa midka aan ka dhaxalay dhibaatada 4.5 ee ah xalaalaysashada Qabyaalad wax ku qaybsashada balse dadku u dhigaan qabiil ayaa wax lagu qaysaday dabcan qabiilku ma ahan sidaan , qabiilna awood qaybsi dawladeed dadku kuma qaybsan karaan sidiisa saxan marka looga hadlaayo oo qabiilka waxaa lagu macneeyay in uu yahay dadka dhaxalka wadaaga iyo inta aan isguursan karin inay isku qabiil yihiin arimahaas ka dhaxeeya dadkaas ayaa qabiilnimada samaynaysa ilayn wax kasta oo samaaysma asal ayay leeyihiin iyo ujeedo ay salka ku hayaan oo dheef leh markaas qabiilku waa arimo la xiriira in ay isyaqaanaan dadka dhaxal wadaagta ah ee ma ahan qaabkan aan qaadanay iswaydiintu waxay tahay qaabkan maxaa la dhahaa haddaa ? Waa qabyaalad oo iyaddu ah arin aragti jaahiliyeed ah kana soo maaxatay aragti xume curintiisa soo diristi Nabi Mohamed [NNKH] ka hor waa ka hadalka umaddaane .

Qabiil-Qaran-ma-dhiso

Dhibaatada 4.5-tu keentay waxaa ka mid ah marka koowaad waxaa la yiri dareen xumaaneedki bulshadeena Soomaalyeed la noolayn ayuu xalku ku dhex jiraa , Waxaa la innogu sheegay in uu xal yahay balse uusan xaq ahayn , Sidee wax aan xaq ahayni xal u keeni karaan ? Waxaan ognahay in la yiri waxaa Soomaaliya jooga dad dhiman oo nus ah, yaa dadka kala saari kara oo qaybna dhamaystir ku tilmaami kara qaybna dhinaan oo iyaggu awoodaas leh ? dabcan way cadahay in arintaanu ay tahay mid aan meelna ka soo galin Diinta Islaamka iyo Caqliga saliimka ah, haddi la dhaho xalbaa ku jirana ay noqonayso mid riyo ah aanna laga naawili karin wanaagsanaan dawladnimo sidaas ku dhisana ay adag tahay in fiicnaan laga dhowro.

Wixi lagu sheegaayay DKMG ee Soomaaliya loo soo yagleelaayay wali ma arag mid horay u qaada wax samaan leh ee aan ka ahayn dagaal ayay ku jirtaa dawlad diidka ayay la diriraysaa , madaxda dawladaa is haysata , Maxay madaxda dawladu isu haystaan waa isku awood Sharci kala celin karaana ma jiro, 4.5 ayay ku joogaan isagguna waa hala is haysto oo dagaalku ha ahaado joogto haddu ahaan lahaa mid siyaasad ku sheegeed-ka iyo mid dagaal xabadeed dadka lagu xasuuqo .

Xildhibaan ku sheega dalka Soomaaliya joogay iyo kuwa hadda cusub ee dhowaan Afhaayeenka dooranaaya waa kuwo ku yimaada matalaada oday dhintay magaciisa yaad ku soo gashaa [Hebel ama Hebel] markaas ma noqon karo mid dad nool matali kara qof dhintay oo dadku aminsan yihiin una nool yihiin dhibaato iyo dheefna dartiis usameeyaan ayuu ku joogaa waxaana sahlay 4.5 oo ah arintaas in Xildhibaanku ku yimaado oday la aminsan yahay lagu xalaaleeyay ama lagu sharci bini ,aadamaystay waxaa halkaas ka imanaaysa su,aal ah Dad Muslimiin ahi sharci bini ,aadameed kala saraysiinaaya dadka ma samaysan karaan ? Jawaabtu waa culimada iyagguna dhowrka kooxood noqday ee kooxo ka mid ahi Bakhtiyidi Meles Sanawi u tacsiyaynayaan .

Eldoret -Federalism

DKMG ahayd ee Carta lagu soo dhisay waxay dhamaysatay xiligeedi haddana kooxihi isu dhafnaa ee noocyada kala duwan lahaa ayaa loo qabtay shir ka furmay dalka kenya gaar ahaan EldoretOct 15, 2002Shirkaan ayaa muddo marki la fadhiyay waxaa haddana la innogu daray 4.5 -ti nadaam kale oo la yiri kana ku xoojiya xalkuu idinka caawine waa Federalism , Soomaaliya waa in ay qaatadaa nadaan gobolaysi ah oo ah dhowr gobol oo Maamul goboleed samaysta ama gobol gobol oo gobol walbi iskiis dawlad u lahaado .

Nidaamka federaalku xal uma ahan dhibaatada Soomaalida

Sept 15, 2003 – ayay ku heeshiiyeen kooxihi shirka joogay in dawlada la dhisaayo laga dhigo DFKMG [Dawlada Federaalka Kumeel gaarka]dawladi la soo dhisay iyadu waxay tii hore kaga duwanaatay waxay soo daadihisay ciidamo ajnabi ah oo ay u awood badan yihiin kuwa Dalka cadoowgeena ah ee Ethiopia waxayna 4.5-ti, Federalism-ki ku sii darsatay xasuuq dad wayne .

Aan usoo noqdo Nadaamka Federalism-ka waxa uu innoo sameeyay , waxaa dalka Soomaaliya ka jiray laba Maamul hoosaadyo Qabyaaladeed waa Somaliland oo gooni isu taag sheegata iyo Puntland , Haddaba Maalinti uu Federalism-ku soo shaac baxay ayaa waxaa biloowday waa in aan Gobolkayga Maamul u sameeyaa , Dagmadayda u sameeyaa , Yaa samaynaaya …. innaga oo ah koox odayeed Heleb , odayaashi iyo siyaasiyiinti doona aan Maamul Goboleed samaynee ilaa ay maanta marayso 30-madaxwayne .

Nadaamkaan Federal-ka ah ayaa ah mid dhibaatooyin waawayn Soomaaliya u soo hogaaminaaya marka uu qofku si ka baaraan dagid leh u eego hab fakarka dadka Soomaaliyeed ee uu ku laran yahay dareen qabyaaladeedka dhimirka waxyeeleeya ayaad ogaanysaa in haddi arintaan la iska qaato ay xaafad kasti calankeeda taaganayso dabcan haddaba waa jiraan magaalooyin xaafadahooda dhowr calan kala suran yihiin .

Akhriste Haddi lagu yiri Soomaalidu waa is dishay oo qabyaaladda ayay isku dishay dawaladnimadeenina qabyaladaas ayaa laqday , waxay markaas iswaydiintu noqonaysaa sidaan ku heli karaa dawladnimo , qabyaaladdi naga burburisay dawladnimadana sidaan uga fogaan karaa , dabcan markaas waxaa kugu soo dhacaaya waa in aan ka fogaanaa in hab siyaasadeedka xalka lagu doonaayo uu noqdo mid qabyaaladda loo sii dhex maro , qabyaalad ayaa dawladnimadaydi dumaysay iyadda ayaana keenaysa ma ahan sidaan qabo aragti munaasib ah , Haddaba maxay yihiin dhibaatooyinka siyaasadeed ee qabyaaladdu dugsanayso ayaad iswaydiin , Dabcan 4.5-ta iyadda daah ma saara qof shacab ah oo dhibku damqaayona laguma beerlaxawsan karo , Balse waxaa laga yaabaa in lagugu qaldo Federalism-ka oo lagu dhaho USA nadaamka ay ku dhaqanto weeye waana dalka koowaad ee dunida , Balse markaas waxaad dhuminaysaa in aad iswaydiiso dhibkeenu wax uu yahay iyo in aad xalka ka fakarto qiimaysona siday dadka Soomaaliyeed u nool yihiin iyo Federalism-ku waxa uu Soomaaliya u samaynaayo , Dhanka kale waxaa iswaydiin mudan dawlad dhexe ayaan dhisan waynaye dalka oo dhami haddu wada dawlad noqdo saw arintu noqon mayso mid jaantaa rogan ah oo aan lahayn meel laga qabto.

Dadka in dhamays ah iyo in dhiman [4.5] Gobolaysi , Dagmaysi , Xaafadaysi [Federalism] dabcan waan ka wada dharagsanahay dhibaatooyinkooda balse Qormadayda maanta waxaa nuxurkeedu noqonayaa odorosida Muqdishona ? oo ah haddi aan shirki Carta Qabyaalad wax ku qaysashadi xalaalaysanay [4.5] ,>Eldoret[Federalism] xaafad walbi calankeeda ha taagato ilayn dadku dareen qabyaaladeed ayay la nool yihiine, Muqdisho Maxaan ka naawilaa xiligaan oo dhibaato cusub ah.

Muqdishona- ?

Muqdisho waxaa la isugu geeyay odayaal dhaqameedka ah astaanta u taagan qabyaaladda oo ka kooban 135-oday Waxaa la yiri waxaad soo xushaan ergo ansixin dastuureed , iyo xildhibaano cusub dabcan arintaan keenida oday dhaqameedka ma ahan arin xasaasi ah oo iyaggu xal keenayaal ma ahan balse dalkaan burburka maalin kasta ku sii socda ayaa maalinba meel laga doonaa xalkiisa , Haddaba Oday dhaqamaadkaas waxaa loo furay maqaam siyaasi ah oo la leeyahay waxaa la samaaynayaa aqal Sare ama Golle guurtiyeed , arintaan ayaa noqonaysa mid cusub isqabqabsashadeeda iyo dhibaatadeena wadata , waa marka koowaade waxa la yiri waxaa lagu qaybin gobolaysi oo gobol walba waxaa ka soo baxaaya 3-dex golle guurtiyeed ,iswaydiintu waxay noqonaysaa sidee dadka Soomaaliyeed ee Gobolada dagani u qaybsan ilayn kooxo badan oo odayo kala duwan oo dhintay aminsan ayaa gobol kasta joogee , dabcan waa dhibaato hor leh .

Akhriste arintaan inkasta oo aan wali dhinac la isugu raacin ayna jirto dadka qayb leh 4.5 -teeni aan iskaga qaybsano iyaddana oo Gobolaysiga aan ka dayno ayaa haddana laga naawilayaa inay dhibaato cusub oo la inooggu soo daray kuwi hore ay tahay , Iswaydiintu waxay noqonaysaa maxaa loogu baahan yahay Golle Guurtiyeedka , miyaysan ahayn in xiligaan oo aysan dadka Soomaaliyeed u bislayn dawladnimo ay haboonayd in aan wax kale lagu soo siyaasin arimahaan dhibaatada badan ee qaybtood ayba yihiin kuwa hortaagan dawlanimada , sida Federalism-ka iyo 4.5-ta loona baahan yahay in laga fakaro sidi meesha looga saari lahaa kuwaas kor ku xusan ee caqabadaha waawayn ah .

Arintaan Aqalka sare kaliyi ma noqonayso dhibaatooyinka Muqdisho waxaa sidoo kale jira in Dastuurka dhowaan la innoo sameeyay ay ku jiraan qodobo ka mid ah oo dhibaato ku ah dadka iyo dalka sida in haddi dadka Soomaaliyeed dhulkooda qayb ka mid ah lagu qabsado ay wada hadal ka galaan , ka gorgortankaasna marka halka ku garrantanka la tago ay tahay in lagaa qaado iyo in lagu daayo.

Halista Dastuurka Cusub Somalia

Dhamayn.

Waxaan ku soo idlayn waxaa ayaan daro ah in markasta oo kuwo sheeganaaya inay dadka Soomaaliyeed matalaan ay isu yimaadaan inno soo siyaadiyaan dhibaato hor leh oo dawlad la,aanta horay usii qaadaysa kana shaqaynaysa is-haysasho iyo in qabyaaladdu ahaato dareenka dadka Soomaaliyeed dugsadaan.

Ilama ahan aragtidayda in xiligaan Muqdisho waxa ka socda laga dhowri karo wanaagsanaan in ay ka soo baxdo wax kasti waa sidoodi dhibaato hor leh oo timaada ma ahane ma jirto fiicnaan laga fishaa , Waxaan ognahay in dalkeena ay haystaan ciidamo shisheeye oo iska soo galay xasuuqyona u gaysta dadkeena Soomaaliyeed , waxaa dhici karta in Akhristuhu la soo boodo Shabaab ayay la dirirayaan ee daa ha inno joogeena , Miyaadan iswaydiin Shabaab-ku yay yihiin? Dabcan waa Soomaali , waalaga yaabaa in dad kale oo aan Soomaali ahayni ay ku jiraan balse Muslimiin ah , Markaas waxaad iswaydiin Muslimiintu Ma isu imaan karaan ? Jawaabtu waa haa , waxaa kaleeto oo dhinac taagan Kenyaan-ka iyo Ethiopian-ka iyo Amisom waa kuwan Caruurta Soomaaliyeed xasuuqaayee ma Caruurta Soomaaliyeed ayaa dagaal yahanada Shabaab Noqday .

Arkida dhibaato hor leh oo aan sii qaadayno iyo diidmo ka keenida siday wax u socdaan aragtidayda ku dhisan Waxaa tusaale u ah waaqiciga jira ee Soomaaliya haatan ku jirto.

*******************************

Sometimes when I think how good my book can be, I can hardly breathe.Prof.Ibrahim

Posted on August 28, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: