DAAWO: WAREYSIGII UGU HOREEYEY UU MAANTA JAWAARI BIXIYEY

Halista Dastuurka Cusub ee Qabya Qoraalka Somalia Halkaan Ka Akhri………

Wednesday, August 29, 2012 – Soomaaliya: Guddoomiyaha baarlamaanka cusub, Prof. Maxamed Jawaari, ayaa markii la doortay waraysi uu bixiyey waxa uu kaga hadlay Dastuurka Kumeel gaarka ah.

Waxana uu sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee sugaya baarlamaanka ay tahay in ay dastuurka dib u eegis ku sameeyaan, oo qodobadiisa wax ka bedelaan, wax ku kordhiyaan ama  ka dhimaan ilaa afti dadweyne lagu ansixinayo.

Prof. Jawaari oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Dalka Dastuur ayuu yeeshay, waa hubaal, hase yeeshee dastuurka ma dhamaystirna, si kumeel gaar ah ayaa waxaa u soo ansixiyey gole dastuur ansixineed. Baarlamaanka arrimaha ugu waaweyn ee xilalka sugaya waxaa weeye in ay dastuurka dib u eeegis ku sameeyo, oo aftina u diro, ilaa inta afti dadweyne lagu ansixinayo inta ka horeysa waxa uu u furan yahay baarlamaanku in ay wax ka bedelaan qodobadiisa, oo wax ku kordhiyaan ama ka dhimaan, taasi baarlamaanka ayey u furan tahay, dastuurka xaaladiisuna waa midaas…”

Baarlamaanka ayaa Agoosto 28, 2012 waxay guddoomiye u doorteen Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Dastuurka Kumeel Gaarka ah oo Muran gelinaay Dhulka Soomaaliya iyo Kenya oo siyaadisey Damaceedii badda:

Dastuurka sida kumeel gaarka ah loo ansixiyey Agoosto 1, 2012 waxa uu u gogol dhigayaa sidii muran loo gelin lahaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya (dhulkii hore xorta u ahaa), isla markaasna loo dhaxal wareejin lahaa.

Qodobka 7aad ee dastuurka KMG waxaa lagu siyaadiyey saddex faqradood ee hoos ku qoran:

Qodobka 7: faqradda 3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

Qodobka 7: faqradda 4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.

Qodobka 7: faqradda 5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya

Qodobadaas oo lagu soo qoray Kenya waxay u gogol dhigayaan in ugu horayn meesha laga saaro dhulka Soomaalida ka maqan ee ku hoos jira gumaysiga Itoobiya iyo Kenya.

Tan labaad waxa qodobadaasi horseedi karaan in dhulka xorta hore u ahaa lagu qabsado Soomaalida oo muran la geliyo, sida hadda ka socota xeebta la olloga ah Kismaayo iyo Raaskambooni (UFIIRSO: Waxaa dastuurka KMG ku qoran sidan: Dhulka JamhuuriyadaFederaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi….)

Dawladii hore ee FKMG ayaa ahayd tii taariikhda Soomaaliya u horseeday in dhul-badeedka hore xorta u ahaa ay Kenya muran geliso ama damac ka soo galo, kaddib markii ay la saxiixdeen heshiis ahaa khiyaano-qaran, oo loogu magac daray Is-faham, markii dambena heshiiskaas ay waxba kama jiraan ka dhigeen baarlamaankii hore, taas oo sababtay in baarlamaankaas laga dhigo hawl gab.

Damaca Kenya oo laban laabmay intii uu socdey barnaamijkii Roadmap-ka :

Intii ka dambaysay markii baarlamaankii hore ee KMG laga dhigay hawl gabka ee uu bilowday habkii loo bixiyey Roadmapka, waxaa Kenya dardar gelisey in ay qandaraasyo shidaal sahamin ku bixiso aagag ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya.

Dhul-badeedka gudaha ugu jira badda Soomaaliya ee Kenya qandaraasyada ku bixisay waxaa ka mid ah:

  • Block L5 (Anadarko)
  • Block L22 (Total)
  • Block L21, L23, L24 (ENI – Talyaani)
  • Block L26 (Statoil Norway)
  • Block L13 (Zarara Oil)

Khariidaddan hoose waxaa Kenya samaysay bishii May 2012 xilliggaas oo Soomaalidu ku mashquul sanayd waxa loogu yeeray Roadmap.

Sida ka muuqata khariidada waxaa Kenya ku soo xad gudubtey dhul-badeed aad u baaxad weyn.

Soomaaliya waxay leedahay sharci badeed oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya, oo ah Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed la yaabayihiin sababaha kallifaya in dastuurka loogu daro qodobo muran gelinaya dhulka jamhuuriya (oo loola jeedo dhulkii hore xorta u ahaa), halka laga ilaalinayo in Dastuurka lagu daro sharicigii badda Soomaaliya (Law No. 37) si loo quusiyo dalalka damacu kaga jiro  badda Soomaaliya.

Baarlamaankan cusub ayaa looga fadhiyaa in ay sharcigaas Law No. 37 ku daraan Dastuurka, shacabka Soomaaliyeedna aysan aqbalin ansixinta dastuurkaas ilaa qodobkaas lagu darayo, la turxaan bixinayo, lagana saarayo qodoba ka hor imanaya diinta Islaamka, sida culimada Soomaaliyeed sheegeen.

Akhri Xeerkii badda Soomaaliya ee 1972 oo Af Soomaali loo rogey 

Halista Dastuurka Cusub ee Qabya Qoraalka Somalia

—————————–

Dreams are illustrations from the book your soul is writing about you.

Posted on August 29, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: