Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland

Dadki hoos imaan jiray gumasytihi Britain ka hor xor-noqoshadi dadka ku nool dalka haatan loo yaqaan Jamhuuriyada Soomaaliya ee ay dawladi Britian ugu magac daray Somaliland [dhulka Soomaalida] ayaa iyaggu noqday dadki ugu horeeyay oo Soomaali ah oo dareema xornimada ama noqda dal madax badaan taariikhdu markay ahayd 26-june-1960,Muddo 4 maalmood ah ka dib Somaliland waxa ay la midoowday Somali Italiano oo ah qaybti Soomaaliyeed ee uu haystay Gumaystihi Talyaanigu , qiiro wadaniyadeed ayaa markaas ay la noolaayeen dadka Soomaaliyeed intooda badan shacabku , Balse Siyaasiyiinta ayaa kuwooda Somali Italiano ahaayeen marka aan Sooyaalka dib u milicsado aragtidaydana ku cabiro kuwo iyaggu doonayay ka sadbursiga Soomaalida Britian Gumasanaysay ee Somaliland ula baxday, dhanka Siyaasiyiinta Somaliland ka socday waxaan oran karaa waxay ahaayeen kuwo xamaasad wadaniyadeedku haraysay kana fog u fiirsashada walaalaha kale ee ay midoobeen waxaana oran karaa iswaydiimaha awoodqaybsi siyaasadeedka ee siyasaasiyiinti Somaliland xiligaas waxaa ka qaaday ku faraxsanaanta dad Soomaaliyeed oo xor ah iyo bilashada Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo calankeedu caalamka ka dul heehaabo.

Waxaa la dhisay dawlad Soomaaliyeed , haddaba dhismahaas waxaa ka soo muuqday in ay siyaasiyiinti dalki Somaliland la oran jiray ka socday aysan ku soo bixin sadexda xil ee ugu sareeya dawlada Soomaaliya ,sidoo kale waxay noqotay Caasumadi dalka cusub ee jamhuuriyada Soomaaliyeed Muqdisho oo ah Magaallo ku taal dhulki uu Talyaanigu gumaysanaayay ee 4-ta Casho ka dambeeyay Xornimo qaadashada Somaliland ,dhacdo siyaasadeedkaas awood qaybsi ee cadaaladda ka fog cabiridayda Waxaan oran karaa waxay ku dhacday wadaniyad madax martay siyaasiyiinta Somaliland ayna ku mudan yihiin amaan, sababta oo ah dareenka ay Soomaalidu la soo noolayd ee qabyaaladu ma ahayn mid ku jira Siyaasiyiintaas Somaliland xiligaas , dhanka kale waxaan oran kara waxay arintaanu qayb wayn ka tahay bilaabashada cadalad daro dareemida dadka Somaliland , waxayna abuurtay dareenka ilaa maanta taagan ee ah in Somaliland ay dib ula soonoqtay madax banaanideedi waloow aysan muuqan in ay suurtoobi karto in dareenkaasu dhaboobo sidaan qabo.

Waan wada naqaan wixi dhacay inti u dhaxaysay, Somaliland qofka soo jeedaa waxa uu xilalka sare qabtay marki Madaxwayne C/Rashiid Cali Sharmarke [AUN] ku guulaystay xilka madaxwayne-nimoJune 10, 1967 uuna R/wsaare usoo magacaabay Maxamed Ibraahim Cigaal [AUN] , dawladaas mudo laba sanno ah ka dib waa la dilay Madaxwaynihi , Waxaana dalka la wareegay seefti Kacaanka iyo Sahminti Hantiwadaag ku dhaqmida ,dabcan samaayski Jabhadaha , iyo inti Burburka ahayd waan ka wada dhargasanahay anniga oo rabba in aysan ila dheeraan aan usoo dhaadhaco Falanqaynta dhacdadi maanta ee ahayd doorashadi ka dhacday hooyga lagu magacaabo General Kaahiye ee uu ku soo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] uuna ka guulaystay la tartamihiisi ku soo xigay Cali Khaliif Galeyr ee isaggu ah nin leh Sumadda Somaliland-nimo marka laga taggo 4.5-ta mudadaan saami qaybsiga Siyaasada soomaaliya ku kala go,aysay.

Guul darada Galayr:

Cali khaliif Galayr

Cali Khaliif Galayr waxa uu saadaaliyay muddo sanad laga joogo in uu ku fakaro samaysashada Maamulka loogu magac daray Khaatumo State uuna u arkay in uu yahay mid uu la tagi karo goob cayaareedka Siyaasada Soomaaliya Aqriste samaynta Galayr ee Khaatumo ma ahan arin u gaara ma jiro Maamul lagu dhawaaqo oo laga leeyahay danta Galayr ka lahaa Khaatumo mid ka durugsan dhamaan State Hebelkaas aad maqashay waa mid xogtiisa dhabta ah ee ka dambaysaa tahay sidaan kursiga kuugu tagaa , kursigaas oo qofba meel u jooga [ximin iyo Xeeg Awdal State ,Puntland , Raascasayr Iwm] Mid walbi miisankeed iyo wax gooynteed siyaasi-geeduse duulaan tag Shacabkeeduna ku Raascasan ilayn dareen qabali ah ayaa lagu nool yahay oo xornimo u fakarida shacabku waa mid 7% Somalia ka ah hadaysan ka yarayn .

Galayr saadaashiisa guulaysasho iyo isu gaysashadiisa siyaasadiisa oo meel marta waxa ku dhiira galiyay Cali Khaliif waxa uu R/wsaare ka noqday DKMG ee bilatay Aug 13, 2000 kana dhalatay Shirki ka furmay Tuulada Carta >May 2, 2000 , Galayr oo markaas eegaaya siduu ugu soo baxay xiligaas DKMG isagga oo aan markaas wax deegaan ah ku tiirsanayn ayaa Sooyaal siyaasadeedkiisu ku dhiiriyay in markaan aan la-liicinayn waa siyaasi iyo saadaalinta guul filashadiisa , balse Galayr waxa uu Ilaaway in Shirki Carta uu ahaa mid ay ku loolamayaan adraydi XKHS oo laba garab ah , Cabdiqaasim Salaad Xasan , Cali Khaliif Galayr ,Boqor Cabulaahi King kon iyo qaybta xulufadooda asxaabti Ex Curubo iyo Liido xasuuso aan guuri leh dhacdooyin kharaar iyo kuwo macaanba laga dhex heli karo waa xiligi Hantiwadaagee, , Cabdulaahi Axmed Cadoow , Xasan Abshir Faarax , Aadan Maxamed Cali iyo asxaabtooda ardaynimo ee Kacaanki oo dhinacooda ah , Ragaanu waa kuwa labada dhinac kala ahaa xiligaas waana ardo ka aflaxday Falsafadi Jaalle Maxamed Siyaad Barre [AUN] Loolanki Cartana waxaa guulaystay Kooxdi Cabdiqaasim iyo Galayr sidaas ayuuna Galayr ku noqoday R/wasaare.

Madal walbiba xiligeed wakhti kastina qaab dagaal gal siyaasadeedkiisa Galayr guul darada Maanta waxaan oran karaa waa dagaal siyaasadeed lagu hardamo iyo sugida natiijadiisa , balse nuxurka guuldarada Galayr ayaa ah mid aad saamayn ugu yeelanaaya Sooyaalka siyaasada Soomaaliya waxa uuna noqonayaa arin ka sheekaynteed mudan sababta oo ah xiligan waxaa jirta in la inoo sheegaayo in Soomaaliya Soo kabanayso oo isfahan siyaasadeed dhalanaayo , Balse sidaan qabo Guul darada Galayr maanta waxay noqonaysaa mid dadka Reer Somaliland ku darsadaan dagitaanki awoodqaybsi siyaasadeed ee ay koonfurtu caadaysatay , dabcan xiligaan oo dareenka qabyaalad ku noolaashaha shacabka Soomaaliyeed iyo soo badashada siyaasi , siyaasadiisa ku meel marsada innaga daggan ay cirka isku sii shareerayso maalinba maalinta ka dambaysa, Balse Reer Somaliland-[Reer Waqooyi] dhibaato uma aragkaan madaama 60-ki la dagay xiligaan ma filanayaa tanaasul u samayn iyo bal ku eegid jagooyinka sare dad Reer Waqooyi ah oo dadka Reer Koonfureedku sameeyaan Balse goobta isku adkaynta afka Reer Waqooyigu waxa uu noqon ma 60-ki ilaa maanta malaha maba garowsan.

Dhanka kale waxaa dhacdadaanu cadaynaysaa in Khaatumo ama Maamul kale oo waqooyi ka jira sida Awdal State oo kaligiisi ahi uusan Muqdisho waxba ka gooyn karin , balse Reer Waqooyi midaysani yihiin kuwo la xisaabtan awood qaybsi oo dhaba samayn kara , ku adkaysashada Somaliland inaysan siyaasada Somaliya ka mid ahayn wax badan in ay goyn karto ayaan qabaa balse Hargaysa , oo aan laasacaanood , Laasqoray iyo Lughaya wadan dhacdadaan guul darada Galayr iyo salaankiisa Khaatumo kama duwanaanayso haday Muqdisho kalinimo ku aado Reer Koonfureedkuna halkeedi soo jireenka ahayd kala helaan.

Cali khaliif Galayr waa macalin Siyaasadeed qiimayntayda xiligi burburka Afar nin ayaa qabaa in ay yihiin kuwa ugu miisaanka cuslaa masraxa siyaasada [AUN] Cabdulaahi Yusuf , Daahir Riyaale Kaahin , Cali Khaliif Galayr , Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaggana maanta dheel siyaasadeedku dhankiisa ku liicday balse aan ahayn nin hara aanna ka filan karo Prof Jawaari sanad ka dib intay Shariif Xasan Baarlamaanka cusub iska baranayaan in uu booska ka taqantaqeeya sida uu maalmo tagayba sameeyay Masraxa Siyaasadeed ee Soomaaliya dhacdooyin aad tiraahdo tanuna ma dhici kartay ka fillo , hadaan ku daro inkasta oo uusan wali ku balaarsan Siyaasada Shariif Sheekh Axmed Balse waxa uu usoo egyahay mid furfuran cid walba siday rabto ula dhiga inkasta oo guulihiisa siyaasadeed ee sooyaalkiisa dhowaanta soo ifbaxay loo aaneeyo ka soo hoos dhalasho Wadaadka mayalka adag ee mudada mititka ahaa Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Shariif Xasanka Maanta ka horow aan loodin , Dabcan ragaan aan xusay waa siyaasiyiin ma ahan in aad iswaydiiso ma xal ayay wadaan/Wadeen mise xal daro , taas Sooyaalka Soomaaliya ka dheeho, Balse waa kuwo siyaasada jirta ku ah macalimiin / ku ahaa Cabdulaahi Allaha [AUN]

Galayr ayaan ku jiraaye aan yara Tusaaleyo aqristayaasha ku xeel dheeraanta Siyaasada ee Galayr, Galayr weerarkiisa afka ah ee Puntland iyo u dhimrintiisa Somaliland waa tusaale Siyaasadeed siyaasi halkay ku jirto yaqaan , isku soo biimayn la,aanti gabarsi ka doonid deegaan[Khaatumo] xiligi Cabdulaahi ee Puntland iyo Riyaale ee Soomaaliland waa tusaale kale oo tilmaamaya in Galayr laacib wayn yahay dhanka siyaasada , maanta Galayr waxba lama harin balse Reer Koonfureed iyo caadadood dheh inay isu garabsadaan Reer Waqooyiga .

Saamaynta Somaliland:

Maamulka Somaliland ee ah dareenka ay la nool yihiin Shabacka gobollo ka mid ah Somaliland ee ah aragti siyaasadeed salka ku haysa SNM [ Somali National Movement] ayna tahay xogta ka sii dambaysa SMN dareen qabyaaladeed u gaar ah qaybo ka mid ah Siyaasiyiinti Reer Waqooyi , wuxuuna dareenkaanu bilowday xilligi Jabhad samaysashada ee lagu dhisaayay qabyaaladda looguna macab Bixinaayay Soomaalinimada ku suntan seejinta taladda dalka Kacaanka dhiig miiradka ah waa siday ugu yeerayeen Siyaasyiinta Jabhadaha hogaaminaysaye , sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin ku jira Maamulka Somaliland ee goooni isu taaga 22 -sanno ka hor ku dhawaaqday oo ka soo gallo Maamulkaas Gobol waqooyi ka tirsan Balse Shacabka ku dhaqan Goboladaas Dareenkoodu yahay mid Villa Soomaaliya ka naawilaaya isbadal , Sidaan in dadku kala ahaadaan ku noolaanshada Hab fakarka Dhimirka wax u dhima ee Soomaaliya dadkeeda afeeyay waa qabyaaladee ayaan oranayaa , Ma jiraan cid si gaara ugu eedaysan waa saf mar marka laga reero dadka la nool Dareenka Xarakada Shabaab Almujaahidiin ee ah Shareecada ayaa mudan in loo xakuntamo Caqli bini ,aadam oo ciqaab dambiile dadeed curiya warkeed daa [Caqlaawiyad] , Shacabku Dareenkaan qabyalaadda ku dhiban Siyaasiguna ku dheefsay waa kiisa 4-tiisa sanno ay beesha Calaamka isbartaane .

Hadaba Somaliland waxay ku yeelanaysaa Saamayn siyaasadeed waxaa dhici karta in siyaasiyiinta Gobolada aan Shacabka ku nool Somaliland-nimadu ku duxin ay ku soo bataan ama mabaadii ka dhigtaa Somaliland , taageero siyaasadeed ayaan oran karaa oo halki hore ka yara xoojisa Somaliland ayaa ka dhalan karta , Aqriste in Somaliland dal Noqonayso ma qabo annigu sababta oo ah ma saara dhabaha dal gaara noqoshada haday noqon lahayd shacabka ku dhaqan kala duwanaanta oday kooxeed aminsanaantooda[ Qabiil] iyo iyadda oo aaysan Somaliland hayn dariiq caalami ah oo dal laba uga kala qaybsamo lana ictiraafo dalkaaas cusub ee dunida ku soo siyaaday.

Waxaa kale oo aay u tahay Nafaqo Siyaasad qabyaaladaysan Shacabka Somalilander-nimada aminsan oo muddo kula xifaaltama Shacabaka kale ee reer waqooyi ee Villa Somalia ku xiran ay kaga helaan Golle xifaaltanka War inaysan reer koonfureedku sadbursi ka waantoobayn marnaba garoowsanayn bal in markaan si xalka loo raadiyo kuraasta sarsare la innoo dhiibo kaftan dhablaha Shacabka dawlad la,aanta la darsay 22-ka Sanno weeye intaanu .

Waxaan ku soo idlayn falanqaybtayda guul daradi doorashadii Galayr iyo saamaynta Somaliland dhankayga ma qabo in Kuraasta Soo hartay waa madaxwaynaha iyo R/wasaaraha ay heli karaan midkood qof reer waqooyi ahi , Madaxwayne qof Muqdisho ama Shabeelooyinka ka soo jeeda ayaan isleeyahay sabababo la xiriira waxaan loogu yeero sifaynta Shabaabka oo mudada soo socota siyaasada Ajnabiga iyo abaanlayaasha Soomaalidu u dhigteen in la wado arinta ay ku macneeyaan xoraynta balse aanan garan waxa Soomaali looga xoraynaayo dhulka oo Amisom u qabsanayso Lakiin aan ku oran karo Halka caalamku u badan yahay oo dhamaan dadka Dunida lala rabo dheh [Cilmaaniyad] R/wasaraaha Puntland yaysan kalsoonida Villa Somalia kala laabane sii, ilayn reer Waqooyi waa kuwo xaafad xaafad u weerar tagaayee miisaan culus wakhtigaan ma leh oo midnimo la,aantooda ayaa diiday .

Hadaba Aqriste haddi Galayrku soo bixi lahaa waxay noqon lahayd aragtidayda mid saamayn ku yeelata saaxada Siyaasada waa marka koowaade waxaa meesha ka bixi lahaa in Afhayeen-ka baarlamaanku koox odayeedkaas [Qabiil Sida Soomaalidu u taqaan] ayuu u xiran yahay, dhanka kale waxay saamayn ku yeelan lahayd Siyaasada Somalilander-nimada ku socota oo ay wiiqi lahayd xalkuna waa ka soo dhowaan lahaa , waa in Maamulka Hargaysa la qanciyee , balse dhigeeda waxaa ahaan lahaa oo laga yaabi lahaa In Puntland markeeda 20-sanno oo soo socda iyanna Shacabka ku dhaqan Goboladaas ku hayso Sanadkaan weeye kii Ictiraafku , Siyaasada Soomaaliya iyo murugsanaanteeda weeye wax innagu cusub ma noqoteen, Haddaad aragtay , Cabdulaahi xiligiisa Puntland a[AUN] oo leh dawladi carta ma shaqaynayso , Cabdulaahi oo Madaxwayne noqday iyo dadka Muqdishaad oo wada Sahbaaboobay , Somaliland oo aan calankeedu dhicin 22-tan kaas sanno heeso kala daran iyo isu soo baxyaduna aysan kala go,in Puntland inay iyanna markeeda sii jeesan lahayd waa mid la fisho, Haddaba oo aysan cayaar siyaasadeedku dhamaana dhici karta.

==============================

The scariest moment is always just before you start.

Posted on August 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: