MUSHARAXA FARMAAJE WUXUU KHATAR KU YAHAY, KEENTA QOOMAMO, DEGANAASHAHA IYO XASILOONIDA LAGA WADO GEESKA AFRIKA.

September7,2012 -Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa akhristeyaasha qiimaha leh, marka xigta waxa dhab ah in umadda somaliyeed meelkasta oo ay joogto iyo dalkasta oo degaan ahaan ay ka mid tahay ama ay ku noolshahay in ay la qaybsanayaan walaalahooda somaliya faraxa, rajada, iyo reyreynta ka soo muuqata goboladii dagaalada sokeeye ragaadiyeen labaatankii sano ee ina soo dhaaftay, uguna ducaynayaan, una rajeynayaan in halkaa ay ka sii socoto.

Hadaba waxaan jeclahay in aan baaq u mariyo halkan, baarlamaanka cusub ee somaliya ee ay gacntooda ku jirto fursada dahabiga ah, ee maanta oo qudha soo martay labaatan sano oo dagaal iyo gaajo iyo rafaad ah ka dib dalka somaliya, ha ogaadaan in hadii aanay ka fiirsan, ninkay doortaana noqdo mid gacantiisa ku bakhtiiya rajadaa iyo nuurkaa soo ifaaya, aanay umadda somaliyeed kuwa somaliya, iyo kuwa ka mida dalalka jaarka, iyo kuwa qurbaha caalamka degeniba ka saamixi doonin falkoodaa ifka iyo aakhiroba, kana fogaadaan in ay madaxweynaha ku doortaan qabiil, saaxiib, garasho, iyo eex iwm, oo ay qoomameyndoonaan hadhaw.

Hadaan u soo noqdo murashaxa aan ku xusay cinwaanka maqaalkayga ee farmaaje oo aan tusaalaha ugu soo qaatay dhinaca fikirka khatarta keeni kara ee ay aaminsan yihiin murashaxiinta qaar, dhici kartana qaar la mid ihi inay jiraan, ama qaar kaba fog oo waxay sameeyeen ama gacmaha gesheen xumaanteeda iyo fawaaxishxumideeda la odhan karo sida looga aqbalay musharaxnimadiisa ama uu ku yimi meesha, waxay u yihiin tusaale qaladaadka hadaba dhacay, oo uu ka mid yahay maslax siyaad oo ahaa ninkii sodon sano ka hor halaagaa ku dhacay mudadii ka danbeysey somaliya, qorigii ugu horeeyey ee dabka ahaa gacantiisa ku soo qaaday kuna qabtay umadda. waxa la yaab ah in kooxdii loo yaqaanay warloodska ama qabqablayaasha oo qayb qaatay ama ka danbeeyey, isku dhacyo iyo dagaalo dhex maray iyaga dhexdooda, ama ay la galeen maxaakiimtii, wakhtigii ka danbeysey cali mahdi iyo caydiid, kana dhacay oo ku ekaa gudaha magaalada muqdisho, oo waliba ka soo jeeda isku beel, oo aanay cadeyn dad somaliyeed oo kale oo ay u geysteen xasuuq, ku dil qabiil, ama ka qaad degaan oo ay u geysteen, dagaalada ay ka qayb ahaayeena la mid ahayd kuwii ka dhacay dhulkii laysku odhan jirey somaliya min halka ugu koonfureysa ilaa halka xadka jabouti, ahaana dagaalo lagu heshiiyey in layska saamaxo lana soo qaadin, in loo diido inay galaan baarlamaanka cusub, maslax iyo kuwa la mid ahna loo ogolaado isku sharixid madaxweyne.

Hadaan u soo noqdo farmaaje mar labaad, waxaan ka hadlayaa waa fikirkiisa iyo waxyaalaha uu aaminsan yahay oo aan ka soo xiganayo, qaarna ku salaynayo, buugii uu qoray, oo uu ku cadeeyey colaada iyo nacabka uu u hayo qoomiyada samaale oo ka mid ah qoomiyadaha ugu balaadhan afrika, kana soo jeedaan shan madaxweyne oo afrikaanihi, hadalkii xaqiraada ahaa ee uu la beegsaday beelweynta digil iyo mirifle, hadalo uu ka yidhi meelo uu khudbado ka jeedinaayey, oo uu ku dhawaaqay nacaybka uu u hayo beelaha puntland iyo waliba kuwa somaliland oo uu sheegay in ay ka danbeeyeen rididii xukunkii siyaad barre, waxa kale oo lafilikaraa nabad gelyo darro iyo dagaalo beeleeyo ka curta gobolada jubooyinka, waxa iyana xusid mudan intii yareyd ee uu ahaa raiisalwasaaraha xasuuqii ka dhacay degmada ceelwaaq ee loo geystey beesha garre ee degaan ahaan leh degmadaas, oo lala xidhiidhiyey in uu lug ku lahaa ama wax ka ogaa, ugu danbeyntii waxa la odhan karaa wuxuu ahaa digniin ama jeres, rabshadihii dadku ku dhinteen maalintii dhaweyd ee uu ka soo degay madaarka muqdisho ilaa gudaha magaalada oo ah waxaan ku dhicin ama lagu arag murashax kale.

Posted on September 7, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: