Xaflad laguna soo dhoweynayey Madaxweynaha cusub oo Xalay ka Dhacday Magaalada London(Daawo Swirada)

 

17.09.2012 – Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey laguna soo dhoweynayey madaxweynaha federaalka Somaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo oo eey ka qeyb galeen dhaman jaaliyada Somaliyed ee kunool magaadala London iyo nawaaxigeeda ayaa waxa eey ka dhacdey waqooyiga London.

Xafladan oo aheyd mid ka duwan xafladihii hore ayaa waxaa kazoo qeyb galayaasha kamuuqatey wajigooda farxad aad u weyn iyagoo dhamaantood isku hanbalyeynayey kuna faraxsanaa madaxweynaha cusub iyo is badalka weyn ee dhacey

Waxaa goobta hadalalo qiira leh kasoo jeediyey masuuliyiin odayaasha dhaqanka cuqaal wax garad aqoonyahano dhaliyaro haween iyagoo dhamaantood carabka ku adkeeyey in eey dhalatey dowladii dalka ka saari laheyd dhibaatada iyo qalaanqalka dadkii goobta ka Hadley waxaa kamid ahaa Cabduqaadir Xaaji Masale Xildhibaan Ibroow oo kamid ahaa xildhibaanadii hore godoomiye kuxigeenka jaaliyada Somaliyed ee uk mudane Cali Shiino aqoonyahan Maxamed Xaaji (Ingiriis) Ambasador Cabdi Rashiid Aadan iyo Ambasador Maxamed Cismaan waxa eeyna dhamaantood hoosta ka xariiqeen in loo baahanyahey in nabada laga wada shaqeeyo iyo horumarka dalka

Anas Cabdi Kariin Cali Kaar oo ah wiil 9 jir ah ayaa aad u kiciyey kasoo qeyb galayaashii xaflada isagoo gabey qiima badan uu halkaasi ka qaadey iyagoo kasoo qeyb galayaashii xafladana eey aad ugu sacab tumeen aadna ula dhacey wiilkaasi 9 jirka ah

Waxaa iyana kaalin aad u weyn kaqaatey xafladii quruxda badneyn fanaaniinta reer London oo aan u kala harin kuwaas oo qaadayey heeso guubaabo ah iyo heeso cusub oo eey ugu tala galeen madaxweynaha cusub waxaana kamid ahaa Alfanaan Cabdi Risaaq Axmed Faarax (Gaadaco) Xuseen Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) HIbaaq Maxamed Cabdulaahi, Aamina Maxamed Cumar (Aamina Dhool) Cabdi Xakiin Xasan Xuseen ( Cabdi Diini) Feysal Yuusuf (Feysal Yare) Cabduqaadir Abgal Saciid (AJ) Abdow Aramram ( Sharaf) Xaawa kiin Maxamed Hilowle iyo Cabdi Raxmaan Gaas waxa eeyna dhamaantood qaadayeen heeso qiira leh oo kiciyey dareenkii kasoo qeyb galayaasha xafladas

Xafladaas oo aheyd mid aad uweyn ayaa waxaa soo qaban qaabiyey

1 Yasiin Abdi Bulsho, 2 Daahir Geesaweyne, 3 Abuukar Cadaani,4 Xasan Cali Maxamuud Basay,5 Axmed Cadde,6 Cumar Dhagay, 7 Cabdi Risaaq Iiman,8 Cilmi Ciro,9 AXmed Geedi, 10 Cumar Hilibi, 11 Cabdi Raxman Timir

 

 Every writer I know has trouble writing.Prof.Ibrahim

Posted on September 17, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: