Qaraarka Qarammada Midoobay ee ka horjeeda Somaliland. Waa in the interest of peace and unity in Somalia

Thursday, September 20, 2012 – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Qaraar ay soo saareen ku soo dhaweeyey muhiimada Isbedelka horumarka siyaasadeed ee Somalia ka curtay, taas oo keentay in la doorto Madaxweyne cusub oo dalkaasi yeesho, ayaa Golaha Amaanku waxa uu ku baaqay in samaynta dawladd Rasmi ah oo soo afjar…

tay xiligii kumeel gaadhka oo kor u qaada amaanka, dhismaha nabada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dedaalada lagaga hortagayo budhcad baddeeda oo ay beesha caalamku sii wadi doonto inay kala shaqayso oo ay ka taageerto arimahaasi sidii wax looga qaban lahaa.Qaraarkan ay isku waafaqeen Golaha Amaanku oo tirsigiisu yahay 2067 (2012), oo ay soo saareen maalintii shalay ayay hoosta kaga xariiqeen in soo xulitaanka Baarlamaanka cusub, Afhayeenkooda iyo Madaxweynaha cusubi ay hoosta ka xariiqayso dawladd dhamaystiran oo dalkaasi ka unkanta, isla markaana ujeedadeedu ay tahay sidii loo heli lahaa Degenaansho iyo dawladd lala xisaabtamo.

Qaraarkan ayaa lagu sheegay in lagu dhiirigalinayo Madaxweynaha cusub ee Somalia si uu u soo magacaabo Raysal Wasaare isaguna soo dhisa golaha wasiirada ee Xukuumadiisa, ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyey muhiimada ay leedahay maamul Somalidu yeelato oo majaraha u qabta isku xukunka Sharciga, Amaanka, Hanaanka Cadaalada, isla markaana adkeeya muhiimada loo aasaasay guddida Amaanka ee Caalamka, kuwaas oo beesha caalamka ku boorinaya inay sii wadaan taageerada dalka Somalia.

Sidoo kale Qaraarkan Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in Golahaasi uu dareen aan fiicnayn ka muujiyey warbixinada ka soo baxaya sida xun ee loo maamulay intii ay socotay doorashada Baarlamaanka iyo warbixino kale oo sheegayey inay jireen lacago la loo isticmaalay wax is daba marin. Qaraarkan golaha amaanku uu Somalia ka soo saaray maalintii shalay ayaa ka koobnaa 23 qodob, kuwaas oo dhamaantood lagaga hadlayey arrimaha Somalia iyo xaaladaha ka taagan dalkaasi ee ay ka midka yihiin arimaha ku taxaluqa Xuquuqda Aadamaha, la dagaalanka Al-shabaab, Budhcad Baddeeda, Musuqmaasuqa iyo Wax isdaba marinta hablka loo maamula dhaqaalaha, iyaga oo ku taliyey in la sameeyo guddi maamusha dhaqaalaha Somalia, isla markaana maamulka Somalia uu masuul ka yahay taageerida dib u heshiisiinta iyo sidii loo heli lahaa dawlad maamul daadajin samaysa.Golaha amaanku waxa uu intaasi ku daray inay qiimayn doonaan xaalada, isla markaana ay talaabo ka qaadayaan shakhsiyaadka khalkhal galiya Nabada, Xasiloonida iyo Amaanka Somalia. Maaha markii ugu horaysay ee golaha amaanku qaraar ka soo saaro Xaalada iyo Isbedelada Siyaasadeed ee Somalia ka dhacayey 21-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana ka mid ahaa tirsiga qaraarada golahaasi uu ka soo saaray Somalia 1950 (2010), 1976 (2011), 2020 (2011) and 2036 (2012). Oo si weyn u bogaadinayey dedaalada ay international community-gu ka sameeyaan Somalia oo ay ka mid tahay Ciidamada iyo Maraakiibta ka hawlgala biyaha dalkaasi, isla markaana qaraaradaasi lagu soo dhaweeyey hoos u dhaca mudadii u dambaysay ku timid weerarada ay qaadaan budhcad baddeedu.

===============

There are three rules for writing a novel. Unfortunately, no one knows what they are.

Posted on September 20, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: