MAXAA KU QARSOON DASTUURKA CUSUB

In ka badan labo sanadood ayaa guddi ay dusha ka maamusho hay’adda UNDP waxay gacanta ku hayaan dastuur la rabo in Soomaaliya lagu dhaqo marka uu dhamaado waqtiga KMG ah ee hadda ka baxday. Dastuurkaasi oo ka kooban 69 bog ayaa xubno guddiga diyaarinaya ka mid ahi Shbakada u sheegeen in diyaarintiisu ku baxday in ka badan $25 milyan (labaatan iyo shan milyan oo doolar), lacagtaasoo aan weligeed xitaa la gelin adeegyada aas aasiga ah ee u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Iyadoo su’aashaasi ay madaxeena xannuunjisay ayaa waxaa dhowaan dalka yimid xubnaha guddiga madaxa banaan (siday sheegeen) ee gacanta ku haya diyaarinta dastuurka cusub ee loo yaqaano “QABYO QORAALKA DASTUURKA LA TASHIGA DADWEYNAHA” kuwaasoo soo bandhigay dastuurka cusub oo la sheegayo in ay ansixin doonaan 825 ruux oo ka wakiil ah lixda saxiixayaasha heshiiska roadmapka markaasna loo qaadan doono dastuur ummada Soomaalida raali ka tahay!.

Haddaba haddiiba sidaas loo dhigo, aan marka hore isweydiino muxuu yahay dastuurku muxuuse sheegayaa? ma yahay mid ka tarjumaya dhaqanka, qaranimada iyo diinta ay dadka Soomaaliyeed aaminsan yihiin? mise wax kalaa ku duugan???  BAL ILA ARAG.

 DIINTA IYO DAWLADA

Dastuurka Qabyo Qoraalka wuxuu sheegayaa in Islaamku yahay “Diinta dawlada” sida ku xusan Qodobka 2aad faqradiisa 1aad oo leh sidan; “Islaamku waa diinta dawlada” iyadoo laga leex leexday in si cad loo sheego in Islaamka uu yahay diinta kaliya ee dalka.  Isla qoraalkan qabyada ah ayaa horey loogu sheegay in “Diintu ay tahay tan dalka (ma ahan tan dawlada)”.

Waxaa xusid mudan in dastuuradii hore ee Soomaaliya loo sameeyey sida Dastuurkii 1960-kii, Dastuurkii 1979-kii, Dastuurkii 2000 ee Carta iyo Dastuurkii 2004 ee Mbagathi ay dhamaantood si muuqata u sheegayaan in “Diinta Islaamku tahay TAN RASMIGA AH EE DAWLADA”

– Dastuurkii 1960: Qodobka 1aad (faqrada 3aad) waxaa ku qoran: “Diinta Islaamka ayaa noqoneysa diinta qura ee dalka”.

– Dastuurkii 2000 ee Carta: Qodobka 2aad (faqrada 2aad) waxaa ku qoran; “Islaamku waa diinta Qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeeda diinta Islaamka” (Halkan waxaa lagu adkeeyey in diin kale oo aan Islaam ahayn dalka la keeni karin).

– Dastuurkii 2004 ee Dawlada KMG ah: Qodobka 8aad (faqrada 1aad) waxaa ku qoran; “Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya”.

SHURUUDA MADAXWEYNAHA

Malaha qodobkan waa midka ugu yaabka badan ee ku jira Qabyo Qoraalka hadda la wado, waxaana qodobkan haddii aan si wanaagsan loo fahmin uu yeelan karaa khatartiisa, wuxuuna leeyahay qodobka 95aad ee Shuruuda madaxweynaha “Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaadin kasta Soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumcad sare,waayo aragnimo iyo heer oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka“.

Fasiraad: Micnaha waa in musharaxa/masuulka qabanaya xilka madaxweynaha Soomaaliya aan looga baahneyn Muslinimo.

Isla qodobkan dastuuradii dalka horey loogu sameeyey waxay u dhigeen sida soo socota:

– Dastuurkii 1960- Qodobka 71aad (Faqrada 1aad) waxaa ku qoran; “Muwaadin kasta oo Muslim ah, aabihii iyo hooyadiina ay labaduba yihiin muwaadiniin asal ah oo xaq u leh inuu cod dhiibto/bixiyo, da’diisa aysan ka yareyn afartan iyo shan jir, wuxuu mudnaan u yeelanayaa inuu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda. Qof lama dooran karo in ka badan laba xilli doorasho oo isku xiga”.

– Dastuurkii 2000 ee Carta- Qodobka 23aad (faqrada 1aad) waxaa ku qoran; “Waa inuu yahay Muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Soomaali dhalad ah; horena uusan u guursan haddana qabin oori ajnabi ah”.

– Dastuurkii 2004 ee DKMG ah- Qodobka 40aad (Faqrada C) waxaa ku qoran; “Inuu/inay  yahay/tahayMuslim kuna dhaqma/dhaqanta waalidiintiisuna/ waalidiinteeduna yihiin muwaadin Soomaaliyeed”.

Isla qodobkaasi (faqrada D) waxaa ku qoran; “Shisheeye qabin inta xilka/ uu/ay hayana/heysana guursan shisheeye”.

Faahfaahin: Arinta ku saabsan guurka xaas shisheeye (ajnabi) oo dastuuradii hore aad u adkeeyeen ayaa Qabyo Qoraalku meesha ka saaray iyadoo taasi ay u muuqan karto in si gaar ah loogu dan leeyahay rag Soomaaliyeed oo ay dhici karto inay guursadeen xaasas ajnabi ah oo markaasi qaarkood aaminsan yihiin caqiido aan ahayn ‘Islaamka’.

Isla qodobka shuruudaha madaxweynaha waxaa dastuuradii hore (Kii 1960, kii 1979, kii 2000, kii 2004) ay qexayeen in madaxweynuhu uusan geli karin ganacsi ama shaqo kale mudada uu hayo xilka madaxweynaha laakiin Qabyo Qoraalka qodobkaasi laguma soo darin hadda.

SHURUUDAHA IYO DHAARTA WASIIRADA

Qabyo Qoraalka UNDP maalgelisay wuxuu kaloo baalmaray shuruudihii wasiirka koowaad (raysul wasaaraha) iyo wasiirada xukuumadda iyo dhaarinta madaxda dawlada oo dastuurka laga rabay in lagu qeexo.

Hadaan dib ugu laabano dastuurkii 1960-kii iyo kii 2000 ee Carta waxay si isku mid ah u xuseen in wasiirada ito raysul wasaaraha dalka laga rabo Muslinimo iyo ku dhaqanka Shareecada.  Waxaana lagu dhaarinayaa “Kitaabka” iyagoo ku dhaaranaya dhaarta ku xusan dastuurka taasoo Qabyo Qoraalku ka tagay.

HELIDA JINSIYADAHA

Qabyo Qoraalka wuxuu sheegayaa in cid kasta oo Soomaaliya joogta mudo shan sano oo kaliya ama guursata muwaadin/muwaadinad Soomaaliyeed ay heli karto dhalashada Soomaalinimo, sida ku qoran Qodobka 12aad (faqrada 1aad iyo 3aad) oo leh “Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaadin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn (1)…………….. Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u deganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga Jinsiyada xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn (3)”.

Arintan dadka sharciyada yaqaana waxay ku micneeyeen mid aan ku habooneyn Soomaaliya waqtigan marka loo eego xuduudaha iska furan, dawlad adag oo dadka soo galaya ilaalisa iyo sharci laga baqo oo aan jirin, taasoo sababi karta in cid walba ay si fudud ku qaadato dhalashada Soomaalinimada.

Faahfaahin: Wariye ka tirsan Shabakada Moment Media Group oo dhowaan booqday xarunta laga bixiyo dhalashooyinka ee Muqdisho ayaa la kulmay dhacdooyin yaab leh ka dib markii ay soo baxday in baasaboorka cusub ee Soomaaliga la siiyey dad ajnabi ah oo qaarkood hal toddobaad kaliya Muqdisho joogay. Tani waxay u muuqan kartaa in dastuurka Qabyo Qoraalka uu saacidayo!.

XUDUUDAHA DALKA

Dastuurka Qabyo Qoraalka laguma cadeyn illaa hadda soohdimaha dalka.  Sida la wada og yahay kuna cad Axdiga caalamiga ee Qaramada Midoobay Soomaalidu xuduudihii uu gumeysigu ka tagay dood bay ka qabtaa oo marna ma dhicin dawlad Soomaaliyeed oo aqbasha in ay ka tanaasusho dhulalka Soomaaliya kaga maqan Ethiopia iyo Kenya, laakiin tilmaan ahaan waxaa la qeexay jihooyinka soohdimaha qaranka Soomaaliyeed oo kala ah sidan:-

1- Waqooyi waxaa ka xiga:                        Gacanka Cadmeed
2- Waqooyi Galbeed waxaa kaxiga:       Jabuuti
3- Galbeed  waxaa ka xiga:                         Itoobiya
4- Koonfur iyo koonfur galbeed:             Kiinya
5- Bari waxaa ka xiga:                                 Badweynta Hindiya

Sidaasi waxaa qaba Dastuurkii 1960-kii iyo Kii Carta ee 2000 iyo kii 2004 ee DKMG ah.

Laakiin Qabyo Qoraalka sidee buu uga hadlay bal ila arag;

Raadraacyo:

 Halka ka akhri Dastuurka Qabyo Qoraalka oo dhameystiran (Ama booqo webka guddiga qoraya dastuurka oo ah www.dastuur.org)

  1. – Dastuurkii Soomaaliya 1960-kii
  2. – Axdigii KMG ee Carta 2000
  3. –  Axdigii KMG 2004 ee DKMG ah

Posted on September 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: