Taariikhda Dastuurkii 60kii, wixii uu ka yiri nidaamka federaalka iyo midaynta dhulalka Soomaaliyeed

MomentMediaGroup – Sannadkii 1956, Maamulkii Talyaaniga ee Wasaayada Soomaaliya waxa uu ku dhaqaaqay diyaarin iyo abaabul doorashooyin guud ee siyaasad oo looga gol lahaa in Golihii degaanka (Territorial Council) loo beddelo Gole leh awood xeerdejin ee ka kooban 70 xubnood, soona xula xubno dawladda daakhili ah ee la qorsheeyey in la dhiso.

29kii Febraayo 1956, oo ahayd maalintii la qabtay doorashooyinka waxay ahayd maalin taariikhi ah waayo waxay ahayd maalintii ugu horraysay oo ee uu dadka soomaaliyeed u dareereen goobo codbixin sí ay u soo doortaan Golihii Xeerdejin ee ugu horreeyey ee heer qaran ahaa.

Doorashooyinkaas waxaa ku adkaaday xisbigii SYL oo ku guulaystay aqlabiyaddii kuraastii loo tartamay, ka dibna soo dhisay Xukuukaddii Daakhiliga(1) ahayd ee u horraysay ee uu hoggaaminayey Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud.

Xukuumaddii daakhiliga ahayd, ee ka dhalatay doorashooyinkii 1956, waxaa xilkeeda ka mid  ahaa inay u hawlgasho diyaarinta dastuurka lagu dhaqayo Soomaaliya gobannimada ka dib.

Hawlihii diyaarinta Dastuurka waxay bilaabmeen 1957dii. Dawladdii Soomaaliyeed ee daakhiliga ahayd ayaa waxay dhistay Guddi Farsamo(2) ee soo diyaariya drafka dastuurka lagu dhaqi lahaa Soomaaliya gobannimada ka dib.

Guddiga Farsamadu, oo ka koobnaa Macallimiin Jaamacadeed, garsoorayaal, mudanayaal ka tirsanaa Golihii Xeerdejinta ee Soomaaliya, hawlwadeenno ka mid ahaa hawlwadeennadii dawladda Soomaaliya, culumo Soomaaliyeed iyo khuburo ka socota Qarumaha Midoobay, wuxuu isla markiiba bilaabay hawlihiisii, asaga oo isu kala qaybiyey guddi-hoosaadyo.

——————————————————————————————–
1.Corriere della Somalia 
2. R. Angeloni, Diritto Costituzionale Somalo,Milano,1964, p.73

4tii ilaa 8dii Maarso 1959kii, waxaa soomaaliya lagu qabtay doorashooyinkii guud oo ay ka qaybgaleen rag iyo dumar ee dádoodu gaartay ama ka sarraysay 18 sano sí ay u soo doortaan Golihii Xeerdejinta ee isla markaana noqonaysay Golihii Dastuurka(3), ka dib markii lagu kaabo xubno kale.
Markaa ka dib, Guddiga Farsamadu wuxuu oggolaaday soona saaray faallo ballaaran ee ku saabsan nuqulkii drafka ahaa ee dastuurka oo koobnaa 141 Qodob.

Dadkii qoray Dastuurkii u horreeyey ee Soomaaliya waxa ay la kulmeen laba masaladood oo xasaasi ahaa:

    * Qaabka dawladda dhalanaysay: Qaran Mid ah mase Federaal
* Xoraynta iyo midaynta dhulalka soomaaliyeed

Xisbiyadii markaa jiray qaarkood, gaar ahaan xisbigii la magac baxay Xisbiya Digil Mirifle ayaa qabay in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaamka federaalka, dastuurkana lagu qoro. Halka Xisbigii SYL iyo tageerayaashiisii waxay aaminsanaayeen in nidaamka federaaliga uusan ku habboonayn ummadda soomaaliyeed oo ah ummad wadaagta af, diin, dhalasho iyo dhaqan, waxayna dadweynaha intiisa kale uga digeen in nidaamkaas uu dhiirrigelinayo qabyaalad ummaddana u horseedi doono dagaallo sokeeye ee aan dhammaad yeelan doonin.
Ugu dambayntii, wafuud ka kala socotay Somalilan (Waqooyi)d iyo Soomaaliya (Koonfurta) ayaa 16-24kii bishii Abril 1960 shir ku yeeshay magaalada Muqdishu waxayna ku heshiiyeen oo ay wada saxiixeen in ”Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad madaxbannan oo mid ah(4), ka dibna dastuurka ayaa lagu qoray .
Waxaa aad looga dooday habka midayta dhulalka Soomaaliyeed ee uu gumaysiga kala saanyaday qarnigii 19aad. Waxaa kale oo Dawladda Soomaaliyeed, ee curdanka ah, ka gónaa inay door sharaf leh ka qaadato midaynta dhulalka soomaaliyeed, isla mar ahaantaana xiriir derisnimo iyo nabad ku-wada noolaasho la yeelato adduunka gaar ahaan kuwa deriska ah.

……………………………………………………………………………….
3. Keesing´s Contemporary Archives, weekly diary of world events, 1960 pag.16965
4. Keesing´s Contemporary Archives, weekly diary of world events, 1960, pag. 17422 iyo Qodobka 1aad ee Dastuurka

Dhanka kale Dawladda Soomaaliyeed ee la filayey inay dhalato 1da Luulyo 1960kii waxaa loo baahnaa inay noqoto meel ay ku soo hirtaan dadyowga soomaaliyeed ee weli ku hoos jita gumaysiga, waxaana Dastuurka lagu qoray ” Jamhuuriyadda waxay u hawlgelaysaa inay hab sharci iyo nabadgelyo ah ku raadiso midaynta dhulalka soomaaliyeed(5).
Bishii Janaayo 1960kii, maadaam   aa ay soo dhowaatay muddadii istiqlaalka, waxaa la magacaabay Wasiirkii Dastuurka oo loo xisaaray inuu soo habeeyo wixii uu soo jeediyey Guddigii Farsamada, markaana loo gudbiyo guddi lagu magaabay Guddiga Siyaasadda ee uu soo doortay Golihii Xeerdejinta, asaga oo la waafajiyey mabaadída Shareecada Islaamkana la hordhigo isla Golaha Xeerdejinta oo lagu kaabo xubnaha cusub ee Guddiga, iskuna beddela Golaha Dastuurka oo dabadeedna ansixiya nuqulka Dastuurka.

Wasiirku wuu u dhabar-adeegay gudashada xilkaas, wuxuuna Guddigii Siyaasadda soo hor-dhigay nuqul aad loo soo gaabiyey, kaas oo uu Guddigu oggolaaday ka dib markii uu wax ku kordhiyey waxna ka beddelay.

Nuqulkii kama dambaysta ahaa ee hindisaha dastuurka waxaa la hordhigay Golihii Xeerdejinta oo isu rogay Golaha Dastuurka, kaas oo isla oggolaaday 21kii juunyo 1960kii, ka dib, markii uu qodob qodob uga dooday, isbeddellana ku sameeyey. Nuqulka dastuurka ee la oggolaaday waxa uu ka koobnaa 105 qodob.
Inta aan la dooran Madaxweyne KMG ah, awoodda iyo xilka(6) Madaxweynaha KMG ah waxay ku wareegeen Guddoomiyihii Golihii Xeerdejinta oo ahaa Mudane Aden Cabdulle Cusmaan, sida uu qorayey dastuurkii cusbaa ee Ku Meel Gaarka, oo noqday Madaxweyne KMG ah, asaga ayaana saxiixay Dastuurkii, 1da Luulyana ku dhawaaqay midowga Soomaaliya iyo Somaaliland iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Isla maalintaas 1da Luulyo 1960kii, waxaa kulan wadajir ah yeeshay labadii Gole Xeerdejin ee Koofurta iyo Waqooyiga, waxayna Madaxweyne(7) KMG ah u doorteen Mudane Aden Cabdulle Cusman, muddo 1 sano ah.

.…………………………………………………………………………………
5. Qodobka 6aad ee Dastuurkii 1960ka
6. Qodobka I ee ka midka ah qodobada kala guurka ee Dastuurkii 1960ka
7. Keesing´s Contemporary Archives, weekly diary of world events, 1960, pag. 17524

Madaxweyne Aden Cabdulle Cusman waxa uu Wasiir Kowaad u magacaabay Mudane Dr. Cabdirashiid Cali Sharmarke oo isna soo dhisay xukuumad kooban. 20kii bishii Juun 1961dii, waxaa afti loo qaaday Dastuurkii KMG ahaa, waxaana lagu oggolaaday aqlabiyad aad u weyne.

25kii isla bishaas Juun waxa lagu dhawaaqay natiijadii aftida Dastuurka, kaas oo ka baxay Ku Meel Gaarnimadii. 6dii Luulyo 1961, Golihii Xeerdejinta (Somali National Assembly) waxa uu madaxweyne rasmi(8) ah u doortay Mudane Aden Cabdalla Cusmaan.

——-

Proofread carefully to see if you any words out.

Posted on September 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: