Madaxweynaha oo saacadaha Soo socda ku dhawaaqaya R/Wasaaraha Cusub iyo Caqabadaha hareeyay …..

 

Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (Moment Media Group) — Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doono shaqsiga noqonaya Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalk

Mudada 30-ka cisho ee la rabo inuu kusoo magacaabo Ra’isul Wasaaraha sida uu qabo dastuurka u dagsan dalka ayaa Hal Todobaad ugu harsan inuu ku soo magacaabo Wasiirka Koowaad, waxayna Warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Mas’uulkii qaban lahaa jagadaasi uu miiska u saaran yahay, laguna dhawaaqi doono saacadaha dhow.

Madaxweynaha ayaa soo gabagabeeyay wadatashiyadii uu ka lahaa cida noqoneyso Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu mid mid uu arintaasi kala hadlay Qabaa\ilka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Hadal uu u sheegay wakiilo ka kala socday ururada Bulshada Rayidka, ayuu Prof. Xasan Sheekh ku yiri in hadii uu Ra’isulwasaaraha soo daahiyey in aysan daahi doonin dhismaha Golaha Wasiirada.

Dadka u dhuun daloola siyaasada Dowlada cusub waxa ay leeyihiin madaxweynaha waxa uu diyaariyeyba wasiiro gaaraya 10 oo uu isaga wato kuwaas oo uu rabo in Ra’isulwasaaraha cuusb u gudbiyo.

Dhowr qof ayaa loo saadaalinayaa laakiin waxaa aadag in la ogaado siyaasadda iyo qorshaha madaxweynaha oo wax badan aan laga ogaan karin.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira wadatashiyo ku saabsan sidii uu kusoo magacaabi lahaa ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo jagadan ay ku loolamayaan mas’uuliyiin fara badan oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha xilligiisu sii dhammaanayo.

Wadatashiyada uu wado madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay imaanayaa xilli uu gabaabsi yahay waqtiga looga baahnaa inuu kusoo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo laga doonayo inuu soo dhiso xukuumad dalka hoggaamisa.

“Sababaha aan idin kugu imid waa inaan idin kala tashado ra’iisul wasaaraha aan soo magacaabayo. Su’aashuna waa; Ra’iisul wasaarha aan soo magacaabayo sidee doonaysaan inuu noqdo… maxaad doonaysaa inuu qabto… maxaase doonaysaan inuusan taaban ama ka leexdo,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo la hadlyay waxgarad uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay kula kulmay degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne oo uu booqasho ku tagay.

Maalin walba waxaa soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya ruuxa la doonayo in loo magacaabo xilkan, iyadoo mararka qaarkood ay dadku sheegayaan in loo magacaabayo xubno kale oo ku cusub siyaasadda, Madaxdii hore musuqmaasuq lagu heystaa weli.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay wuxuu wadatashiyo ku aaddan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub kula yeelanayay Muqdisho waxgarad, siyaasiyiin, ururrada bulshada rayidka ah iyo weliba qaybaha kala duwan ee shacabka oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo haweenka, si uu uga helo fikir ku aaddan magacaabista ra’iisul wasaaraha.

Inkastoo aan la ogeyn ruuxa jagadan kusoo bixi doona ayaa haddana dadku waxay mar walba is-weydiinayaan ruuxa xilkan kusoo bixi kara, iyadoo goobaha shacabku isugu yimaadaan intooda badan looga doodayo cidda xilkan kusoo bixi karta.

“Haddii madaxweynuhu uu magacaabo nin horay siyaasadda ugu jiray waxay taasi sababi kartaa in sumcaddiisa ay la dagto. Waajibka madaxweynaha saaran waa inuu si wanaagsan uga fikiro cidda uu xilkan u dhiibayo, waayo xilku waa mid aad u culus,” ayaa ka mid ah erayada ay dadku ku sheekeysanayaan.

Xilliyada soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu ku dhawaaqo ra’iisul wasaaraha uu u xusay inuu soo dhiso dowlad dalka hoggaamisa afarta sano ee soo socota, iyadoo xilligii madaxweynaha looga baahnaa inuu ra’iisul wasaaraha kusoo magacaabo uu ku eg-yahay 10-ka bishan Oktoobar.

Caqabadaha hareeyay Madaxweynaha cusub waxaa ka mida:-

  • 1- Magacaabida Raisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo culeysyada saaran ay ka mid yihiin wuxuu kala kulmi karo hadii uu magacaabo qof uusan aqoon u laheyn ama aan xisbigiisa ahayn maxaa yeelay xil ka qaadis kuma sameen karo hadii uu siyaasadiisa khilaafo maadaama Ra”isulwasaraha Soomaaliya xilkiisa ku weyn karo oo kaliya hadii uu waayo Kalsoonida Baarlamaanka. dhinaca kalena Hadii uu magacaabo qof xisbigiisa ka tirsan waxay sababi kartaa inuu waayo taageerada beesha Caalamka iyo tan shacabka Soomaaliyeed. 
  • 2- Maamul u samaynta Jubada hoose, Gobolka Banaadir iyo dhamaan gobolada kale ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa oo ay gacanta ku hayaan dad aan aqoon laheyn, isbaarana ku ah nabada iyo horumarinta degmooyinka maadama intooda badan ay gacanta ku hayaan maliishiyaad qabiil, Goboladii iyo degmooyinkii uu magacaabay Madaxweyne Shariif xiligii uu tartanka doorashada ku jiray go’aan ka gaaristooda, magacaabistaas oo golaha wasiirada ee Dawladii Shariifka ay kasoo horjeesteen, Gobolada iyo degmooyinka dawladu xoreysay qaar kamid ah oo maliishiyaad qabiil oo is abaabulay ay bilaabeen in canshuuro ka gurtaan.
  • 3- Sixitaanka Dastuurka Soomaaliya oo aan awood buuran siineyn Madaxweynaha Dalka, Dastuurka oo ay ku jiraan qodobo iska hor imaanaya, qodobo aan la hirgelin karin sida dhisitaanka aqalka sare maadaama dawlad goboleedyadu dalka u wada dhisneyn iyo qodobo ka hor imaanaya shareecada Islaamka.
  • 4- Dhisida iyo sixitaanka Garsoorka Dalka, Maadaama garsoorka dalka uu noqday yaa lacag badan, iyadoo Garsoorka Dalka lagu magacaabi karo inuusan garsoor jirin, qeybaha shaqeeyana ay yihiin kuwa gebi ahaan ay tahay in iyaga xabsiga la dhigo, maadaama ay xilkoodii gudan waayeen, kana doorbideen dhaqaalo yar.
  • 5- Maareynta dhaqaalaha Dalka, Dhaqaalaha ka soo xaroodo meelaha ay dawladda gacanta ku heyso oo aan dowlada ugu xaroon sidii la rabay maadaama ay masuuliyiinta gacanta ku haaya yihiin kuwo musuqmaasuq ku caan baxay, sida Dekedda, Airport-ka , Canshuuraha beriga, Dhaqaalaha Baasaboorada kasoo xarooda, dhaqaalaha kasoo xarooda Taargada Baabuurta oo shaqsiyaad iska maamushaan.
  • 6- Maareynta Nabadgelyada Dalka oo dhibaato badani ka taagan tahay, ciidamada dawladda oo Gobolada la xoreeyay iyo Caasimada dalkaba dhibaato u geysta shacabka, lacago baadana ka qaada Baabuurta u kala goosheysa gobolada Dalka iyo gudaha magaalada Muqdisho, Mushaar la’aan ciidamada Soomaaliaya qeybaheeda kala duwani haysata. Ciidanka kaliya ee Maanta Shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiina uu noqday ciidan ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya oo loogu yeero ALFA Group ama GAASHAAN, ciidankaas oo tiradoodu aad u yar tahay. Milateriga, Booliska, Asluubta iyo Qeybaha kala ee ciidanka Nabadsugida oo sixitaan badan iyo tababaridba u baahan, iyadoo la dhihi karo caqabada Nabadgelya xumida waxaa u sababa Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo mushaar laáan ku howlgala iyo Masuuliyiin xilal aysan astaahilin haya.
  • 7- Xiriirka wadamada IGAD, Xiriirka Hay’adaha Caalamiga ah sida UN-ka iyo NGO-yada Caalamiga iyo kuwa gudaha, la macaamilida Beesha Caalamka kadib markii Dawladda Soomaaliya ka baxday kumeelgaarnimada. Qeybahaan dhamaan ayay ku adag tahay in Soomaaliya ula Macaamilaan sida ay ula dhaqmaan dawladaha kale ee Caalamka. Madaxweynaha iyo Xukuumada la dhisi doono maku guuleysan doonaan inay joojiyaan qaabkii UN-ka, EU-da, AU-da iyo dhamaan Caalamku ula dhaqmi jireen Dalka Soomaaliya oo ahaa Somalia (Muqdisho),Puntland iyo Somaliland! Mise sidii hore ayay hawluhu ku socon doonaan iyada oo Soomaaliya yeelatay dawlad rasmi ah.
  • 8- La talinta iyo hagitaanka Madaxweynaha oo ay durbaba bilaabatay inay ku tartamaan xubno ka soo jeeda beesha madaxweynaha iyo xubnaha Xisbigii uu gudoomiyaha ka ahaa oo lagu magacaabo SPD ama Damu jadiid, xubnahaas oo gacan weyn ka geystay guusha uu ku guuleystay Xasan Sheekh Madaxtinimada Dalka. Xubnahaas ayaa la sheegayaa inay kala hor boodayaan Faarax Cabdulqaadir iyo Jibriil CRD. 
  • Madaxweyne Xasan Sheekh ma qabiilka ayaa Jiidan doona mise xulufadda Xisbigiisa, 
  • 9- Soo celinta midnimada, wadaniyada iyo wadajirka Soomaaliya, maadaama 20 kii sano ee lasoo dhaafay masuuliyiinta Soomaaliya hor boodayey ay ahaayeen kuwo xoojinayey kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed.
  • 10- Maareynta waxbarashada dalka sida Dugsiyada hoose ilaa Jaamacadaha, iyadoo dalka Soomaaliya uusan ka jirin Manhaj kaliya, Jaamacadaha dalkana ay ka mid noqdeen sida Dukaamada Caadiga ah, iyadoo aysan jirin shuruudo looga baahan yahay Jaamacadaha, shuruudo looga baahan yahay Macalinka wax ka dhigaya. Arimahaan quseeya dhinaca Jaamacadaha oo ah arin ay tahay in si degdeg wax looga qabto.
  • 11- Go’aan ka gaarista hantidii dalka oo dawladii ka horeysay ay qaar ku wareejisay dawlado kale, dhismayaashii dalka sida Hoteeladii dawladda , Ajibyadii shidaalka oo Ganacsato lagu wareejiyey iyadoo wax tartan ah aysan dhicin, Qandaraasyada Dawladda, Kuwa AMISOM, Kuwa Turkiga TIKA oo tartan la’aan la siiyey ganacsato gaar ah oo ku dhowaa madaxdii dawladii ka horeysay, sida siinta Raashinka iyo shidaalka Ciidamada Soomaaliya, dhamaan waxyaalahaas oo laga warsugayo go’aanka uu madaxweynuhu ka qaato iyo xukuumadda lasoo dhisi doonaba.
  • 12- Caqabadaha kale ee madaxweynaha heysta waxaa kamid ah isbedel weyn oo ay dadka Soomaaliyeed ka sugayaan mudada 100-ka maalin ee ugu horeysa Xukuumada dawladiisa, Soomaalidu ma dulqaad badna hadii Xasan Sheekh la imaan waayo isbedel degdeg ah waxaad arki doontaan iyada oo inkaar lagu ridayo sida madaxdii ka horeysay.

Posted on October 4, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: