Dhismaha Safaaradda Soomaalida ee Roma oo Shirkad Talyaani ah laga kireeyey muddo 18-sano ah

caddeNuur Cadde, safiirka DFS u fadhiya Roma ayaa qiran in safaaradii Soomaalida laga kireeyey dad Talyaani ah. Dhismaha daartaasi waxaa mulkiyadeeda leh qaranka Soomaaliyeed, waxaase hadda lagu wareejiyey shirkad shisheeye oo muddo 18-sano ah deganaan doonta. Arrintaas warbixinteeda ka aqri qormada hoose oo ay isku soo dubaridey Muna Abshir Abdi.

Dhismaha Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ma Nuur Cadde Ayaa Iskaleh Mise Qaranka?

ALLE ayaa mahad leh, Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaayto Nabigeenii suubanaa Muxamed (SCW). Dhamaan umad Soomaaliyeed ee walaalahaay ah waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka Assalamualaikum Wr Wb.  Wayahaanba qoraalo ma soo daabicin mana waayin wax aan qoro ee wakhtigaa ii saamixi waayey. Ma jeceyli in aan ku mashquulo shaqsi iyo kooxo midna balse waxaan jeceylahay in aan shacabka Soomaaliyeed mar kasta xaqiiqda u soo ban dhigo ugana digo wax kasta oo SHARAFTOODA IYO JIRITAANKOODA WAX U DHIMAYA.

Maanta qoraalkaaygu waxuu ku wajahan yahay qoraalo iyaamahaan saxaafada calamka iyo tan soomaaliduba isla dhex marayeen oo ku saabsan Safaarada aay Soomaaliya ku leedahay dalka Talyaaniga gaar ahaayna magaalada Roma. Safaarada Soomaaliya aay ku leedahay dalka Talyaaniga waxaay ka mid tahay Hantida dad waaynaha Soomaaliyeed oo dowladiihii dalkeena ka jiray  intaan burburku dhicin aay qaranka dalka u iibiyeen.

Hadaba burburkii ka dib waxaaa durbadiiba bilaawday bililiqo baahsan , dhac, nin waxuusan lahaayn sheeganaya iyo iibsashada hantida dad waaynaha soomaaliyeed. Qof kasta waxuu rabaa in uu maalin ku taajiro, qof kasta waxuu rabaa in uu tittle (Dr, Professor, Sheikh IWM) been ah oo uusan lahaayn sheegto.

Dhismaha Safaaradda Soomaalida ee Roma oo Shirkad Talyaani ah laga kireeyay muddo 18 – sano ah

Iyaamahaan waxaa soo baxay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga Nuur Xassan Hussen (Nuur Cade) uu dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga  shirkad ajaanib ah 18-sano ka kiraaystey. Nuur Cade waxuu safaarada ku kiraaystey lacag dhan $10,000 (toban –kun) iyada oo sagaalka danbana bishii lagu heshiiyay in Shirkadu bixiyaan $15,000 ( shan iyo toban –kun). Waxaa kale oo wararku intaa ku darayaan in Nuur Cade iyo Shirkadu heshiis ku galeen in 9-ka sano ee hore ay bixiso shirkadu $1080, 000 (melyaniyo sideetan kun oo doolar) iyada oo 9-ka sano oo danbana bixinaya $1,620,000 (melayan iyo lix boqol iyo labaatan kun oo doolar).

Si arintaa loo xaqiijiyo  mid ka mid ah wariyayaasha Roma uga soo warama TV-ga Universal oo lagu magacaabo Moxamed Roberto ayaa waraaysi uu la yeeshay Nuur Cade waxuu wax ka waaydiiyeey arintaan ku saabsan safaarada in la kiraaystey. Jawaabtii nuur Cade ayaa u dhacday sidatan: Halkaan ka daawo waraaysigii oo video ah.

Nuur Cade  wallow uu hadalka si kale u dhigay waxuu waraaysigiisa ku cadaaynayaa in uu safaaradii Soomaaliya ku lahaayd Talyaaniga kiraaystey, kana kiraaystey shirkad ajaanib ah. Mar Su, aal laga waaydiiyeey in Dowladu ka war haayso arintaan waxuu ku jawaabey aniga ayaa meeshaan safiir ka ah .Waxaay taasi kuu cadaaynaysaa in isagu sidoo doono u maamushay safaaradii soomaaliya aayna la wareegtey shirkad ajaanib ah walibana aan ka haaysan Dowlada iyo Baarlamka qaranka midna wax ogolaansho ah.

cadde

Ma aha markii u horeeysey oo rag sheegta masuul aay iibsadeen ama iska maamushaan Hanti ka dhaxaaysa Umada Soomaaliyeed. Shalay bay ahaayd markii Nuur Cade iyo contact Group wada saxiixdeen heshiiskii bada ee loogu magac daray burcad badeed la dagaalanka halkaas oo ciidamo badan oo aduunka ka kala socdaa aay  si sharci daro ah ku galeen Biyaha dalka Soomaaliya

Shaqsiyaaad kale oo anaan hada meeshaan uga hadlaan ayaa iyana bada Soomaaliya in sun lagu shubo u saxiixay shirkado ajaanib leeyahay. Kuwa kalana  waxaayba isku dayeen in aay bada qaayb ka mid ah ka iibiyaan wadamada dariska aan la nahay mid ka mid ah.

Hadaba aqristoow inagoo wada ogsoon in Hantidii qaranka Soomaaliyeed meel kasta la beecinayo, qaarna horay loo beec geeyey oo shaqsiyaad Soomaali sheeganaya iibsadeen, marna ma is waaydiisey goorta Soomaaliya oo dhan la iibinayo? Waayo hadii badii la iibiyo, birigii waxiii yaalayna la iibiyo, dibadii hantidii aan ku lahaayna la iibiyo, maxaa soo haraya oo la sugayaa?

Mida labaad shaqsi ma matalaa qaran? Shaqsi Hantida dad waaynaha go,aan ma ka gaari karaa in uu gado ama kireeyo? Waa maya jawaabtu sidaan filayo.

Safaarada Soomaaliya ee dalka talyaaniga ku taal waxaay waayadaan danbe u ahaayd hooy qaxoonti soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 200-oo qof kuwaas oo dalka talyaanugu u diidey sharci. Nuur Cade 4- sano ayuu safaarada gees kaga shaqaaysanayeey, dhinaciisa waxuu ka dhigtay mutuleel, kursi leader ahna wuu soo dhigtay oo uu isku war wareejiyo sidii Nin boqor ah.

Dhinaca kale ee qaxoontiga Soomaalidu kaga sugnaayeen Safaarada waxaa ka muuqdey dayac baahsan oo qof indhihiisa ku arka mooyaane  aan qoraal lagu sharixi Karin. Musqul ma lahaayn, biyo malahaayn, koronto ma lahaayn. Dadku waxaay wax ku karsanayeen gasacado ama koonbooyin sida dadka qaar u yaqanaan. Cajiib Safiir dhan oo safaarad noocaan oo kale dhinac kaga nool, dadkii uu masuulka ka ahaayna noloshaan kaga nool yihiin guriga uu ka haawl galo dhiniciisa kale. Xataa ma awoodi waayey in uu shoolad ama cooker aay wax ku karsadaan u gado?Halkaan ka fiirso Film document ah oo Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga uu ka sameeyey Nin U dhashey dalkaasi Talyaaniga 2012..

Posted on December 3, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: