Wargeys kasoo baxa Talyaaniga oo Nuur Cadde la meel dhigay Jilaagii weynaa ee Talyaaniga Toto (Maxey tahay sababta.?)

 nurcadde

Wargeys ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa uu ka qoray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Talyaaniga   Beljamka Ex. R/wasaare Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) sheeko la yaab leh, wuxuuna wargeysku safiirka Nuur Cadde ku tilmaamay Jilaa waddanka Talyaaniga caanka ahaa oo lagu magacaabo Toto.
Jilaaga uu wargeyska soo xigtay ayaa ah Jilaa sameyn jiray aflaanta qosolka (comedy films), wuxuuna caan ku ahaa isagoo qaladaadka siyaasadeed ee waddanka ka dhaca u rogi jiray qaab aflaan ah, waxaana filimaantiisa aad looga daawadaa dalalka caalamka, gaar ahaan Talyaaniga, isagoo dhintay April 15, 1967, Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Firenza, oo ka hadlayey warbixinta uu wargeysku qoray wuxuu sheegay in nuxurka qoraalka wargeyska inuu ahaa in Nuur Cadde la yiri wuxuu u dhaqmay sidii Totoo oo kale, isagoo dad shicib ah ka iibiyey dhisme uu leeyahay Qaranka Soomaaliya. “Toto wuxuu ahaa Jilaa caan ka ah waddanka Talyaaniga, wuxuuna metalayaa nin dalxiis ku yimid dalka Talyaaniga oo aan waxba kala ogeyn ayuu wuxuu ka gadayaa hanti Qaran oo meel taariikhi ah ku taal, wuxuuna leeyahay dhaqaale isii kadibna dhismahan taariikhiga ah ayaan kugu wareejinayaa, wuxuu wargeysku leeyahay Nuur Cadde wuxuu sameeyey sheeko la mid ah sheekadii Totoo oo hantidii Qaranka Soomaaliya ayuu gaday”ayuu yiri Cabdi Cali Jaamac. Jaamac wuxuu sheegay in wargeyska uu ku tilmaamay tillaabo aan sharci aheyn in dhism astaan u ah Qaran dhan in loo rogo hoteel lagu tamashleeyo, isagoo dadka Soomaalida ahna ku tilmaamay kuwa 22 sano aan haysan dowlad adag oo dhexe.

Posted on December 3, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: