Miyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe aqoon hore isu lahaayeen?

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  Dr. Abdusalam Omer former Chief of Staff  Executive Office of Mayor District of Columbia Halkaan ka Akhri: 

Sida uu qoray wargeyska xilliilaha ah Indian Ocean Newsletter, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdisalaam Cumar oo dhaqaale-yahan ah u magacaabay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Xiriirka madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Cabdisalaam wuxuu bilaabmay intii u dhexeysay sanadihii 2006 iyo 2007 markaasoo uu madaxweyne Xasan Sheekh ahaa hormuudka machadka SIMAD, Cabdisalaamna ahaa madaxa maamul wanaagga hey’adda UNDP qeybta Soomaaliya.

Cabdisalaam wuxuu ka caawiyay SIMAD inay diyaariso barnaamij tabobar ka dib markii machadku taageero ka helay United States International University (USIU). Cabdisalaam, oo haysta dhalashada Maraykanka marna ahaa madaxa shaqaalaha Duqa Magaalada Washington, ayaa kaalin weyn ku lahaa heshiiskii adeeg ee la siiyay PricewaterhouseCoopers Associates si ay u maamusho una hanti-dhowrto yabooha dowladdii Federaalk ka meelgaarka ahayd ka heli jirtay adduunka. Price waterhouseCoopers Associates waxay maamulista misaaniyadda gudaha u xilsaartay machadka SIMAD.

Sanadkii 2009kii wuxuu Cabdisalaam Cumar la-taliye u ahaa wasiirkii maaliyadda, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu markii ugu horreysay la kulmay sanadkii 2001dii markaas oo uu Cabdisalaam la shaqaynayay hey’adda UNDP qeybta qaabbilsan shirkadaha xawilaadaha Soomaalida.

Posted on February 21, 2013, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: