Khilaafaadkii Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo soo cusboonaaday

imageMooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo abaabulkiisa si xowle ku socdo iyo Shariif Xasan oo qeyb ka ah

Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa abaabulkiisa si xoog leh uga socdaa Madaxtooyada, Hotelada qaar ee Muqdisho iyo guryo ay degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Abaabulkan ayaa waxaa uu xalay ka bilowday Hoyga Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad oo arrintan aad u wada, iyadoo in ka badan sodon xildhibaan ay wax ka saxiixeen.Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in abaabulkan ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana qorshayaal Xildhibaanada looga gedayo abaabulkan, balan-qaadyo loogu sameynayo ka socdaa Hotelada City Palace iyo Naasahablood 2.Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad ayaa arrintan door weyn ka ciyaaraya, isagoo doonaya in kulanka uga soo horeeyo ee mooshinka looga keenayo Ra’iisul Wasaaraha uu shir gudoominayo, maadaama dalka ay ka maqan yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Gudoomiye kuxigeenka labaad Jeylaani Nuur Iikar oo kala aaday Itoobiya iyo Kuwait.Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho oo maanta booqday Hoteladaas ayaa soo sheegaya in abaabulka si xoog leh u socdo, isla markaana Mudanayaasha si gaar gaar ah ay ula kulmayeen Gudiyo ololahan wada oo isugu jira Xildhibaano, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada.Sidoo kale waxaa uu abaabulkan ka socdaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo laga furay xafiis lagu diiwaan gelinayo Xildhibaanada halkaas ku sugan iyo xildhibaanada dibada ku maqan, iyadoo fariin SMS iyo Email loogu dirayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saacadihii u dambeeyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha uu galay xaalad mashquulo ah iyo kulamo is daba joog ah oo lagu kala jiidanayo Mudanayaasha baarlamaanka.Qorshaha koowaad ayaa ah in todobaadkan gudihiis lagu kala baxo baarlamaanka, iyadoo labada mas’uul ee is haya ay u muuqdaan kuwo si aad ah ugu dagaalamaya taageerada Baarlamaanka dhexdiisa.Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha labaad uu yahay in Baarlamaanka uu soo afjaro khilaafkan ka hor inta uusan dalka ku soo laaban Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir uga qeyb galaya dalka KuwaiGudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Khamiistii uga digay mudanayaasha baarlamaanka in aanay u ololeyn khilaafka iyo Madaxweynaha, isla markaana aanay warbaahinta ka hadlin, iyadoo ay muuqato in mudanayaasha aanay warkiisa dhag jalaq u siin.Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa doonaya inay ku kala baxaan Baarlamaanka, kadib markii ay adkaatay in khilaafkood lagu dhameeyo sulux.

Guuxa ugu weyn ee Muqdisho ka socda ayaa waxaa uu yahay loolanka loogu jiro kasbashada Xildhibaanada, iyadoo aanay ka marneyn balan-qaadyo xilal iyo mid lacageed cidii guushu dhinac raacdo oo ay u sameyneyso midba midka kale ee taageerada raadsanaya

imageMoment Media Group – Sawiro laga qaaday safaradii Raísulwasare Saacid ku tegay Garowe, Galkacyo, Dhuusamareeb , Caabudwaa , Marko, Kismayo , Beledweyn , Jowhar Iyo merlo kale ayaa dhamaantood si ask mida muujinaya isagoo bixinaya salaan lagu xasuusto manaxihii dunida soo maray ee Adlor Hitler.

Sawirkii ugu dambeeyay ee looga qaaday Jowhar ilaa kii ugu horeeyay ee Marko wuxuu Raísulwasaraha bixinayaa salaan gacan taag togan taas oo Xeeldheerayaashu Calaamatu Su”aal saareen? waxa uu kala jeedo.

Dadka qaar waxay leeyihiin wuxuu salaanta uga dayanayaan Hitler halka tira yarna qabaan inay ka tahay aqoondaro.

imageimage

Inkastoo Warbaahinta Moment Media Group ku deg degi karin sababta Ra”isulwasaraha u jeclaaday inuu salaan bixinta uga daydo Hitler hadana waxay salaan bixintiisu tahay mid laga xanaaqo dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Yahuuda oo si arxan daran u xasuuqay Hitler.

Adolf Hitler wuxuu ahaa Nin u dhashay Austria oo ka mida Siyaasiyiinta Jarmalka ,wuxuuna noqday Hogaamiyaha Xisbigii Nazi Part ee afka Jarmalkana loogu yeeri jiray Nationalsozialistische Deutsche Arbeiterpartei (NSDAP); halka micna ahaana uu Ingiriisku yahay National Socialist German Workers Party .

Dagaalkii labaad ee dunida ayuu ADLOR HITLER taariikh muruga badan ku reebay dalalka Yurub iyo Holocaust.

War deg deg ah: Ra’iisal Wasaare Saacid oo oggolaaday is-Casilaaddii, maxaase uu u oggaaladay

 – Muqdisho – Warar u dhuun daloola xafiiska ra’iisal wasaare Saacid ayaa sheegaya in uu kor iyo hoosba ka degayo shaqada ra’iisal wasaarenimada Somaliya, waxana la sheegayaa in lagu sagootiyey waxa ay Ingiriisku u yaqaannaan GOOD HAND SHAKE..oo micneheedu tahay in lacag xad dhaaf ah la siiyey amma loo ballan qaaday, lagana codsaday in aanu dawladnimada dhoob dhoobka ah  khalkhal gelin. Insa waxa uu codsaday in uu saxaafadda iyo siyaasiyiinta taageersanba uu tuso muuqaal taasi ka soo horjeedda.

Si kastaba arrini ha ahaatee, marka la eego taariikhda ra’iisal wasaarayaashii shanta ahaa ee ugu dambeeyey, waxa aan shaki ku jirin in Madaxweyne Hassan uu horta ra’iisal Wasaaran immiga ka guulaysan doono, beesha caalamka iyo siyaasiyiinta Somaliyeedna ka aqbali doonto in uu eryo amma laga hor dhaqaajiyo. Laakiin waxa la saadaaliyanaa in isna markiisa laga takhallusi doono haddii aanu dhageysan sida uu ra’iisal wasaaraha dambe doonayo in loola shaqeeyo.

Saacid ayaa la sheegayaa in uu oggolaaday iscasilaad, laakiin sida suuqa ku jirta, waxa la sheegayaa in niman maal qabeenna ah oo beesha Madaxweynaha ahi ay ula tegeen Saacid ballan qaad lacageed, sidaasina uu Saacid ku oggolaaday.

Siyaasiyiin kale oo badan ayaa aamminsan in aanu Saacid shaqadiisa ka adkayn,  isla markaana uu yahay nin aad u jilicsan, balse yahay nin deggen oo dulqaad badan, waddaniyaddiisuna ay tahay mid aad u heer sarraysa. Intii uu xafiiska joogayna lagu dul maamulayey, oo xataa wasiirrada qaar ay amar toos ah siinayeen

 

HESHIISKII ka soo baxay shirkii wakiilada Dawladda Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Kampala bishii Juun 9dii 2011 ayaa waxaa ka muuqanaysa qaab la moodo in dadka Soomaalida maamulka talada dalka lala qabanyo. Xilka maamul wixii hadda ka dambeeya ay qayb weyn ka ahaan doonan wadamada Soomaaliya ay xubnaha ka wada yihiin qaar ka mid ah ururrada sida Midowga Afrika , urur goboleedka IGAD , Qaramada Midoobay iyo weliba ururka urur dhaqaalaha Bariga Afrika. Mudada hawshaasu soconeyso kuma cada heshiiska Kampala.

Hawsha ugu weyn ee la wada qabanayo waxaa ugu muhiimsan sidii ay xukuumada, barlamaanka Soomaaliya iyo beesha caalamka ay isaga kaashan lahayeen in dhibaatooyinka dalka loo helo xal waara isla markaana aaney sidii hore oo kale u dhicin oo aheyd inay fuli waayaan wixii lagu heshiiyay taasoo sida badan salka ku heysay isqabqabsi muran badan dhaliya oo hakiyay habsami u socodka hawsha mugga leh ee shacabka Soomaalida loo qabanayay ayadoo ay inaba suuroobi weyday in qalqalka dhashay lagu xalliyo Cahdiga KMG.

Isqabqabsiga iyo muranka siyaasadda oo joojiyay horumarka dalka iyo dadkaba la gaarsiin lahaa wuxuu salka ku hayay karti darro iyo aqoon la’aan ku aadan daadihinta maamul wanaagsan ee dalka lagu hoggaamiyo iyo hunguri xumo lagu boobayo dhaqaalaha yabooha ku soo galay dalka dhibaateysan.

Sidaa darteed waxaa markaan yimid waqti loo baahan yahay sidii Soomaalida loola ogaan lahaa maamulka dalka oo aan iyaga keligood lagu halleyn karin laguna aamini karin si loo wada arko beesha caalamkana marag uga noqoto waxa sababa isqabqabsiga ragaadiyay madaxda Soomaalida iyo cida sida goonida ah uga dambeysa oo kolkan la filayo in talaabo laga qaado sida uu qorayo Heshiiska Kampala.

HESHIISKA noocan ah wuxuu soo baxay markii in ka badan 20 sano ay ummadda Soomaalida ka tashan weyday horumarinta danaha dalka iyo dadka iyadoo dalka uu lugaha la galay dagaal lagu hoobtay oo dad iyo duunyaba ku ba’een. Geesta kale waxaa jira Soomaali badan oo ka carartay dagaalada sokeeya oo dibedaha qax ku jooga iyadaoo kuwo kalena ay dalka gudihiisa ku barakaceen oo dibedda iyo dalka gudaha ku qabo dhibaatooyin aan xisaab laheyn.

Dadka iyo dalka waxaa soo maray xanuunka iyo basaaska nolosha kii ugu darnaa taasoo keentay rajo beel in dalka mar kale uu cagahiisa isku taago ayadoo kuwa sheegta hoggaaminta Soomaalida ay garan weyeen sidii dhibtaas dalka looga saari lahaa.

Waxa beesha caalamka u cadaatay baahida loo qabo in Soomaaliya laga saaro qatarta dalka iyo dadka halakeysay qatartaasoo ay suuragal tahay lagana cabsi qabo inay ku fido dunida inteeda kale gaar ahaan dalalka deriska, qaarada Afrika iyo dunida inteeda kale guud ahaan. Waxaaba dhacday in qatartaas ayba hadda gaartay meelo ka mid ah qaaradaha kala duwan min Afrika, Yurub ilaa Mareykan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya soo dhexgalay ayaa sheegay in khilaafkani uu yahay mid dastuuri ah, balse uusan ahayn mid siyaasadeed.

laakinse waxaa jira kooxo dawladda ku jira oo u heysata in iyaga laga soomiyay jagooyin ay hadda ka hor hunguri uga barteen.

Iyadoo Soo baxayaan Inuu Ra’iisal wasaraha Soomaaliya Oo Ka Caga Jiidey Kuna gacan Sayray Inuu iska Casilo Ra’isal wasaraha Soomaaliya Ayaa Waxa Cadeyey Warkaasi Dr Cali Khalif galayr Oo ka Mida Xubnaha Golaha Barlamaanka Soomaaliya Ee Arin Tani Sida Weyn Ula Socda.

Cali Khalif Ayaa Sheegay Inuu xalay U Soo bandhigay Madaxweynaha Soomaaliya Arin tani uuna Ku gacan sayray Saacid arin tani Inuu ku Dhaqaqo taasi oo khilaf Cusub Horseeday madaxweynaha Iyo Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya.

Shariif Xasan oo la saftay Xasan Shiikh Wasiirna loo ballan qaaday

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka soo noqday Wasiirkii Maaliyada Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa soo gaaray maalmo ka hor magaalada Muqdisho isagoo la kulmay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Warar hoose waxay sheegayaan in khilaafka udhaxeeya labada mas’uul uu dabka kusii shiday shariif Xasan kaasi oo madaxweynaha la saftay xil muhiim ahna loo magacaabo Xukuumada Cusub ee lasoo dhisayo.

Shariif Xasan oo ka mid aha murashaxiintii Xilka madaxtinimo isku soo taagay 10-September 2012 ayaa jilaafo udhigay xilligaasi saaxiibkiis ay siyaasada kala fogeysay Sh.Shariif Shiikh Axmed si weyna utaageeray Xasanka hadda madaxweynaha ah.

Waxa loo magacaabi doonaa sida aan xogta ku helayno Shariif Xasan Shiikh Adan Wasiirka Maaliyada Xukuumada Cusub islamarkaana uu hadda ka shaqeynayo sidii xilka looga tuuri lahaa Saacid Shirdoon.

Khilaafka sii xoogeysanaya ee madaxweyaha iyo Ra’iisalwasaaraha udhaxeeya ayaa aad looga deyrinayaa inuu sii baaho hadii aan lagu sameyn “Caano daatay dabadood la qabay”.

XOG:Xaaska Dr saacid Oo ku So Birtay Isjid Jidka Vila Somaliya

November 12, 2013 – Waxaa Tafaftiray warkani : admin –

Xaaska R/Wasaaraha Soomaaliya Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa wada abaabul xoogan ay ku dooneyso in ay ku bad baadiso Xukuumada R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid)

Xildhibaanad Caasha oo ah qof galaan gal badan ku leh Siyaasada Dalka ayaa wada abaabulo ay Xildhibaano tiro badan oo katirsan Dowlada uga dhaadhicineyso qaabkii loo bad baadin lahaa Xukuumada R/Wasaare Saacid kadib markii ay Madaxweynaha isku dhaceen.

Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa ah mid mashquul badan ay kusugan yihiin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Xubno siyaasiyiin ah, waxaana halkaasi kasocda abaabul ka dhan ah qorshaha Madaxweynaha ee ku aadan in R/Wasaaraha is casilo.

Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa kulan gaar ah isugu yeertay Haweenka ku jira Baarlamanaka Soomaaliya waxa ayna doonaysaa in ay ka dhaadhiciso qorsho ku aadan in aan la ridin Xukuumada loona guntado sidii loo bad baadin lahaa.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa naftiisa ah mid soo jeed kujira Saacadihii ugu dambeeyay waxa uuna wada tashiyo la sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada , Xildhibaano iyo Xubno siyaasiyiin ay isku dhaw yihiin kuwaa uu kala tashanayay sida laga yeelayo dalabka Madaxweynaha ee ku aadan in uu iscasilo iyo sida ay Xukuumadiisa kusii jiri karto.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah mid si weyn looga dareemayo guuxa ku aadan Khilaafka xargaha goostay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha , Xubnaha Golaha Wasiirada ayaana noqday kuwa labo dhinac u qeyb samay oo labada xafiis kala camiray.

Khilaafaadkii Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo soo cusboonaaday (Warbixin)

Moment Media Ethics – 10 Nov 2013: Waxaa markale soo cusboonaaday khilaafaadkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Khilaafaadkoodaan, ayaa ka dambeeyay markii Masuuliyiintaan ay habeenkii Sabtida kulan ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, kaasoo ay labaduba ku kala irdhoobeen.

Raa’isal Wasaaraha, ayaa Madaxweynaha u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin magacyada, xubnaha uu qorsheynaayo in ay kamid noqdaan Golihiisa Wasiirada cusub.

Madaxweynaha, ayaa Raa’isal Wasaaraha u sheegay inaanu ka sugeyn in uu u soo gudbiyo liis, ay ku qoran yihiin xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada. Laakiin uu ka sugaayay in uu u soo gudbiyo warqadiisa istiqaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale Raa’isal Wasaare Shirdoon ku eedeeyay, in uu waqti badan ka luminaayo Dowladda. Sidaasi daraadeedna uu soo dedejiyo is casilaadiisa.

Madaxdu, waxay isku qabteen arrinta ku aadan in uu Raa’isal Wasaaruhu soo dedejiyo is casilaadiisa. Taasoo sababtay baala yiri in ay fadhiga ku kala kacaan.

Warar madax banaan, ayaa sheegaaya in Madaxweynuhu uu ku hawlan yahay, sidii uu meesha uga saari lahaa Raa’isal Wasaare Saacid. Inkastoo hadana shaki laga muujinaayo suurta galnimada, sidii uu meesha uga saari lahaa Saacid.

Guriga Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame, waxaa Axadii ka bilowday olole lagu doonaayo, in meesha looga saaro Raa’isal Wasaare Saacid. Isla-markaana Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood, ayaa halkaasi isula jeex jeexaaya, sidii ay mooshin uga keeni lahaayeen Raa’isal Wasaaraha.

Ololaha ka soconaaya hoyga Marwo Ubax Tahliil, ayaa ahaa mid horeyba u soo jiitamaayay, inkastoo uu xoogeystay wixii ka dambeeyay habeenkii Sabtida, oo uu soo ifbaxay khilaafaadka hogaanka dalka.

Madaxweynaha, oo aanu horey u taageersaneyn olalaha ay wadaan garabka Xildhibaanad Ubax Tahliil, ayaa la carabaabay in uu iminka u muuqdo in uu taageersan yahay. Sababo la xiriira Raa’isal Wasaaraha oo ka biyo diidan, in uu shaqada isaga taggo.

Arrinta shakiga gelineysa in meesha laga saaro Raa’isal Wasaaraha, ayaa waxay tahay, in iyadoo in ka badan 100 Xildhibaano, ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin.

Ilo muhiim ah, ayaa Shabakada Warbaahinta ee MOMENT MEDIA ETHICS u sheegay, in ilaa 161 Xildhibaano oo qura, ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, halka inta kalana ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin. Xilli tirada guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay tahay 275 Xildhibaano.

Sida uu Sharcigu qabo waxaa Raa’isal Wasaaraha mooshinka ka keeni kara 139 Xildhibaano. Haddii wadarta Xildhibaanada ee dalka ku sugan ay tahay 161 Xildhibaano. Laakiin Raa’isal Wasaaraha ayaa u baahan, in uu helo kalsoonida 22 Xildhibaano oo kaliya.

Si kastaba ha-ahaatee dadka rog-rogga Siyaasada dalka, ayaa waxay qabaan in ay adag tahay, in xilligaan la jooggo mooshin lagu rido Xukuumada Saacid. Waxayna taasi ku saleeyeen Xildhibaano fara badan, oo aanu ku qanacsaneyn Siyaasada Madaxweynaha.

Intaan qoraalkeyga u guda gelin waxaa rabaa oo istaahil ah inaan halkan ku xuso shuruudaha dawladnimada aasaaska u ah laakinse Soomaaliya xitaa mid laga waayay.

image

Hawsha aasaasiga ah ee dawladnimada waxaa ka mid ah awooda iyo kartida dawladda waxaana, sidan badan, lagu miisaama

(a) in dawladdu ay dalka iyo dadkaba u keento nabadgelyo buuxda

(b) inay jiraan hay’ado karti leh oo hore u dhaqaajin kara maamul dawladda

(c) in Dawladdu ay dadkeeda gaarsiiso baraare iyo horumar

(d) inta sano ay dawladdu jirto

(e) taariikhda dhaw ee xasiloonida dalka ku soo naalooday

(f) nabadgelyada ay heystaan dadweynaha

(g) heerka musuqmaasaqa

(h) mugga dhaqaalaha aan la diiwaan gelin oo ah waxaa loo yaqaan (grey economy)

(i) qawaaniinta oo la isku xakumo (the rule of law)

(j) tayada hawl xafiiskeeda (the quality of its bureaucracy)

(k) inay dawladu gacanta ku wada heyso dalka oo dhan

(l) heerka nufuudka shisheeyuhu ku leeyahay dalka iyo

(m) Heerka kala qaybsanaanta qabaa’ilka (The degree of ethnic fragmentation),

(n) Iskaashiga bulshada (Social cohesion)

(o) aaminka lagu qabi karo hay’adaha dawladda.

Daraaso uu dhowaan sammeeyay wargeys ka mid ah kuwa ugu caansan ee caalamka wuxuu kala saaray heerarka xagga awoodaha maamulka ay kala joogaan wadamada ku yaal dunida inkastoo ay jireen dhibaatooyin dhaqaalaha ee saameynta nusqaanka u keenay badi wadamada dunida ka yaal.

Wadamo ay tiradoodu gaarayso ilaa 163 dal oo wargeysku soo tira koobay awooda ay u leeyihiin inay si habsami ah u maamuli karaan dalalkooda waxaa lagu ogaaday in 34 dal oo keli ah inay u leeyihiin awood aad u sarreysa ee xagga maamulka iyo mareynta dalalkooda. Dawladaha lagu tilmaamay inay yihiin meel dhexe waxaa lagu tilmaamay ilaa 38 dal. Wadamada kale badankood waxay lagu tilmaamay 33 dal inay liitaan halka 48 kale ayba ka sii liitaan.

Dalkeena Soomaliya lagumaba soo qaadin qiimeynta daraasada waxaana qariidada Soomaaliya ka muuqata calaamo cad oo macnaheedu yahay ma tirsana sababtoo ah maba laha tilmaamaha dawlad lagu noqon karo sidaan kor ku soo sheegay oo Soomaaliya kama jirin xitaa midkooda ilaa iyo markii la riday maamulkii Askarta 1991 waxaase ka jiray wax tilmamahaas caksigooda ah oo hoog iyo halaag dadka u horseeday.

Dhaqanka noocan ah wuxuu dalka u nugleyay in ay shisheeyaha caadawaha Soomaliya ay soo farageliyaan oo ay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin dalka iyo dadkaba gaarsiiyeen waxaana taa sabab u ahaa ayadoo dalka uusan ka jirin hoggaan mideysan, biseyl la’aan iyo aqoon darro sidii horumar loo gaarsiin lahaa dalka oo dhanka kalena loola tacaamuli lahaa danaha is hertiyaya ee ka dhexeeya shisheeyaha marka laga fiiriyo xaaladda Soomaliya. Waxaa kaloo taa dheer beesha caalamka oo aqoon la’aan darteed weysay cid gudaha dalka si cilmi ah ugu hagta sidii xal wacan lagu gaari lahaa.

Ilaa hadda ma jiro hab (policy) cad oo ku saabsan sidii xukuumadaha soo maray Soomaaliya – shalay ama maanta – ay ula tacaamuli lahayeen dalalka deriska oo cuqad muddo dheer soo jiray ay Soomaaliya kala dhexeeyso waana tan xudunta u ah sidii Soomaaliya ay mar kale dawlad hanaqaada uga aloosmi lahayd. Waxaa hadda jira iskaashi ay wadamada deriska la ah Soomaaliya ay iska kaashanayaan iska caabinta iyo la dagaalanka waxa lagu tilmaamo argagixisda kaasoo laga yaabo inuusan lahayn qaab sharciyeysan oo lagu kalsoon karo.

Jahawareerka iyo qalqalka siyaasadda waxaa keenay shacabka Soomaalida oo ilaa hadda aan muujin karti iyo awood ay uga dhiidhinayaan dhibta dadka iyo dalka ku habsatay mudada dheer wuxuuna shacabku si indho la’aan qabiyaalad ku oggolaaday inay iyagu u taliyaan siyaasiyiin-ku-sheeg aan qaan gaar ah aheyn.

Markii in ka badan 20 sano dhiiga micno la’aan ku daatay dalka. Markii aanba dib loo eegin cahdiga KMG si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed dalku ku soo jiray. Markii la dhagaysan waayay dadka aqoonta iyo caqliga toosan leh. Markii qarannimada iyo madaxbannida ay qatar gashay. Markii tarjamo xun la bixiyay ku dhaqanka diinta Islaamka. Markii waayeelka iyo culimada diinta yaqaan la maqli waayay. Markii la gees maray Kitaabka Kariimka iyo Sunnada Nabi Maxamed (SWCW). Markii ay Soomaalidu ka faa’ideysan waysay juhdigii maadiga iyo macnawiba lahaa ee beesha caalamku ku bixisay dalka. Markii gacal iyo nacab uu adduunku la yaabay Soomaaliya oo la waayay cid garato waxaan Soomaalidu isku heyso . Markii………Markii….. Markii… ayaa waxaa laga fursan waayay in Heshiiska Kampala la gaaro.

Heshiiska Kampala wuxuu soo baxay marka la ogaaday in mashaqada Soomaaliya taala aaney Soomaalidu kaligood xalli karin oo weliba ay muuqatay in waajibaadka waqtiga kala guurka ”Transitional Tasks” aaney xitaa Soomaalidu kaligood fulin karin balse loo baahan yahay in beesha caalamka ay arrinta Soomaaliya faraha la soo gasho si dalka iyo dadkaba dhibta looga saaro loona abaabulo hindise waqtiyo taariikheysan oo tilmaaman leh oo hawshaas lagu qabto laguna kormeero si aan dib looga dib dhicin waqtiga loo asteeyay sidii maamulka dalka looga saari xaaladdda KMG taasoo laga yaabo inay ka duwanto tii hore madaxda Soomaalida looga bartay oo ay aheyd inay heshiis gaaraan haddana meel marintiisa ay gees maraan.

Mowqifka beesha caalamka ee ku aadan Soomaaliya waxaa dhowaan daboolka ka qaaday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dawladda Mareykan Mrs Hillary Clinton markii dhowaan ay ka qayb gashay shirka Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa ayadoo halkaa ka caddeysay Mareykanka oo raba inuu xiriir wax wada qabsi iyo iskaashig la yeesho Qaaradan Afrika.

Waxay sheegtay in waanwaan, wadahadallo iyo dib-u-heshisiini dhex marto siyaasiyiinta Soomaalida madaama aan dagaal waxba lagu keeni karin. Mrs. Clinton waxay talo ku soo jeedisay in hawshaas xallinta khilaafka Soomaaliya uu hormuud ka noqdo Midowga Afrika.

Waxaa jira dad badan oo Soomaali ah inay heshiiskaas u tarjamaan in Soomaalida laga qaaday qaranimada iyo madaxbannaanida ayadoo magaalada Muqdisho iyo meelo kale ee dibedaha ah la dhigay mudaharaadyo lagu diidan yahay Heshiiska Kampala.

Ma ahin tallaabo uu qof kastoo Soomaali ah oo waxgarad ah uu liqi karo inkastoo Soomaalida aan la qaadin qaranimada iyo madaxbannanida laakinse ilaa heer Soomaalida lala wadaagay maamulka dalka waqtiga kala guurka ayadoo kormeerka iyo dabagal ay dusha ka wadayaan wadamada IGAD, Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika, iyo Midowga Afrika. Go’aankan waxaa wax ka saxiixay Madaxweynaha ciidankiisu joogaan Soomaaliya oo ay maalin walba isla dhimayanaan kuwa Soomaalida dagaalka kula jira mucaaradka hubeysan ee Al-Shabaab. Musaveni wuxuu heshiiska ku saxiixay marag ahaan.

Meel marinta Heshiiska Kampala waxaa suuragal ah inay ka horyimaadaan caqabado mustaqbalka ee xaaladda cusub la socota sidaa darteedna loo baahan yahay in la sii diyaariyo cidii la tacaamuli karta beesha caalamka isla markaana ay dadka Soomaaliyeedna la yimaadaan biseyl siyaasadeed iyo ilbaxnmo dheeri la iskana ilaaliyo is qabqabsi dambe ee macno la’aan.

Heshiiska wuxuu ka kooban yahay ilaa 10 qodob ayadoo qodobka 4aad uu u kala qaybsan yahay qodob-hoosyaado u dhexeeya min A ilaa R.

Marka laga tago hordhaca haddii aan si gooni ah u soo soco qodobada hadalka laga keeni karo waxaa ka mid ah:

Qodobka © oo sheegaya in Ra’isal Wasaraha iska casilo jagada muddo 30 beri gudahood isla markaana uu Madaxweynuhu soo magacaabo Ra’isal Wasaare cusub

Qodobka (J) wuxuu codsanaya in barlamaanku uu ka shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa jawi iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn inuu dhex maro dawladda iyo barlamaanka isla markaana la iska ilaaliyo is-eedeyn la isu adeegsado warbaahinta, tahdiid lagu maxkamdeynyo madaxweynaha, afhayeenka Barlamaanka iyo ku-xigeenadiisa iyo in la kala diro Barlamaanka.

Qodobka (K) wuxuu codsanaya in xukuumada aan laga keeni karin mooshin oo aan ka aheyn mid qiil leh oo caddeymo iyo markhaati cad leh taasoo ah mid lagu xadgudbayo TFC.

Qodobka (M). Barlamaankan iyo xukuumada labada waa inay si wadajir ah ula shaqeeyaan beesha caalamka si loo dhiso qariidada jiheysan (roadmap) oo wadata bartilmaameedyo, waqti iyo qaabka u hoggaansanaanta hirgelinta waajibkaadka mudnaanta leh. (Tafaasiil ku saabsan qaababkaas waxaa laga heshiin doona wixii ku siman 20 August 2011).

Qodobka (N). Madaxda xukuumadaha Gobolka (IGAD iyo Ururka dhaqalaha Bariga Afrika) waxay noqon doonaan Xafiiska Siyaasadda waxana xafiiska qayb ka ahaan doona Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (UNOPS) iyo Midowga Afrika taasoo la mid ah Heshiiskii Nabadda ee gobolka Burundi . Xafiiska wuxuu kormeeri doona isla markaana uu ilaaleyn doona (monitoring) sida ay Hay’adaha KMG ee Federalku ugu hoggaansameen tusmooyinka la calaamadsaday iyo waqtiyada la rabo in lagu fuliyo waajibaadka waqtiga kala guurka isla markaana hore loo dhigo geedi socodka nabadda.

(Fadlan riix linkiga hoose)

Waxaa ku qoran war murtiyeedka shirka 23aad ee Madaxweynayaasha wadamada harooyinka waayen ee gobolku ka saaray nabadeynta Burundi. Communiqué of the 23rd summit of the Great Lakes regional peace initiative in Burundi).

http://www.dfa.gov.za/docs/2004/buru1020.htm

Qodobka (O) Jaallayaasha caalamka (International Partners) iyo xafiisyo goboleedyadu waxay xaq u leeyihiin inay soo jeedin karaan tallaabooyin ku haboon ee xukun ah si loo xaqiijiyo in loo hoggaansamay bartilmaamedyada iyo waqtiyada la calaameystay ee Hay’adaha Federaalka ee KMG taasoo ay ka mid noqon doonto talaabo sharci ah ee habboon in laga qaado kuwa ku xadgudbka go’aanka.

Isagoo dhan Heshiiska Kampala oo Afka Ingiriiska ku qoran waa sidan hoos ku qoran. Fadlan riix bartan:

http://somalitalkradio.com/2011/jun/kampala_accord.pdf

Ra’isal Wasaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Formaajo” waxaa lagu amaani karaa isaga iyo xukuumadiisaba hawsha baxaada leh ee la taaban karo eeay dalka ka soo qabteen mudada koobneyd taasoo oo ay ugu horreysay sugidda amniga, ilaalinta hantidada qaranka, la dagaallanka musuqa iyo guusha ilaa hadda laga soo hoyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Ayadoo ay sidaas xaqiiqdu tahay ayaa haddana waxaa looga baahan yahay Ra’isal Wasaraha inuu dhowr jeer ka fiirsado go’aanka uu ka qaadan lahaa Heshiiska Kampala inkastoo ay jiraan dadweynaha fara badan ee u muujiyay taageero xad dhaaf ah oo raali uga yihiin wax qabadkiisa ugana soo horjeedaan heshiiska Kampala.

Doorka Ra’isal Wasaarenimo ka sokow, Maxamed Cabdullahi Maxamed ”Formaajo” waxaa u banaan doorar kale oo muhimad qaran leh oo midda ugu soo horreysa ay tahay riqaabada lagu sammeynayo sida uu ku hirgalayo Heshiiska Kampala iyo haddii jiri karaan shisheeye doonaya inay heshiiska gacan bidxeeyaan iyagoo ka eegayo danahooda gaarka ah oo ay suuragal tahay inay fursadan uga faa’ideysaan.

Bacdamaa dalku ku yar yihiin diblomasiyiin hinjin karta xiriirka duwaliga – laba geesood iyo ka badan, Ra’isal Wasare waa laguu hanweyn yahay waxaana lagaaga baahan yahay in aad xalka Soomaaliya meel kaste uu ku jiro aad ka raadiso.

Weli waxaa jira fursado badan oo dalka lagu badbaadin karo. Eebe ayaa wax badbaadiya. Haddiise markan ay Soomaalidu la imaan weydo caqliyad wax qabad ku saleysan waxaa dhici doonta go’aano kale oo midka ka sii liita in Soomaaliya beesha caalamka ka gaarto taasoo aanan dan u aheyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed balse sii horseedi doonta dhibaato intii hore ka sii murugsan kana baaxa weyn.

Waxaa dalkeena ka jira sifooyin badan oo Soomaaliya loogu marmarsiyoon karo oo sabab cad looga dhigi karo in go’aan kan culus laga gaaro ayadoo tan ugu horreysa ay noqon karto qaran jabka ”failed State” gaaray Soomaaliya muddo dheer, kasoo kabasho la’aanta, burcad badeedka caalamku ka qayliyay, argagixisada iyo arrimo badan oo intaan sheegay ku hoos jiri kara. Cadaawaha Soomaaliya marmarsiinyo uma weynayo lagu waxyeelleeyo dalka iyo dadka.

Digniin hore ee arrintan ku saabsan waxaan ugu qoray horrantii sannadkan WARAAQ FURAN oo mustaqbalka Soomaaliya ku saabsanayd oo aan ummadda Soomaalida uga digayay inay heshiiyaan iskana ilaaliyaan shirqoolka cadaawuhu u maleegayo haddii kale uu dalku gacanteena ka baxayo.

Saraakiil ka socota Beesha Caalamka oo dhex dhexaadin doonto Xasan Sheekh iyo Cabdi Faarax Shirdoon

November 15, 2013 – Saraakiil ka socda Beesha Caalamka, ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhex dhexaadin ka dhex bilaabaan Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Wixii ka dambeeyay Axadii, ayaa waxaa soo xoogeystay khilaafaadka xargaha goystay, ee ka dhashay markii Madaxweynaha uu Raa’isal Wasaaruhu weydiistay, in uu xilka iska casilo.

Saraakiishaan, ayaa waxaa lagu wadaa in Jimcaha maanta ah, ay booqasho ku yimaadaan Magaalada Muqdisho, waxayna si gaar gaar ah ay u wajihi doonaan Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaaraha.

Madaxda Dowladda, waxay kala hadli doonaan khilaafka ka dhex oogan xilligaan, xilli uu Caalamku Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga fadhiyo, in sanadka 2016-ka ay dalka ka hirgeliso Doorasho afti dadweyne ah.

Wadamada xiriirka dhow la leh Soomaaliya, oo Madaxdoodu ay ka hadli jirtay marka ay is qabtaan Madaxdii Dowladihii hore, ayaa waxaad mooddaa in uu isbedel taasi ku yimid. Wixii ka dambeeyay tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday xilligii adkaa ee KMG. Soona dhameystirtay Marxaladii Habraaca ee Kala Guurka.

Wararka laga helaayo Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxay sheegayaan Xasan iyo Saacid, ay weli ka wadaan olole ka dhan ah midba midka kale.

Xasan Sheekh, ayaa ku hawlan sidii uu meesha uga saari lahaa Saacid, halka Saacidna uu xoogga saaraayo, sidii uu Xafiiskiisa uu uga sii hawlgali lahaa.

UJEEDO: WAR SAXAAFADEED ee XISBIGA XURIYADDA

XISBIGA XURIYADDA marki uu qiimeeyay xaaladaha amniga iyo siyaasada ee uu dalku ku jiro xilligan wuxuu soo saaray war saxaafadeed ka kooban 6 qodob:

1. XISBIGA XURIYADDA wuxu aad uga xunyahay khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, xilli uu dalku ku jiro xaalado amni xumi, dhaqaale xumi iyo colaado saameeyay kumanaan Soomaali ah oo ku kala nool gobolada dalka. Wa nasiib daro mar kale ku dhacday shacabka Soomaliyeed oo sugayay isbedel iyo horumar dhinaca nolosha ah. Sidoo kale khilaafka madaxda sare ee dowladu wuxu niyad jab ku yahay beesha caalamka oo u heelaneyd wax u qabashada Soomaaliya, kana rajo qabtay in Soomaaliya ka gudubtay siyaasadaha ku dhisan kooxeysiga iyo qabiilka.

2. Madaxweynaha Soomaaliya waa mas’uulka ugu sareeya dalka waxana ka sugeynay inuu la yimaado isbedelki uu horey ugu baaqay, waana ayaan daro inuu dalka dib ugu celiyo khilaafki iyo isqab-qabsigii ey ku bur-bureen dowladihii KMG ahaa, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha inuu iska daayo siyaasada ku dhisan kooxeysiga, waana inuu ilaaliyo sharciga iyo mas’uuliyada ka saran dalka iyo dadka, uuna la yimaado xal siyaasi ah oo soo celi kara kalsoonida shacabka.

3. XISBIGA XURIYADDA Wuxu ku baaqeynaa in deg deg loo aasaaso maxkamad dastuuri ah iyadoo la raacayo habka uu tilmaamayo Cutubka 9aad, (Qodobka 109B) ee dastuurka federaalka KMG ah, maxkamadaas oo leh awooda dastuuriga ah ee go’aan ka gaarista khilaafyada ka dhex jira waaxaha dowlada federaalka ee la xirrira awoodaha iyo waajibaadka ey kala leeyihiin sida ku cad Cutubka 9aad (Qodobka 109C) (farqadiisa E). Hadaba, si looga fogaado khilaafyada soo noq-noqonaya loona helo xal aan ku dhisneyn is xulafeysi qabiil, mid kooxeed iyo xeer beegti, Isbaheysiga Nabadu wuxuu usoo jeedinayaa hey’adaha leh mas’uuliyada sameynta maxkamada dastuuriga ah iney xil iska saaraan si deg deg ah.

4. XISBIGA XURIYADDA wuxuu ugu baaqayaa Xubnaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya iney muujiyaan wadaniyad eyna u hiiliyaan sharciga maadaama ey wakiil u yihiim shacabka, waana iney ogaadaan xil ka qaadis aan sharci ku dhisneyn iney saamey doonto xildhibaanada qudhooda oo iyagana sharci daro xilalka looga qaadi doono, dadka Soomaaliyeedna wuxuu eegayaa sida ey xildhibaandu u wajahaan xalinta khilaafka xilligan ka dhex jira madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha dowlada federaalka.

5. XISBIGA XURIYADDA wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa baarlamanka federaalka ah inuu deg deg u furo nidaamka axzaabta kaas oo ah hanaanka kaliya ee lagu heli karo dheeli tirka dowladnimo loogana gudbi karo qabiilka, muwaadiniinta soomaaliyeedna ey ku heli karaan awood ey six or ah ugu dooran karaan cida ey rabaan.

6. Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka, ganacsatada iyo dhamaan qeybaha bulshada iney isu naxariistaan si ilaahey ugu naxariisto, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa beelaha ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolada dalka gaar ahaan G/Shabeelada dhexe iney joojiyaan dagaalada.

XISBIGA XURIYADDA

Moment Research Consultancy

Posted on November 13, 2013, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: