Aynu Aasno Qabyaalada

Aynu Aasno Qabyaalada FAHANKA QABYAALADA IYO QURUNKEED

Aynu Aasno Qabyaalada
FAHANKA QABYAALADA IYO QURUNKEED

Antitribalism – In badan oo ka tirsan shacabka Afsoomaaliga ku hadla ayaa waxaad moodaa in aanay fahansanaeyn macnaha weyn ee ay leeyihiin erayada Qaran-Qabiil iyo Qabyaalad.Waxaa jira dad badan oo sheegta in ay leeyihiin aqoon iyo waayo aragnimo ku filan,balse ay iskaga qaldamaan macnaha erayada aan cinwaanka uga dhigay qoraalkan.Isku day in aad faahanto sida ay u kala fog yihiin,u kala macno duwan yihiin erayadaasi,iskana ilaali in ay iskaga kaa qaldamaan. Qaybtii hore waxaan kaga soo hadlay macnaha Qabiilka,maantana waxaan jecelahay in aan ku fahan siiyo macnaha erayga Qabyaalad.

Afsoomali ahaan erayga Qabyaalada wuxuu ka kooban yahay laba eray oo kala ah QAB iyo YAALAD,fasiraada ugu dhow ee loo hayo eraygaas ayaa ah “QAB” oo ah isla weynaan “YAALAD” oo ka yimid YEEL ,marka laysku darana wuxuu noqonayaa (QAB ISU YEEL) oo loola yeedo “ISLA WEYNAAN”.

“Qabyaaladu waxay ka bilaabataa “FICILTANKA” ka dhexeeya labada BAHOOD ee walaalaha ah, walaalaha isku aabaha ah laakiin kala hooyada ah ama labada walaalo ee kala AABAHA ah,laakiinse isku hooyada ah”.

“Qabyaaladu waa dareen xoog badan oo aad daacad ugu noqonaysoQabiilka aad ka soo jeedo,waa is urursi Qabiil ku salaysan dhaqan iska xigsasho bulshada kale”.

“Culimada aqoonta dheer u leh arimaha bulshada,waxay Qabyaalada ku qeexaan inay tahay “CUNSURIYAD” quudhsdi ,kala qoqobid,u kala eexasho bulsho meel wada degan dhinaca midabka,dhaqaalaha,sharciga ,dhalashada”

“Qabyaaladu marna waa hab ay isku raacaan ummaddo ku kala duwan dhaqanka- deegaanka -midabka iyo diintaba,qaybtan waxaa tusaale fiican u ah dadka midabkoodu madowyahay waxay iska xigsadaan dadka midabkoodu cad yahay,dadka muslimka ahina waxay iska xigsadaan kan aan muslimka ahayn,habkani waa halka ugu sareysa ee ay ficiltan ahaan Qabyaaladu gaadho,waxaana filayaa meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa maanta Qabyaalada noocan ahi ka jirtaa. “Qabyaaladu marna waa hab lagu abaabulo kooxo,qoysas amase beelo isku asal ah si loo sameeyo deegaan Qabiil ahaan loo leeyahay balse aanay cid kale oo ka asal duwani la lahayn”.

“Qabyaaladu marna waa faan been ah kuna salaysan reerkayagaa ka fara badan reerkiina amase anigaa adiga ka laandheeraysan”

“Qabyaaladu marna waa hab colaada lagu huriyo,iyadoo loo adeegsanayo erayada ay ka mid yihiin TOLAAYEEY”

“Qabyaaladu marna waa hab loo adeegsado Siyaasada dunida soo koraysa si loogu raadiyo xulafaysi Siyaasadeed,taas oo la doonayo in lagu gaadho dano gaar ah ,sida madaxtinimo iwm”

“Qabyaaladu marna waa xanuun “Jeermis” lafaha iyo dhuuxa ka gala shaqsiyaad ka mid ah bulsho meel ku wada nool,daweynteedu aad iyo aad u adag tahay ,waqti dheerna qaadato”

“Isku soo wada duuboo Qabyaaladu waa hab ku salaysan kala sareyn –quudhsi-cunsuriyad-yasid –eexasho-dagaal iyo isxaqiraad ku dhisan sida Qabiilooyinku u kala tiro tag iyo tamar badan yihiin”.

Hadal iyo dhamaan waxaan intaa ku soo koobayaa “Qeexitaanada kala duwan ee Qabyaaladu leedahay kuwaas oo aynu ka soo bilownay ficiltanka ka bilowday laba walaalo ah, kuna dhamaaday ummaddo aan wadaagin dhaqan –deegaan iyo diin midkoodna ,qaybta dambena waxaynu kaga hadli doonaa macnaha erayga “Qaranka”.

Posted on July 7, 2015, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: