AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

Haa- Boqolkiiba in badan oo magacaa wadaagta ayaa runtii qeyb libaax ka qaata mushkiladdan degi weyday ee aan weheshanno. Marka hore aqoonyahan waa kuma?. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha mujtamaca. Waxa uu noqon karaa takhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu mariyo.

Aqoonyahanku waxa uu aqoontiisa ku gaaraa siyaabo kala duwan, midbaa canshuurta dowladda wax ku barta oo waxabarashadiisa dhameysta iyadoon wax hanti ah aayan qoyskiisa ama laftiisaba ka gelin. Mid kale, oo runtii mujtamaceenna nadir ku ah waa midka ay hey’ado gacan ka siiyaan ama qoykiisuba uu daboolo qaraamaha waxbarashadiisa.
Aqoonyahanka Somaaliyeed ee maanta jooga qiyaastii boqolkiiba 80-90% waxay wax ku barteen cashuur ay dowladahii beri-samaadku matalan ka qaadeen hooyada tamaandhada ama haruurka ku iibisa suuqa, taasoo micneyneysa in dalku maalgashaday qofkaas oo looga baahan yahay inuusan waxtar maahee, waxyeello dalka iyo dadka ula imaan. Dad badan ayaa qaba in aqoonyahanku yahay qof dhameystiran oo howl kasta ee soo wajahda u babac dhigi kara, laakin saas arrinku maahee, waxa muhiima in Alla aqoontaa kuu raaciyo mid maskaxeed ee kaabta aqoontan maaddiga ah ee qofku kasbaday, si qofkan ay ugu suurow inuu xallilo mushkilad sida ta Somaalida oo kale ah u murugsan.

Su’aasha qormadan aan ku bilaabay haddaan hore u galo, aqoonyahanka Somaaliyeed ee la rabay inuu ahaado bar-bilowga xallinta mushkiladdan na sal dhigatay ee nus qarniga sii dhaafeysa, mar haddaan ku tebeyno cilmi iyo caqli labadaba ayaan illaa hadda la imaan wadiiqo looga baxo jahwareerkan siyaasadeed ee na hareeyey, bal inuu xal keeno daayo, isagabaa qeyb ka ah bey dadka intooda badani qabaan.

Waxan anigu ka mid ahay kooxda qabta in daaqadda dhibtu ay naga soo gashayba tahay aqoonyahan caasiyey oo ka abaalgaday hooyadii laga qaaday shilinka uu wax ku bartay. In taasi jirtana waxa daliil kuu noqon kara matalan marka aad la kulanto ruux shisheye, badanaanba kuwa arrimaha Somaalida daneeya, oo aad isi salaantaan, su’aasha ugu horreysa ee uu ku weydiiyaa waxay tahay waayoo qoladaadu?, marka haddiiba aad mid xun noqoto oo aad qoladaada u sheegto, waxa uu ku leeyahay adigu laan-gaab ayaad tahay, wax awoodana halka aad degto kuma aad lihid, haddaad laan dheer noqotana, waa ka kuu kala qaada jifo jifo, kuguna eedeeya inaad leeyso kuwa laan qaabta ee hore uu ugu tilmaamay inayan wax ku ool aheyn.

Waxad is weydiisaa oo balaayadan yaa waxan oo war ah siiyey!!. Haddii Alle ku waafajiyo inaad weydiiso halka uu ka helay macluumaadkan, asoon kaba fekerin ayuu kuula soo boodaa oo miyaadan gareyn Profisoor hebel iyo Datoor hebel, aqoonyahannada Somaaliyeed ee naga saacida mashruuc hebel iyo hebel.

Aqoonyahankeennu waa kii hagayey dagaal-oogayaashii dhibta ay geeysteen la ogyahay, waa madaxda hey’adaha samofalka ah ee waxoogaaga loogu soo dhiibo shacabka la’anaya daaraha uga jeexday magalooyinka magaalooyinka Nyroobi, Daar’asalaam, Dubai iyo meelo kale ee badan. Waa kuwa gacanta ku siiya shisheeyaha in jeebka lagu shubta xoolaha lagu soo uruuriyo magaca ummaddan dhibka aan ka bixin. Waa kuwa magaca wasiirrada wata ee macdanta, kalluunka iyo shidaalka iibiya. Waa kuwa mar walba madaxda ugu sarreysa noqda, haddana buuxsiga jeebkooda uun u soo jeeda, halkii ay ka falkin lahaayeen mushkiladda iyo xal u helliddeeda. Waa kuwa aqbala shiraraka waqti lumiska ah ee aan loo sii sheegin ajandahooda, kana soo noqda natiijo la’aan. Waa kuwa aan su’aal ka keenin waxyeello loo maleego dadkooda , bal midida lagu qalo iyagu noqda.

Waa kuwa riyo ku noolka ah ee waqtiyadan dambe ku waashay madaxweynaan ka ahay meel heblaayo aanuuba tege Karin, kulana wareegaaleysta kuwa ku naaxay mushkiladdeenna ee shisheeyaha ah. Waa kuwa raalli ku noqda ihaanada iyo magac xumada qoorta loo suro habeen iyo maalin iyagoo sheegta inay yihiin madax dal. Waa kuwa loo yeeriyo sidii ay isku xukumi lahaayeen aqbalana biiri-qaatayaala aan marna digigixan .

Dadka lamid noqo

Dadka lamid noqo

Posted on July 10, 2015, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: