XAL-JACBURKA XULITAANKA BAARLAMAANKA 2016 IYO HABKA DOORASHOOYINKA

imageSpiritInnovation– Su’aasha ugu hadal-haynta badan ee bulshada Soomaalidu ay is-weydiineyso waayadan waa sidee ugu habboon ee baarlamaan lagu soo xuli karaa 2016 maaddaama aysan suurtagal ahayn in muwaadinka Soomaaliyeed codeeyo? Waxaa su’aashan mar walba ku xiriirta su’aal kale oo leh habkee lagu saleeyaa doorashooyinka iyo metalaadda bulshada (Electoral System)? Doodda ku saabsan su’aalahan waxaa marka horeba ka soo muuqanaya fashilka ku dhacay dawladda Soomaaliya waayo iyada ayaa u xil-saarnayd inay hoggaamiso arrimahan. Dastuurka qabyada ah ee Qaramada Midoobay ay Soomaalida u samaysay waxaa si cad ugu qoran in xeerar arrimahan ku aaddan ay dawladdu soo saarayso. Nasiib darro taasi ma dhicin. Qormadan gaaban waxaan uga jawaabayaa labadaa su’aalood. Markii ay dawladdu kaalinteedii gabtay, waxaa bulshada caalamku samaysay madal ay ku wada jiraan madaxda dawladda dhexe iyo kuwa gobollada taasoo loo xilsaaray inay go’aamiyaan hannaanka baarlamaanka loo soo xuli karo 2016. Sidii caadada u ahayd, siyaasiyiinta Soomaalidu waxay la yimaaddeen dhowr qorshe oo mid kasta uu cilladihiisa iyo samaantiisa leeyahay. Waxaa miiska la soo saaray hannaanka qabiilka ee 4.5 oo ah kan baarlamaannadii hore ay ku samaysnaayeen iyo hab labaad oo leh waa in lagu saleeyo degmooyinkii iyo gobolladii ay dawladdii militarigu ka tagtay. Haddaba maxaa ka dhalan kara qaadashada hababkan? Kow, nidaamka qabiilka ku salaysan ee 4.5 waxaa lagu dhisay afar baarlamaan (2000, 2004, 2009, 2012). Waxaa la yiri Soomaalidu waa afar beelood oo hubeysan iyo beesha shanaad oo aan hubeysnayn. Waxaa la siiyay beel kasta oo hubeysan 61 xildhibaan halka beelaha aan hubeysnayn la siiyay 31 xubnood. Markii la qaadanayay waxa la yiri “xaq maahee waa xal” qoondadani. Si kastaba ha ahaatee, hannaanka 4.5 waxay keentay laba faa’iido. Waxaa isla oggolaaday qabqablayaashii dagaalka waday oo waxay noqotay waxa kaliya ee ay isla oggol yihiin dadka siyaasadda horboodayey. Tan kale, 4.5 waxay keentay in la helo baarlamaan ay ka dhexmuuqdaan shaqsiyaad beelo kala duwan ka kala yimid. Waxaa la dhihi karaa qaadashada 4.5 waxaa lagu gaaray metalaadda beelaha, walow qabyo jirto. Dhanka kale, nidaamka qabiilka ku dhisan ee 4.5 waxaa lagu dhisay afar baarlamaan oo kulligood fashilmay. Guud ahaan, baarlamaannadu waxay qabtaan dhowr shaqo oo ay ka mid yihiin metalaadda dadka, samaynta xeerarka, iyo la xisaabtanka xukuumadda. Xeerar badan oo tayo leh ma aysan ansixin intii ay joogeen baarlamaannadii ku yimid 4.5. Sidoo kale, madaxweynayaasha ayaa ka dhigtay aalad ay siday rabaan u adeegsadaan oo musuqmaasuq ayay u dhamaadeen xildhibaannadii. Labo, qaar ka mid ah siyaasiyiinta qabaa’ilka ayaa soo jeediyey in laga guuro 4.5 oo loo guuro gobolladii iyo degmooyinkii ay dawladdii militarigu ka tagtay. Haddaba, haddii la qaato taladan ma la helayaa metalaad u dhiganta tii ay 4.5 keentay. Mase dhici karta in baarlamaanka habkaa ku yimaadda uu shaqeeyo oo xeerar wanaagsan uu dejiyo ama uu xukuumadaha si wanaagsan ula xisaabtamo?

Marka hore waxaa habboon inaan dib u fiirinno samaynta gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya. Waxaa jira taariikh dheer oo tusinaysa hababka ay gumeystayaashi iyo dawladihii Soomaalidu u wajaheen samaynta degmooyinka iyo gobollada. Haddii aan ka soo billowno xilligii dowladnimada mar waxaa jiray 47 degmo oo doorashooyin laga soo geli jiray iyo 8 gobol oo maamul (administrative regions). Ha yeeshee, markii kacaanku dalka qabsaday 1969, dhammaan wuxuu ka dhigay degmooyinka iyo gobollada kuwa maamul (administrative districts and regions) illeen dimoqraadiyad iyo doorasho ma aysan jirine. Kacaanku wuxuu abuuray 10 gobol oo cusub, wuxuuna laba-laabay degmooyinka oo wuxuu ka dhigay 92 degmo ama 94 degmo 1991.
Haddaba degmooyinka iyo gobolladan ma loo rogi karaa kuwa siyaasadeed oo metalaadda shacabka ma lagu salayn karaa? Ra’yigayga jawaabtu waa maya. Waxaan sidaa u iri shan sababood.
Kow, kacaanku uguma tala-gelin degmooyinka iyo gobollada in lagu saleeyo metalaad iyo siyaasad. Waxay degmooyinka iyo gobolladu ahaayeen kuwa maamul (Adminstrative regions). Xitaa marka ay dadku dalbanayaan in loo sameeyo gobo lama degmo waxay raadinayeen in magaaladoodu ay yeelato dugsi sare ama xarun caafimaad ama ay helaan adeegyo ka maqan. Dawladda militarigu iyadaa dalka xukuntay, metalaadduna waxay ku iman jirtay magcaabis iyo xubinnimada xisbiga hantiwadaagga.
Labo, mar baa la isku dayay in gobolladii jiray 1991 loo rogo gobollo siyaasadeed, waana fashilantay. Shirkii Addis Ababa ee 1993 loo qabtay qabqablayaasha dagaalka ayaa lagu go’aamiyay in Golaha Ku-Meel-Gaarka ah lagu dhiso 18-kii gobol. Waxaan Soomaalidu ogtahay in dhib badan uu ka dhashay, islamarkaasna dhibkaasi uu horseeday in UNISOM ay ku fashilanto Soomaaliya. Haddii la aqbalo soo jeedinta ah in degmo lagu saleeyo xulitaanka, yaa soo xulaya illeen shacabka degmada deggani cid ma dooranayaane?
Saddex, Kacaanku ma raacin shuruudo iyo xeerar cad-cad oo marka ay meeli buuxiso shuruudahaas ay degmo ama gobol noqonayso. Waxaan ka maqlay mid ka mid ah abwaannada Soomaalida oo leh hal habeen baan Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ka qaadnay afar dagmo. Haddaba, waxaa soo baxaya sad-bursi u xaglinaya siyaasiyiinta labada beelood (Hawiye iyo Daarood) ee mashruucan hadda hor-boodaya. Iska-daa in qoladii la yiri idinku ma dhamaystirnidiin oo bar ama nus baad leedihiin wax la siiyo ama kuwa kale oo hore u carooday la doono, waxaa meesha laga saarayaa beelo kale sida Digil iyo Mirifle iyo Dir. Natiijada ka soo baxaysa waa 2.5 oo macnaheedu noqonayo in siyaasiyiinta labadaas beelood ay wax boobaan inta kalena .5 la iskugu geeyo. Taas waxay keenaysaa in metalaaddii qabyada ahayd ee 4.5 lagu haystay ay aad u sii wiiqanto.
Afar, colaado cusub baa iman kara. Sideedaba in la sameeyo degmo ama gobol siyaasadeed ma aha arrin sahlan xitaa marka la fiiriyo dalalka hore u maray. Xaaladda uu hadda dalku ku jiro ee mid amni iyo siyaasadeedba waxay qof kasta oo masuul ah ku qasbaysaa inaanu fawdo cusub oo aan la maarayn karin dalka u horseedin. Run ahaan, waxaa xiiso leh in hoggaamiye-kooxeedyadii ay garteen dhibka ka iman kara arrinkan amaba ay ka cabsadeen, laakiin ay maanta hor-boodayaan wadaaddo iyo aqoonyahanno leh ujeeddo gaaban oo siyaasadeed.
Shan, dalka baa la kala yeelanayaa. Maanta waxaa jira dad ka badan hal milyan oo qaxooti ku ah dalalka dariska ah iyo hal milyan oo qof oo barakacayaal ah. Kuwa qaxootiga ahna waa ku adkaanaysaa inay dalka ku soo noqdaan. Kuwa barakacayaashuna iyagoo dalkoodii jooga ayaysan xuquuq siyaasadeed helayn. Xaqiiqduna hadda waa sidaa oo iyagoo dalkoodii jooga ayaysan xuquuq siyaasadeed ku lahayn gobollada ay daggan yihiin. Taasi waxay naaqisinaysaa xaqa waddaniga. Ugu danbayntii, haddii aan yeelno qeybta noocan ah, ma dhici kartaa wax ka soo baxa inay shaqeeyaan? Mustaqbalka Illaah baa og, laakiin wax xaqiijinaya inay tayo ahaan ka duwanaan karaan wixii 4.5 ay dhashay anigu ma arko.
Haddaba maxaa la yeelaa 2016? Waxaa hubaal ah inaan jawaabta su’aashan la weydiin dadweynaha Soomaaliyeed. Wuxuu ka dhexeeyaa go’aanku dhowrka qof ee saxiixayaasha ah iyo bulshada caalamka. Laakiin, waxaan kala dooranaynaa 4.5 oo keeni karta metalaad qabya ah oo aan naqaan dhibkeeda iyo dheefteeda iyo 2.5 oo aad uga sii liidata, keenina karta in laba qabiil ay ka sad-bursadaan Soomaalida inteeda kale. Diinta iyo caqligu waxay na farayaan in laba shar tii fudud la qaato. Waxaa xiiso leh in siyaasiyiinta labadan beelood ay awalba 4.5 iyagu nuxur ahaan ay ku caana-maali jireen oo aysan kuwa kale u oggolayn madaxweyne iyo ra’iisul-wasaare. Waa tii Professor Axmed Samatar uu magacaabay “duopoly” oo macnaheedu yahay siyaasiyiinta labadaa qolo ayuunba inta kale u heshiiyey.
Haddiiba ay 2016 dhan u dhacdo, habkee habboon in lagu saleeyo metalaadda shacabka (electoral system) ee aqalka hoose? Dastuurka qabyada ah ee Qaramada Midoobay samaysay waxaa ku qoran dhowr shardi oo muhiim ah in laga helo nidaamka doorashooyinka.
Kow, waa inuu keeni karo metalaad; labo, waa inuu noqdo mid aad u fudud oo dadku fahmi karaan; saddex, waa inuusan keenin colaado cusub. Haddaba, saddexdaas shardi waxaa laga heli habka lagu magacaabo “Closed List Proportional System in Single National District.” Macnuhu waxaa waaye in xisbiyo ay ku tartamaan dalka oo dhan oo hal deegaan ah. Kadib, xisbi walba inta cod oo uu helo ayaa loogu rogayaa kuraas. Xisbigii hela 40% codadka dadweynaha wuxuu helayaa 40% kuraasta.
Dhowr faa’iido ayaa lagu gaari karaa habkan. Dalalka soo kabanaya ayaa inta badan isticmaala nidaamkan. Tusaale, waxaa la qaban karaa doorashooyinka iyadoo aan dadka la tirin ama ay jiraan dhibaatooyin la xiriira xagga amniga. Waa nidaam aad u sahlan, waxaana uu xoojinayaa qaranimada. Waxaa adeegsada dalal badan oo dagaal sokeeye ka soo baxay sida Afghanistan iyo dalalka Bariga Yurub. Dhanka Soomaalida, waxaa nidaamkan ka faa’iidaystay Somaliland oo iyagu adeegsada “Closed List Proportional System in Single National District.”
Nidaamkani wuxuu leeyahay dhowr cilladood oo ay ka mid tahay inuu xoojiyo xisbiyada iyo madaxdooda oo iyagu go’aan ka gaaraya qofka magacooda ku tartamaya. Sidoo kale wuxuu keenayaa in dadku aysan la xisaabtami karin xildhibaanka maaddaama xisbi keensaday.
Maxaa laga yeelayaa gobollada? Waxaa miiska saaran laba ra’yi. Kow, ha lagu saleeyo 18 gobol. Dastuurkana sidaas baa ku taal. Labo, ha lagu saleeyo maamul-goboleedyada cusub oo Itoobiya iyo Kenya ay riixayaan. Mar aan baaritaan ku sameeyey baahinta nidaamka, dadkii aan waraystay qaarkood waxa soo jeediyeen in gobolladu aysan ka badan saddex gobol oo la wada daggan yahay: Somaliland oo mid ah, Balcad-Illaa Boosaaso oo mid kale ah iyo Afgooye illaa Raaskaambooni oo midka saddexaad ah, iyo Muqdisho oo Soomaali oo dhan u dhexeysa. Anigu intaaba ma qabo.
Marka aqal labaad la samaynayo waxaa la fiiriyaa qeybsanaanta dalka loo samaynayo ka jirta (luqad, gobollo, diin, qabiil). Soomaalidu waxay isku-dishay qabiil. Haddii aqal sare la samaynayo waxaan rumeysanahay inuu matalo qabaa’ilka laakiin uusan yeelan awood badan. Dalal ay ka mid yihiin Ghana iyo Botuswana waxay leeyihiin aqal odoyaal-dhaqameed oo aan awood badan lahayn. Somaliland lafteedu waxay leedahay Golaha Guurtida oo laakiin awood badan leh.
Gunaanadkii, Soomaalidu waa isku dad iyo dan iyo diin iyo af. Dalkana way wada leedahay. Cid gaar wax u yeelanaysa ma jirto. Waa nasiib darro in su’aalaha waaweyn ee dalkeenna khuseeya aan dooddooda dadku waxba ku lahayn. Aniga waxaa ila quman in la kala sooco waxa ku-meelgaarka ah iyo habka aan rabno inaan u guurno.

Posted on January 19, 2016, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: