Qabiil Iyo Qabyaalad!

Qabiil waa magac, mana xumaan karo haddaan lagu xumaan falayn. Waa magac, sida qurac, maroodi, buur, Guuleed iwm. Qabiilnimana waa ficilid. Sida Qabiil weyn, qabiil tiro yar, qabiil xun, qabiil xoog badan, qabiil laandheere ah, qabiil laan-gaab ah, qabiil wanaagsan, qabiil takooran, iwm.

Marka qabiilka Qabiilnimo loo rogay ayaa wax walba naga xumaadaan oo ficilkii qabiilnimo ayaa hadda noqday sun iyo waabaayo kala geysey bahweyntii isku duubnaan jirtey oo waddagi jirey walaaltinimo isku soo hirasho.

Marka is-dhaleecaynta Qabyaaladda laga gudbo, qabiil waa isir iyo abuulan Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asuulankoodi hore u raad-raaca.

Ceebu kuma jirti karto in qabiilka loo arko tilmaan beeleed oo keliya ee aan laga laalaadin kolmo ceebeed. Marka arritan dhabnimo loogu daadago, nin xun qabiil waa ka dhashaa, hase yeeshee Qabiil xun bulsho kama dhasho. Qabiilnimo lagu dhaato waxay keentay in midna la takooro mid kalena laga haybadaysto.

In midna la yaso ama la xurmotiro, mid kalena baarka loo firo. Aragtida sidaas ku wajahan waxba ma kordhiso oo waxay wiiqdaa sharafta iyo kartida bulshada.

Yaa Buufiya Dhibaatada Dalka Buburka U Keentay?

Dhibaatada loo adeegsado burburinta bulshada waxaa maleega warxumo-tashiilka, kaasoo cid walba ku jira, qayb kasta ee bulshadana kamid ahaan kara. Yaa fidiya bulsho-takooridda iyo magac-dilka qofka ama tan beeshaba? Waa warxumo tashiil. Labo isku maan ah haddana kala maqan yaa is-qaniinsiiya? Warxumo-tashiil.

Had iyo jeer, warxumo-tashiil wuxuu kiciyaa abaabul leh xiise cusub oo beesha uu ku abtirsado ayuu caraadiyaa inay la colowdo beesha kale ee ay deriska yihiin, ama waxuu usii gacantogaaleeyaa mid kasii durugsan oo saman hore xinifu dhexmartay labada beelood. Warxumo-tashiilku caanuhuu ka daadiyaa kuwa heshiiska isu horfariista, wuxuuna tuhumo ku abuuraa kuwii is-dhaarsaday oo hore u heshiiyey. Warxume-tashiilku waa macallinka baahiya xasaradaha beenta ku slaysan, fidnadana baahiya.

Ficilladaas dhammaandoodna rag baa abaabula oo haddana fidiya, waxayna ku jiraan beel iyo deegaan kasta ee Dalku ka kooban yahay. Waa hawl ballaaran oo hadda gaartay meekhaan gaamuray. Dhibaatooyinkaas ninka ka dambeeya, waxuu ku fadhin karaan kursi siyaasi bulsho matala. Wuxuu ahaan karaa mid ku shaqo leh u adeeggiddaa bulshada oo ay tahay inuu dadka sooran u ahaado. Wuxuu ahaan karaa waayo-arag nabaddoonimo u xilsaaran haddana dhinac u xagliya. Wuxuu ahaan karaa ka masaajidka ka addima oo aan wax takoorid laga sugayn, iwm. Ciduba nooma foyooba ee yaa la niciinsan doonaa?

Cudurka warxum-tashiilku fidiyo in badan ba ka aflaxda oo laab-lakac awgeed ayaa wax badan lagu bi’iyaan, bulsho-weynta boogtii soo gaartana way sii fasastaa. Waxaase dhab ah annagoon is-caymin oo heshiis waara lagu xallin dhibaatada dalka ka aloosan, siiba gobollada Koofureed inaan UN iyo ciddii kale oo soo raacdaba ayna marna heshiis waara dalka ka curin karin. Cid walba oo kale hadday hore xal waara u keeni weyday, dumarka Soomaaliyeed waxaa laga sugayaa inay calanka nabad-doonimada la wareegaan.

Waxaase layaab leh inaan warxumo-tashiil weli la weel duwin oo bulshada looga gargaarin. Inaan weli laga doodin cidda wax bi’isa iyo sidii looga hortagi lahaa, loona sixi lahaa wixii hore u xumaaday. Inaan weliba wax layska oran sidii mustaqbal wanaagsan loo tiigsan lahaa, boholaha nabad-diidku qodayna laga tallaabsado.

Waa maxay danta gaar ahaaneed ee warxumo-tashiilku la hullaaban yahay?

Wuxuu rabaa inuu kiciyo xammaasadda beeshiisa si uu madax ugu noqdo. Wuxuu rabaa in xil loo dhiibo si uu dhaqaale u tacbado. Wuxuu rabaa inuu goob walba ka muuqdo haddana nabad iyo gacaltooyo derisnimo marna uusan u guuxin. Wuxuu rabaa inaan ciduba wanaag isku afgaran hadduu goobtaas ka maqan yahay. Rabitaankiisa ayaa wax walba ka horreeya, ummadduna dantiisa ayay u afduuban tahay. Allow bulshada kaas ka qabo.

Guud ahaanba, Soomaalidu way ku xadgudubtaa qiimaynta xubnaha bulshada ugu firfircoon oo lagu dhaadan karo. Ninka wanaagsan oo nabadda jecel waxaa lagu naynaasaa “Miskiin jilicsan.” Kan dhiigyacabka ah ama tuugga ahna waa la caleema-saaraa oo waxaa la yiraahdaa “Waa nin rag ah.” “Waa nin shan-iyo-tobnaad ah.” “Waa nin geesi ah oo aan loo birdhigi karin,” iwm. Qunyar socodka aqoonta leh waa la huruufaa oo waxaa la yiraahdaa “ Adiga iyo waridkaa la cadaab. Maxaa cilmi ninkaas ku jira!” Kan farshaxanka wanaagsan sameeyana waa la habaaraa oo waxaa la yiraahdaa: “Gacmaha Raabi ku goo, bal daya sidoo wax isugu shaqlay!” Ninka wanaagsan oo hormuudnimo ku habboon waa la kahdaa oo waxaa la yiraahdaa: “Nin door aan ninkaaga ahayn nin baas baa la yiraahdaa.” Bulsho sidaas wax u qiimaysa sidee wiil ama gar xiddig ah uga soo barbaari karaa!?

Maxaa naga dhigay kuwo is-afduuba oo noo diiday inaan qofka ku qaddarino wuxuu galo iyo wuxuu gudo? Maxaa loo xabaalaa qofnimada qofku leeyahay? Maxaa loo dhaleeceeyaa beel aan waxba galabsan? Faanka iyo bogaadinta dadku waa ku dararaan, xooluhuna daaqsinta. Ma intaas baanu ka masuugaynaa qofka xiddi qarameed noqon kara?

Waxaa dhab ah in qof walba oo haybad gaar ahaaneed Rabbi u yeelay uusan qabiil keliya ka wada dhalan karin. Maxaan haddaba u dhaleecaynayaa haddii inta xulka bulshada u noqo karta ay ka wada timaaddo bah-weynta Soomaaliyeed, kuwaasoo noo noqon kara ceel irmaan oo cid kastaba ay wadaanteeda darsato, oo si guud ahaan iyo si gaar ahaaneedba looga wada faa’iidaysto?

Maxaan u qoonsanaynaa gabayaaga waddaniga ah oo beel kale ka dhashay? Maxaan u dhaleecaynayaa aqoonyahanka Rabbi ku manaystay maskax garaad-weyn leh oo ummadda horumar gaarsiin kara? Maxaanu qabiil dartiis ugu colaadinaynaa xisaab-yahanka iyo saynis-yahanka lagu halqabsado oo saldhig u noqon kara horumarinta dalkiisa? Qabiilnimo loo sacabba-tumo xaggee lagu gaari karaa? Kan qabiilnimada xambaarsan muxuu bahdiisa dhaxalsiin karaa?

Sheegashada qabiilku ma laha xididdo qoto dheer leh, marka si climi ahaan ah loo rogrogo isirka qoflku ka abuuran yahay. Waxaa dhici kara in ku-abtirsiga aabbe uusan dhabnimada uga tarjumi karin isirka canuggu aabbihiis ka dhaxlo.

Cilmiga uumista qofka ayaa sidatan laga raaci karaa: Aabaha iyo hooyada waxay isku biirsadaan 23 lammaane oo “chromosome” labada waalid ka yimaada, kuwaasoo ah unugyada ilmuhu ka abuurmaan. Kadhig in aabuhu yahay beel (b) hooyadana ay tahay beel (t). Kadhig aabbe hooyadiis iyo tan hooyaba (labada ayeeyo) inay ku abtirsadaan beesha hooyo (b). Ilmaha ay iska dhalaan aabbe (b) iyo hooyo (t) waxaa ku badan isirka hooyadu ku abtirsato. Haddii abootada hooyo iyo tan awoowaba au ku abtirsadaan isirka (t) ee hooyo, waayo ilmahaasu waxay sidan karaan dhaxal u badan isir-raaca hooyo. Waxaa laga yaabaa in saddex fac oo isku isir-raac ahuu u dhigmo (3/4) abtiriska dhinaca hooyada; aabuhuna uu isirka canugga ku yeesho (1/3), ama afar-meelood-meel.

Si kastaba ha ahaatee dhaqanku wuxuu jideeyey in ilmuhu mar walba ku abtirsadaan beesha aabahe ayadoon isir-raacba loo arkin. Tanu waa qiyaas aqoon-ciliyeed ku salaysan, ee ma ahan xaqiiqo biyokama dhibcaan ah.

Mar haddii caddaaladda iyo garsoorka bulshada uu raggu gacanta ku hayo abtirisigana sidaas baa aabeyaal hore u jideeyeen, dooduna dib ugama furmin. Marka la garwaaqsado tilmaanta kor ku xusan, qabiil waa tilmaan magac dhaqan ah ee ma aha mid ku salaysan xaqiiqo- cilmiyeed la hubiyey. Waxaaba laga yaabaa in beesha aad ku abtirsato uu isirkaaga aad ku dhisan tahay uu ku yar yahay haddana aad duulaan ku tahay tan isirkaagu ku badan yahay; hase ahaate markaas aadan dhaqan xaggiis uga tirsanayn.

Marka xagga dhaqanka loo eego, qabiilku labo aragti buu bulshada Soomaaliyeed u leeyahay- Mid miyyi iyo mid magaalo.

Nolosha miyyi ka jirta marka la tixgeliyo, qabiilku waa garab, gaashaan, caymin iyo il-dhaqaale, taasoo inta isku-abtirsata isku tosha oo isaga dhigta dan iyo seeto. Mar haddii magaalo la joogo, qabiilku qofka guddoon kuma laha. Qaaraan marka la warsado, qofku waa diidi karaa. Qofku wuxuu leeyahay deris uu soo dhawaysto, saaxiib uu wax la qaybsado, danaysi dad kale lala qaybsado, gacansaar ganacsi, maamul iyo shaqo-wadaag, kamid ahaan gole waxbrasho, mid madadaalo, iwm.

Colaadda afduubtay rabitaanka bulshada ka sokow, arrinta la yaabka leh oo dalkii nabad iyo xasilooni u diidday waa labadii dhaqan oo is-dheqaaday haddana nolol isku-dhaxlay. Waa reer baladkii oo barakacay oo ka qaxay deegaankoodii iyo reer muyyigii oo la wareegay deegaamaddii magaalo, aragtidii miyyina halkaas ka curiyey. Waxaan weli dhicin, hase yeeshee dhici kara, waa ayadoo xeradii geela laga qarqooro xaafadaha dhexdooda, ceelashii geelu ka cabbi jireyna laga qodo waddooynka deegaanka isku xira. Layaab ma laha inay faraha ka baxdo hanasho dawladnimo iyo curin maamul shaqayn kara, taasoo ka taagan dhammaan magaalooyinka Gobollda Koofureed.

La-Afduubyey Doorkii Dumarku Lahaa

Tiro ahaan, dumarku waa ka fara-badan yihiin tan ragga, deegaan kastaba hala joogee. Xagga aqoonta, is-xilqaanka hawl-qabadka iyo hal-curinta maankaba, ragga way ula siman yihiin; waxayse dheer yihiin hawlo badan oo kale, sida: Ilmo-qaadidda, dhalmada iyo hooyonimada, agaasinka maamulka qoyska iyo gudashada xilka ninkeedaba, gacan ku-haynta waalidka, kan xididka, kan xigtada, kan deriska iyo socotada bulshadaba.

Waxaa kaloo intaas usii dheer, dumarka oo ragga uga horeeya xagga: Nabadjecaylka, colaad-nacaybka, ku mintididda daacadnimada loo hayo dalka iyo dadkaba, isku-xiridda iyo isku-dumidda bulshada, xatooyo- la’aanta xoolaha dadweyne, run-sheegidda, khiyaamo la’aanta, takoorid la’aanta, samo-jecaylka, xumaan-diidka, ka fogaansha arrimaha shirqooka, iwm.

Marka la qiimeeyo dunta dhabiigiga ah ee dumarku leeyahay, waxyaale badan oo dhibaato dadka iyo dalkaba u keena oo raggu falo, ama ku taamo inuu falo, dumarku waa ka fiyow yihiin, sida: Dhiigyacabnimda, colaad hurinta iyo duulaan oogidda, afduubidda rabitaanka bulshada, asaraartanka iyo is-afgaranwaa la caadaystay, majaxaabinta siyaasadeed, been-tookhidda, danaysi ku naaxa, iwm.

Madaxnimada bulshada Soomaaliyeed rag baa hoggaamiya, dhaqankaasna rag keliya ayaa muquuniyey ayadoon dumarka laga talo-gelin. Caddaalad-xumada bulshada barkeed ku habsatay tan iyo jiritaanka ummaddu intay soo taxnayd, waxaa ugu weyn tan dumarku soo maray, haddana aan weli wax weyn ka qabsoomin. Inkiridda kartida dumarka iyo doorka lixaadka leh ee ay qaadan lahaayeen cid kale ma fulin karto. Ilama aha haddii dumar hoggaamin lahaa aayaha dalka in xaaladda lagu sugan yahay maanta ay sidatan ku sugnaan lahayd.

Waxaan muran lahayn in wax walba oo dalka iyo dadweynihiisa ka xumaada ay ku timid talada iyo taliska seef-laboodnimo oo siday u badan tahay raggu caanka ku yahay. Maxaa nooga baaqday liididda dumarka iyo kaalintii ay buuxin lahaayeen? Wax badan. Labaddi gacmood ee bulshadu ku adeegan lahayd tii ragga ayaa la hayaa ayaduna hadda laleemo ayay yeelatay. Raggu ha garwaaqsado hana soo dhaweeyo in dumarku qaataan doorka ay mudan yihiin oo la siman kan raggu qaato. Dumarku ha bilaabo olole lagu wargelinayo bulshada in la gaaray dorkii haweenku ka qaadan lahaayeen fulinta danaha bulshada, dhinac walba; ha noqdo xag taakulayn bulsho, hoggaamin siyaasadeed, baahin waxbarasho, daryeel caafimaad, difaaca dalka iyo horumarinta guud ee dadka iyo deegaankaba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: