Xusuusta Xoriyada | 26. Jun

Xusuusta Xoriyada | 26. Jun

Xusuusta Xoriyada | 26. Jun

Thursday 26 June 2014 – Moment Media Ethics – Shucuubta Dowladaha Adduunka waxey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga tilmaaman maalmaha kale sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee Taariikha soo jireenka ah leh oo u leh xusuus iyo Taariikh u gooni ah oo ay ku weyneeyaan isla markaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo Xaflado looga sheekaynayo Qiimaha iyo Qadarinta ay u leedahay Ummadaasi.
Hadaba Soomaaliya 54 Sanadood kadib waxay u dabaal dagi laheyd Sanad Guuradii ka soo wareegtay waqtigii Calanka xornimada laga qaatay gumeestayaashii reer Galbeedka, 54 ka hor waxaa halkaas ku soo dhamaaday oo soo gabagaboobay halgankii gobonimo u diriirka Soomaaliyeed oo soo bilowday qarnigii 16aad.


Waxaana meesha ka baxay dhibaatooyinkii ay kula kici jireen gumeystayaasha dadka Soomaaliyeed, sida in dadka Soomaaliyeed loo geysto dil, dhac, jir dil, baad ka qaadidi, xarig iyo waliba ihaanooyin farabadan, arintaasoo ay la qabeen dhamaan shucuubta Afrika iyo wadamadii la soo gumaystay ee Qaaradaha Aduunka.
Kulankii Magaalada Barliin ee Dalka Jarmalka Sanadkii 1884 ay ku yeesheen Dowladihii Reer Yurub oo uu ugu tun weynaa Ingiriiska ayaa ku heshiiyay in Qaarada Afrika oo shucuubti markaa daganeed Siyaasada iyo cilmiguba ay ku yaraayeen in ay qeebsadaan qobadii ay ku heshiisyeen reer galbeedka waxaa ugu weynaa.
Dowlada Reer Yurub mid kasta inuu isagu shucuubta Dhulka uu qabsaday ku nool Heshiis la galo taas oo ugu muhiimsananeed in cudud Milatari lagu Maquuniyo Dowladaha kalana aanay soo fara galin Meeshii Dal Ree Yurub ah qabsady in aan loogu iman wixii aan ka aheyn xidhiid ganacsi oo xadidan Dowladaana looga amar qaadanayo.

Source: Halgankii Xisbiga SYL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: