Xisbiga Xuriyadda NewSomalia

Xisbiga Xuriyadda NewSomalia ka yiri magacaabista ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble? “Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal Wasaaraha Cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble, runtii waxaa hortaalla shaqo baaxadleh oo masuuliyadeeda wadata, waxaana u rajeynayaa in uu ku guuleysto”

September 18, 2020
MuxuuXisbiga Xuriyadda ka yiri magacaabista ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble?

Muqdisho (Antitribalism online) – Xisbiga Xuriyadda NewSomalia , ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay magacaabista ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halkaasi oo uu farriin adag ugu diray.

Xisbiga Xuriyadda NewSomalia ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Waxaan soo dhoweynayaa Raysalwasaaraha cusub Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aan muddo aqaannay, kuna bartay dadnimo iyo wanaag, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa in uu la garab galo xilka iyo masuuliyadda uu Soomaali u qaaday.

Mudane RW waxaad ku soo aadday xilli adag, xasaasina ah oo ay maalmo kooban ka harsantahay muddo xileedkii dowladda, laguna heshiiyey hannaankii doorashada oo heer Federaal ah.

Mudane, waqti badan ma haysatid, waxaadse heli kartaa fursad aad ku reebto raad togan iyo taariikh toolmoon, halbeegga hawshaaduna waa in aad dalka si nabad ah uga talaabisid xilliga kala-guurka ah ee shiidaadiisu badantahay . Waxaad ku soo beegantay xilli dadkii la kala irdheeyey, saamilaydii siyaasadeedna kala aamin baxeen, culayska ugu wayn ee aad wajahayso waa in aad ur u bixiso siyaasadda cakiran, is fahamna ka dhex abuurto siyaasiyiinta kala dhintay.

Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.

Inkastoo xil qaran lagu magacaabay, haddana waxaad meteshaa dad miisaankoodii siyaasadeed maqanyahay iyo deegaan dhibteysan, taasina waxay kaaga baahantahay in aad muuqaal Raysalwasaare iyo mataalad siyaasadeed yeelato, kana feejignaato in aad asxaabtaada iyo dadkaada ka cararto, si aadan beri cidla u soo dhicin.



Caqabadaha horyaalla ra’iisul wasaaraha la magacaabay
September 18, 2020

Myqdisho (XisbigavXuriyadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed, oo 57 sano jir ah, ayuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”.

Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Maxaa ka mid ah caqabadaha horyaalla?

Magacaabidda rai’sul wasaaraha cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira kala guur siyaasadeed.

Waxaa uu dalka ku jira xilli lagu wado in dalka Soomaaliya ay doorasho dadban ka dhacdo.

Waxaa shalay lagu heshiiyay qaabka loo marayo doorashada 2020 iyo 2021-ka.

Hadaba waxaa rai’sul wasaaraha cusub horyaala caqabada badan oo ay tahay in uu ka gudbo.

Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa rumaysan in ra’isul wasaaraha waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay in u fuliyo ay ka mid tahay dhaqangalinta heshiiskii maamul goboleedyada iyo dowladda fedaraalka.

“Waxaa laga rabaa in uu fuliyo howla uu isaga hadda gadaal ka gaaray ayna ugu horeeyso heshiiskii hadda ugu dambeeyay ee salka ku haya doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri Mr Rashiid.

Waxaa intaa ku daray in rai’sul wasaaraha cusub sidoo kale looga fadhiyo in uu isu keeno dhinacyada ku kala irdhoobay siyaadda oo uu isku dayo in uu mideeyo.

“Waxaa kale oo xiga in siyaasiyan dadka hadda kala irdhoobay oo siyaasadda isaga soo horjeeda inuu isu soo dhaweeyo gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda in uu isu soo dhaweey,” ayuu yiri Mr Rashiid.

Rai’sul wasaaraha la magacabay Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa sidoo kale ay dad badan ka filayaan in uu hanto kalsoonida shacabka iyo saamileeyda dhanka siyaasadda.

“Waa in uu gogol xaar u sameeyo mustaqbalka dhaw arrimaha ku saabsan doorashooyiinka kalsooni na galiyo dadka kale ee banaanka taagan ee maanta daneynaya siyaasadda inay qeyb ka noqdaan markaa in uu howlahaasi oo dhan meelmariy,” ayuu yiri Rashiid Cabdullaahi Maxamed wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso – waa haddii la meel mariyee – xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.



Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DF Soomaaliya?

September 18, 2020
Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DF Soomaaliya?
Muqdisho (Xisbiga Xuriyadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Maxamed Xuseen Rooble ma ahayn nin ku lug leh siyaasadda Soomaaliya, ama aad loo yaqiin, wuxuuna inta badan la shaqeynayey hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan ururka shaqaalaha adduunka ee ILO.

Maxamed Xuseen Rooble waxa uu bishii October 1963-kii ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Waxa uu reer ahaan kasoo jeedaa beesha Sacad ee Habar-gidir.

Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee Injineeriyadda ka qaatay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale Shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee magaalada Stockholm, Sweden, isaga oo bartay Environmental Engineering and Sustainable Infrastructure.

Waxa uu si wanaagsan ugu haldaa luuqadaha Soomaaliga, English-ka, iyo Swedish-ka, isaga oo sidoo kalena wax ka yaqaan luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga.

Ka sokow Soomaalinimada, waxa uu sidoo kale haystaa dhalashada dalka Sweden. Waa xaasle aabe ah oo leh oo shan caruur ah.

Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu muddo 14 sano ah lasoo shaqeynayey ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, oo uu ka qabtay xilal sare oo ay ka mid yihiin heer hoggaanka dalka Soomaaliya ah, isaga oo mudadaas maamulay mashruucyo ay ku kacday lacag ka badan laba boqol oo milyan oo dollar.

Ma cadda cid uu si gaar ah ugu xiran yahay marka ay noqoto siyaasadda Soomaaliya, hase yeeshee CV-giisa codsiga shaqada ra’iisul wasaaraha waxaa ku qornaa saddex qof oo tixraac u ahaa, waxaana Soomaali ka ahaa kaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la magacaabay saacado un kadib markii heshiis laga gaaray arrimaha doorashada, taasi oo meesha ka saartay inuu wax kaalin ah ku yeesho go’aanada la xiriira doorashada, waxaana hadda u taal shaqo ah inuu soo dhiso xukuumad fuliso waxyaabihii lagu heshiiyey.



Afar arrimood ka ogaaw ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble
September 18, 2020

Muqdisho (XISBIGA XURIYADDA  Online)-Saqdii dhexe ee xalay madaxweynaha Soomaaliya Maaxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib mudo 54-cisho ah oo dalku uu ra’iisul wasaare la’aan ahaa.

Ra’iisul wasaare Rooble waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la hor geeyo baarlamaanka, si uu u helo codkooda kalsoonida, intaas kadibna waxaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad cusub, taas oo mar kale la hor geynayo baarlamaanka si loo ansixiyo, waqtiga uu heystana waa 143-cisho oo ah mudada u hartay madaxweyne Farmaajo.

Magacaabistiisu waxa ay ku soo aaday saacado un kadib markii war-murtiyeed ka kooban 15-qodob laga soo saaray shir maalmo Muqdisho uga socday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxd maamul goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray hanaanka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Xisbiga Xuriyadda Online waxay idinla wadaageysaa afar arrimood oo ku saabsan ra’iisul wasaarahan cusub.

XISBIGA XURIYADDA
Ra’iisul wasaare Rooble, wakhti kooban ayuu heystaa.

Waxaa wasiirka koowaad ee xukuumadiisa u magacaabay Madaxweyne ay mudo xileedka dowladiisa ka hartay 4-bilood iyo 23 maalmood, waxaana sugaya howlo culus oo ay ugu horeeyaan dhismaha xukuumad cusub iyo hir-gelinta heshiis doorasho oo uusan talo ku laheyn, kaas oo ka shaqeyntiisa la guda-gelayo 42-maalmood kadib. Waa bilowga bisha November.

Ra’iisul wasaarahan cusub inuu shaqo-galo oo xukuumad soo dhiso waxaa ka horeysa inuu helo kalsoonida baarlamaanka, kadibna uu isla baarlamaanka mar kale hor-keeno golihiisa wasiirrada.

Ra’iisul wasaare Rooble, ‘ma lahan khibrad siyaasadeed’

Rooble waa nin ku cusub siyaasadda Soomaaliya oo aan horay loogu arag, “Nin khibrad siyaasadeed leh ma lahan, guddoomiye gobol ma soo noqon, musharax maamul goboleed kama soo noqon, xildhibaan maamul goboleed ma soo noqon, xildhibaan federaal ma soo noqon, wasiir ku xigeen ma soo noqon, safiir ma soo noqon” waxaa sidaas yiri Maxamed Caalin oo ah falanqeeye siyaasadeed.

Caalin waxa uu qabaa inta badan Ra’iisul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya in aysan laheyn wax khibrado siyaasadeed ah oo badankood magacaabistooda kadib un la bartay.

Ra’iisul wasaare Rooble waa Injineer ka soo shaqeeyey dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden oo dhalashadiisa labaad uu ka heysto, waxuuna in ka badan 10-sano la shaqeynayey hey’adda Qaramada Midoobey ee Shaqaalaha Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO.

Ra’iisul wasaare Rooble, waxaa lagu tilmaamay nin aad u degan.

Dadka aqoonta u leh Ra’iisul Wasaarahan cusub ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin degan oo af gaaban, isla maarkana jagooyin sare ka soo qabtay Qaramada Midoobey, isagoo gacanta ku hayey maamulka mashaariic badan oo ay QM ka fulisay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble, waxaa maareyn ka rabta doorashada

In kastoo laga heshiiyay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta, hadana waxaa ra’iisul wasaaraha cusub laga filayaa in xukuumadiisu ay xoojiso dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka oo 17-kii bishan Muqdisho lagu kala saxiixday.

Maxamed Caalin oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa mar uu la hadlayey BBC waxa uu yiri, “Hadda dib u dhis ciidan lagama sugayo, dib u dhis dhaqaale lagama sugayo, waxaa laga sugayaa in uu dib u habeyn ku sameeyo waxyaabaha lagu heshiinayay ee tubta doorashooyinka. Siyaasad ahaan xukuumaddiisa siday u xoojin doontaa amniga codeynta iyo dhex-dhexaadnimada la xiriirta dhaqaalihii caalamka uu baxsho ama musharraxiinta ay bixiyaan.”

Caalin waxa uu qabaa in hadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka leexdo hir-gelinta hanaanka doorasho ee lagu heshiiyey uu cagta saarayo dhabihii guul-darrada.

Posted on September 18, 2020, in Anti-Tribalism - XOGSANMEDIA. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment