Monthly Archives: October 2012

Baaq Muhiim ah ka soo baxay kulankii Jaaliyadda Beesha Sheekhaal ku yeesheen Magaalada Johannesburg

October 22 2012 – Kulan balaaran oo ay ka soo qeebgaleen dhamaanba jaaliyada beesha Shekhaal ee dalka koonfur afrika oo looga hadlayay xaaladaha Guud ee dalka soomaliya gar ahaana arimaha Gobolada jubooyinka iyo maamul u sameeyntooda ayaa waxaa u ka dhacay magaalada johannesburge. Kulanka ayaa intii u socday waxaa diiradda lagu saaray sidii maamul dhaxal gal u ah loogu heli lahaa Gobolada jubooyinka.

Read the rest of this entry

Sannad Guuradii 58aad (1954-2012) Calanka Qaranka Soomaaliyeed

Waxaa xusid Mudan SHEIKH ABUKAR SHEIKH CABDULLAHI( Qaali JIIF) Allaha ha u Naxriistee oo markii koowaad uu hawada ka dul babado calanka Soomaaliyeed ka taagan Xarunta Dawladda (Ufficio Governo) 12kii Oktobar 1954 markaas wuxuu haayay xilka ah(Chief Qaali).

October 12th, 2012 (Moment Media Group)  – Maanta oo ah 12kii Oktoober 2012 kuna beegan sannad guuraddii 58aad ee helida astaanta calanka qaranimadda soomaaliyeed, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegmay xili ifafaalihii dowladnimo u dhalatay shacabka soomaaliyeed, taasoo la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad iyo aad u adkeyd in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg isla markaasi na waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega shacabka soomaaliyeed waxaana looga baahan yahay in ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibadda ba.

Read the rest of this entry

Madaxweynaha oo saacadaha Soo socda ku dhawaaqaya R/Wasaaraha Cusub iyo Caqabadaha hareeyay …..

 

Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (Moment Media Group) — Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doono shaqsiga noqonaya Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalk

Mudada 30-ka cisho ee la rabo inuu kusoo magacaabo Ra’isul Wasaaraha sida uu qabo dastuurka u dagsan dalka ayaa Hal Todobaad ugu harsan inuu ku soo magacaabo Wasiirka Koowaad, waxayna Warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Mas’uulkii qaban lahaa jagadaasi uu miiska u saaran yahay, laguna dhawaaqi doono saacadaha dhow.

Madaxweynaha ayaa soo gabagabeeyay wadatashiyadii uu ka lahaa cida noqoneyso Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu mid mid uu arintaasi kala hadlay Qabaa\ilka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Hadal uu u sheegay wakiilo ka kala socday ururada Bulshada Rayidka, ayuu Prof. Xasan Sheekh ku yiri in hadii uu Ra’isulwasaaraha soo daahiyey in aysan daahi doonin dhismaha Golaha Wasiirada.

Dadka u dhuun daloola siyaasada Dowlada cusub waxa ay leeyihiin madaxweynaha waxa uu diyaariyeyba wasiiro gaaraya 10 oo uu isaga wato kuwaas oo uu rabo in Ra’isulwasaaraha cuusb u gudbiyo.

Read the rest of this entry